MAXAAD KA OGTAHAY SHIRKADA AIRBUS

Shirkadda diyaaradaha soo saarta ee reer Yurub ee lagu magacaabo Airbus ayaa shaacisay 2019-kii in nooca diyaaradda Airbus A380 ay joojinayso soo saaristeeda sanadka 2021-ka oo ah sannadkan aynu ku jirno. Sababta ayay ku sheegtay in dhaqaale badan galay hadana suuqii loo baahnaa aysan helin. 

Airbus A380 waa diyaaradda ugu weyn dunida ee rakaab qaadda, waana abid tii ugu weynayd ee bani aadanku hindiso ee rakaab qaadda. Sanaddii 2005-tii ayay markii ugu horraysay hawada u duushay oo tijaabadii ugu horraysay la marsiiyay iyadoo soo gashay shaqada sanadkii 2007-kii. diyaaradda cajiibka ah ayaa leh waxyaabo iyada u khaas ah oo aad u badan oo wayninkeedu sabab u yahay. 

Marka ay kacayso culayskeedu waxa uu dhan yahay 575tan ama 575kun oo kg, waa in u dhiganta illaa Shan nibiriga buluugaa ah, oo ah xayawaanka ugu weyn ee abid la abuuray. Waxa ay u dhiganta culayskeedu illaa todobo diyaaradood oo ah nooca Boeing 737 ama waxa ay 40% ka weyn tahay diyaaradda labaad ee dunida ugu weyn ee Boeing 747. 

Si loo sameeyo diyaaraddan shirkaddu waxa ay qalabkeeda ka kala keentay Yurubta qaybaheeda. Wadamada Jarmalka, Faransiiska, Spain iyo UK ayaa mid walba qalabkan sida baalasha, qolofka, matoorka taayarrada iyo agabka kalaba keenay. Si loo rinjiyeeyo waxa ay qaadanaysaa muddo 15maalmood ah oo ayna ka shaqaynayaan shaqaale 34qof ah. 

Xawaaraha ay jarto saacaddii ayaa ku dhow laba kun oo km, iyada oo samayn karta duulimaad 15kun oo km ah iyadoon hakan. kuraasta gudaheeda taal ayaa ka badan 800 oo kursi, waana laba dabakh oo kala sarreeya.

Markii la soo saaray, garoomada caalamiga ah waxa loo sheegay inay weyneeyaan meelaha ay diyaaraduhu ku ordaan oo shaqaale khaas ah iyo adeeg dheeriya sameeyaan oo diyaaraddan loogu talagalay maadaama ay aad u weyn tahay. marka ay duulayso oo ay qaylinayso inta ay garoonka ka baxayso, muddo 3daqiiqo ah diyaaradaha kale inay dhoofaan ama dagaan ayaa adkaata.

Shirkadda diyaaradaha ee Singapore ayaa noqotay shirkaddii ugu horraysay ee gadata hawadana u dirta sanaddii 2007-dii. Shirkadda Emarates ayaa leh tirada ugu badan oo Airbus A380 ah, waana 100 wax ka badan. waana shirkadda ugu badan ee adeegsataa. Dubai ayay ka duulaan illaa 9 Airbus A380 ah, iyaga oo London gaara maalin walba.

Qiimaheedu waa $445Million waa mid aad u qaali ah, taaso sababtay in aan aad loo gadan, madaarrada qaarna aysan u diyaar noqon. 15shirkadood oo diyaaradeed ayaa leh nooca diyaaraddan. Sidoo kale ma jirto shirkad Africa laga leeyahay oo haysata Airbus A380 xitaa Ethiopian Airlines. 

Waxa cajiiba marka aad aragto in banii aadanku hindisay Shay sidan u weyn oo hadana duulaya. maskaxda aadamuhu aad ayay ula yaabtaa marka ay arkayso A380 oo ka kacayaa dhulka xajmigeeda awgii. sida la qiyaasayo ma jiro doonto mudooyinkan diyaarad iyada badalaysa oo ka weyn in la sameeyo, sannadkan baana ugu dambaysa soo saaristeeda.

Sawirka koobaad waa mid ay Emarates leedahay oo kacayaa. Sawirka labaadna waa mid ay Qantas (Australia) leeadahay oo garoonka dhex socota oo ay daba socoto diyaaradda Boeing 737 oo ay isla shirkaddu leedahay. Diyaaraddaasi waa nooca ay Ethiopian Airlines ay dadka kaga soo qaaddo Muqdisho, Garoowe iyo Hargaysa. Marka la ag dhigo Airbus A380 sida ay noqonayso ayaa sidaas ah.

Kommentare

Beliebte Posts aus diesem Blog

WAX KA BARO AFRIKA

macaamiisha Lama xumeeyo