MAXAAD KA OGTAHAY SHIRKADA AIRBUS

Shirkadda diyaaradaha soo saarta ee reer Yurub ee lagu magacaabo Airbus ayaa shaacisay 2019-kii in nooca diyaaradda Airbus A380 ay joojinayso soo saaristeeda sanadka 2021-ka oo ah sannadkan aynu ku jirno. Sababta ayay ku sheegtay in dhaqaale badan galay hadana suuqii loo baahnaa aysan helin. 

Airbus A380 waa diyaaradda ugu weyn dunida ee rakaab qaadda, waana abid tii ugu weynayd ee bani aadanku hindiso ee rakaab qaadda. Sanaddii 2005-tii ayay markii ugu horraysay hawada u duushay oo tijaabadii ugu horraysay la marsiiyay iyadoo soo gashay shaqada sanadkii 2007-kii. diyaaradda cajiibka ah ayaa leh waxyaabo iyada u khaas ah oo aad u badan oo wayninkeedu sabab u yahay. 

Marka ay kacayso culayskeedu waxa uu dhan yahay 575tan ama 575kun oo kg, waa in u dhiganta illaa Shan nibiriga buluugaa ah, oo ah xayawaanka ugu weyn ee abid la abuuray. Waxa ay u dhiganta culayskeedu illaa todobo diyaaradood oo ah nooca Boeing 737 ama waxa ay 40% ka weyn tahay diyaaradda labaad ee dunida ugu weyn ee Boeing 747. 

Si loo sameeyo diyaaraddan shirkaddu waxa ay qalabkeeda ka kala keentay Yurubta qaybaheeda. Wadamada Jarmalka, Faransiiska, Spain iyo UK ayaa mid walba qalabkan sida baalasha, qolofka, matoorka taayarrada iyo agabka kalaba keenay. Si loo rinjiyeeyo waxa ay qaadanaysaa muddo 15maalmood ah oo ayna ka shaqaynayaan shaqaale 34qof ah. 

Xawaaraha ay jarto saacaddii ayaa ku dhow laba kun oo km, iyada oo samayn karta duulimaad 15kun oo km ah iyadoon hakan. kuraasta gudaheeda taal ayaa ka badan 800 oo kursi, waana laba dabakh oo kala sarreeya.

Markii la soo saaray, garoomada caalamiga ah waxa loo sheegay inay weyneeyaan meelaha ay diyaaraduhu ku ordaan oo shaqaale khaas ah iyo adeeg dheeriya sameeyaan oo diyaaraddan loogu talagalay maadaama ay aad u weyn tahay. marka ay duulayso oo ay qaylinayso inta ay garoonka ka baxayso, muddo 3daqiiqo ah diyaaradaha kale inay dhoofaan ama dagaan ayaa adkaata.

Shirkadda diyaaradaha ee Singapore ayaa noqotay shirkaddii ugu horraysay ee gadata hawadana u dirta sanaddii 2007-dii. Shirkadda Emarates ayaa leh tirada ugu badan oo Airbus A380 ah, waana 100 wax ka badan. waana shirkadda ugu badan ee adeegsataa. Dubai ayay ka duulaan illaa 9 Airbus A380 ah, iyaga oo London gaara maalin walba.

Qiimaheedu waa $445Million waa mid aad u qaali ah, taaso sababtay in aan aad loo gadan, madaarrada qaarna aysan u diyaar noqon. 15shirkadood oo diyaaradeed ayaa leh nooca diyaaraddan. Sidoo kale ma jirto shirkad Africa laga leeyahay oo haysata Airbus A380 xitaa Ethiopian Airlines. 

Waxa cajiiba marka aad aragto in banii aadanku hindisay Shay sidan u weyn oo hadana duulaya. maskaxda aadamuhu aad ayay ula yaabtaa marka ay arkayso A380 oo ka kacayaa dhulka xajmigeeda awgii. sida la qiyaasayo ma jiro doonto mudooyinkan diyaarad iyada badalaysa oo ka weyn in la sameeyo, sannadkan baana ugu dambaysa soo saaristeeda.

Sawirka koobaad waa mid ay Emarates leedahay oo kacayaa. Sawirka labaadna waa mid ay Qantas (Australia) leeadahay oo garoonka dhex socota oo ay daba socoto diyaaradda Boeing 737 oo ay isla shirkaddu leedahay. Diyaaraddaasi waa nooca ay Ethiopian Airlines ay dadka kaga soo qaaddo Muqdisho, Garoowe iyo Hargaysa. Marka la ag dhigo Airbus A380 sida ay noqonayso ayaa sidaas ah.

Kommentare

Beliebte Posts aus diesem Blog

DALKA TURKIGA

Waxa uu ahaa wiilyar oo kasoo jeeday qoys beeralay ahaa oo reer miyi ahaa. Waxa uu ahaa mid la dhibaataysan fahmidda casharrada dugsiga. Isaga oo shan jir ah ayuu bilaabay ganacsiga. Aabihii lacag uu hadyad ahaan u siiyay isaga oo yar, ayuu ku aas-aasay shirkad maanta ah tan ugu weyn caalamka ee soosaarta qalabka guryaha, taaso in kabadan 400xarumood caalamka kuleh.IKEA waa shirkad ganacsi oo farsmaysa iibisana agabka guryaha. Waa shirkadda ugu weyn caalamka ee soosaarta agabka guryaha (Furniture). Waxa lagu aas-aasay wadanka Sweden sanaddii 1943-dii. Waxa aas-aasay wiilyar oo 17jir ahaa oo la oran jiray Ingvar Kamprad. Lacagta uu ku sameeyay shirkadda waxa hadyad ahaan u siiyay aabihiis maadaama uu waxbarahada dugsiga hormar ka sameeyay. Ingvar waxa uu qabay xanuunka dyslexia oo ah xanuun haleela caruurta yaryar kaaso ku sababa akhris liidasho casharrada ah iyo fahamdarro. Ingvar gancsigii uu sameeyay waa uu guulaystay. Maanta IKEA waxa ay 433xarumood ku leedahay 52dal oo caalamka ah. Sanaddii 2018-kii IKEA waxa ay iibisay alaab qiimaheedu kor u dhaafayo $45Bilyan. Website-ka IKEA waxa ku jira 12kun oo nooc oo alaab ah. Intii u dhaxaysay September 2015 illaa august 2016 mudadaas sannadka ah weebka IKEA laba bilyan oo qof dad kor u dhaafaya ayaa booqday.IKEA waxa ay isticmaasha alwaaxa ugu badan caalamka maadama ay tahay shirkadda soosaarta agabka ugu badan ee alwaaxa ka samaysan. Sidoo kale cunnooyinka ayay soo saarta. Magaca IKEA waa ereyo la isugu geeyay oo u taagan Ingvar Kamprad oo ahaa ninka aas-aasay iyo Elmtaryd oo ah beeryar oo uu ku dhashay iyo Agunnaryd oo ah tuulo u dhaweyd beerta. Kaaso micnihiisu noqonayo Ingvar Kamprad-kii ka yimid Elmtaryd Agunnard (Ingvar Kamprad from Elmtaryd Agunnaryd)Ingvar waxa uu geeriyooday sannadkii hore bilowgiisii, isaga oo 91jir ah. Majaladda Bloomberg waxa ay sheegtay inuu ahaa shakhsiga 8aad ee caalamka ugu hodansan sannadkaas. Hantidiisu waxa ay dhammayd $58Bilyan. Shirkadda waxa maamula maanta wiilashiisii.Waxa la xusaa Kamprad inuu bilaabay isaga oo shan jir ah ganacsiga, waxa uu alaabta ka iibin jiray xaafadaha isaga oo baaskiil adeegsanaya sida qalimaanta iyo agab kale oo yaryar. Wiilyar oo reer Miyi beero-falato ah ahaa ayaa aabihii lacag yar uu siiyay ku sameeyay shirkad kasoo bilaabay inuu baaskiil alaabta ku geegeeyo maantana ah tan caalamka ugu weyn ee soosaarta agabka guryaha. Dakhliga IKEA waxa uu kor u dhaafaya $44Bilyan. Xarunta ugu weyn shirkaddu waxa ay kutaal Natherlands.Hal-abuurka ganacsigu waa mid horseeda inuu badalo nolosha qof ama bulsho dhan. Wiilkii beerlayda ahaa shirkaddii uu aas-aasay maanta waxa u shaqeeya in ka badan 200kun oo qof kuwaaso qoysas leh kuna tiirsan. Ingvar kaliya noloshiisa ma badalin sidoo kale milaayiin qof ayuu badalay noloshooda Ingvar oraah cajiiba ayuu ka tagay waxa uu yiri "Sunta ugu halista badan waa dareenka guusha ama yool inaad gaartay. Daawada looga hortagi karaa waa fiidwalba ka fikir maxaa berrito la qaban karaa waliba si kafiican hadda."Haddii aad akhrisatay warbixintan la wadaag saaxibadaa #Share-garee sidoo kale #Follow dheh page-ka mahadsanid.