Cuntooyinka Timaha Ka Ilaaliyo Cirrada

 In qofka marka uu weynaado ay timihiisu cadaadaan waa arrin dabicii ah, balse in qof dhalinyaro ahi uu cirro yeesho waxay ku abuurtaa walaac. Waxyaabo badan ayaa ka qeyb qaato cirrada soo degdegta.
Waxaa jira cillado keeni kara cirrada waxaana ka mid ah xanuunka tayroodhka, dhiig yarida iyo fitamiin B12 oo qofka ku yaraada
Haddaba sidee loo joojin karaa? Ma jirtaa habab looga hortegi karo?
Hagaag, waxaa jira cunnooyin caawiya ka hortagga cirrada. Halkii ay aad ka welweli lahayd, joogtee cunnooyinkaan soo socda. Welwelka iyo stress-ku waxay soo dedejiyaan cirrada.
Nafaqo darradu waxay ka mid tahay waxyaabaha sababaha cirrada, nafaqooyin kugu filan oo jirkaagu uu helaa waxay lagama maarmaan u tahay ilaalinta midabka tinta iyo caafimaadkeeda kale. Sidaas awgeed waa muhiim inaad doorato cunnooyinka caafimaadka u wanaagsan ee cirrada ka hortaga, koritaaanka timahana caawiya.
Waxaa jira cunnooyinka sare u qaado unugyada jirka u sameeyo midabka ee loo yaqaano “Melanin”, kana hortagga cirrada. Si akhri oo wax badan ka ogoow cunnooyinka dabiiciga ah ee ka hortagga iyo daawadaba u noqon kara cirrada.
Digirta:
Khudradda cagaaran:
Kalluunka Salmoon:
Lawska almonds:
Miraha beeriska (berries):
Caanaha iyo cunnooyinka laga sameeyo
Digirta waxay qani ku tahay barootiin, sidaas darteed waxay ka qeyb qaadataa ka hortagga cirrada waqtigeeda ka soo hormarta.
Khudradda cagaarani waa il dabiici ah oo laga helo fitamiin B6 iyo Fitamiin B12 kuwaas oo muhiim u ah caafimaadka tinta. Khudradda caleemaha cagaaran sida koostada waxaa ku badan fitamiinnada B, sidaas darteed waxay la dagaallantaa cirrada.
Shukulaatada madow:
Shukulaatada dabiici ahaan waxay qani ku tahay copper taas oo soo saarta maadada u qaabilsan midabaynta jirka iyo tinta oo loo yaqaano “melanin“, sidaas darteed cunista shukulaatadu waxay ka hortagtaa cirrada.
Waa cunno badeed dad badani ay jecel yihiin aadna loo cuno, waxaana uu la dagaallamaa cirrada. Kalluunka salmon waxa uu nidaamiyaa soo saarista hormoonnada qaabilsan ilaalinta midabka madow ee timaha. Kalluunkani waxaa kaloo uu la dagaallama waxaa loo yaqaanno “free radicals” oo keena cudurro badan.
Ma ahan lawskani inuu maqaarka keliya u fiican yahay balse sidoo kale timahana wuxuu u wanaagsan yahay. Waxaa ku badan fitamiin E iyo maadada copper. Ku darso cunnada lawskaan si aad uga takhalusto cirrada, islamarkaana aad sare ugu qaado quruxda iyo caafimaadka timahaaga.
Miraha berries-ka sida strawberries, raspberries iyo cramberries waxaa ku badan fitamiin C oo kor u qaada caafimaadka timaha kana caabbiyo cirrada soo degdegta.
Caanaha iyo cunnooyinka laga soo dheegto waxay hodan ku yihiin fiitamiinnada B, fitamiin B6 iyo fitamiin B12 oo muhiim u ah samayska unugyada dhiigga ee cascas. Tani waxay kordhisaa in oxygen-ta iyo nafaqooyinku ay gaaraan basada. Balse haddii ay jirka ku yaraadaan folic acid (fitamiin B9) iyo fitamiin B7 waxay keeni karaan in timuhu cirraysataan.

Kommentare

Fuaad hat gesagt…
Maasha Allah
Fuaad hat gesagt…
Maasha Allah
Fuaad hat gesagt…
<@maasha Allah>
Anonym hat gesagt…
maasha allah
Unknown hat gesagt…
maasha allah

Beliebte Posts aus diesem Blog

MAXAAD KA OGTAHAY SHIRKADA AIRBUS

DALKA TURKIGA

Waxa uu ahaa wiilyar oo kasoo jeeday qoys beeralay ahaa oo reer miyi ahaa. Waxa uu ahaa mid la dhibaataysan fahmidda casharrada dugsiga. Isaga oo shan jir ah ayuu bilaabay ganacsiga. Aabihii lacag uu hadyad ahaan u siiyay isaga oo yar, ayuu ku aas-aasay shirkad maanta ah tan ugu weyn caalamka ee soosaarta qalabka guryaha, taaso in kabadan 400xarumood caalamka kuleh.IKEA waa shirkad ganacsi oo farsmaysa iibisana agabka guryaha. Waa shirkadda ugu weyn caalamka ee soosaarta agabka guryaha (Furniture). Waxa lagu aas-aasay wadanka Sweden sanaddii 1943-dii. Waxa aas-aasay wiilyar oo 17jir ahaa oo la oran jiray Ingvar Kamprad. Lacagta uu ku sameeyay shirkadda waxa hadyad ahaan u siiyay aabihiis maadaama uu waxbarahada dugsiga hormar ka sameeyay. Ingvar waxa uu qabay xanuunka dyslexia oo ah xanuun haleela caruurta yaryar kaaso ku sababa akhris liidasho casharrada ah iyo fahamdarro. Ingvar gancsigii uu sameeyay waa uu guulaystay. Maanta IKEA waxa ay 433xarumood ku leedahay 52dal oo caalamka ah. Sanaddii 2018-kii IKEA waxa ay iibisay alaab qiimaheedu kor u dhaafayo $45Bilyan. Website-ka IKEA waxa ku jira 12kun oo nooc oo alaab ah. Intii u dhaxaysay September 2015 illaa august 2016 mudadaas sannadka ah weebka IKEA laba bilyan oo qof dad kor u dhaafaya ayaa booqday.IKEA waxa ay isticmaasha alwaaxa ugu badan caalamka maadama ay tahay shirkadda soosaarta agabka ugu badan ee alwaaxa ka samaysan. Sidoo kale cunnooyinka ayay soo saarta. Magaca IKEA waa ereyo la isugu geeyay oo u taagan Ingvar Kamprad oo ahaa ninka aas-aasay iyo Elmtaryd oo ah beeryar oo uu ku dhashay iyo Agunnaryd oo ah tuulo u dhaweyd beerta. Kaaso micnihiisu noqonayo Ingvar Kamprad-kii ka yimid Elmtaryd Agunnard (Ingvar Kamprad from Elmtaryd Agunnaryd)Ingvar waxa uu geeriyooday sannadkii hore bilowgiisii, isaga oo 91jir ah. Majaladda Bloomberg waxa ay sheegtay inuu ahaa shakhsiga 8aad ee caalamka ugu hodansan sannadkaas. Hantidiisu waxa ay dhammayd $58Bilyan. Shirkadda waxa maamula maanta wiilashiisii.Waxa la xusaa Kamprad inuu bilaabay isaga oo shan jir ah ganacsiga, waxa uu alaabta ka iibin jiray xaafadaha isaga oo baaskiil adeegsanaya sida qalimaanta iyo agab kale oo yaryar. Wiilyar oo reer Miyi beero-falato ah ahaa ayaa aabihii lacag yar uu siiyay ku sameeyay shirkad kasoo bilaabay inuu baaskiil alaabta ku geegeeyo maantana ah tan caalamka ugu weyn ee soosaarta agabka guryaha. Dakhliga IKEA waxa uu kor u dhaafaya $44Bilyan. Xarunta ugu weyn shirkaddu waxa ay kutaal Natherlands.Hal-abuurka ganacsigu waa mid horseeda inuu badalo nolosha qof ama bulsho dhan. Wiilkii beerlayda ahaa shirkaddii uu aas-aasay maanta waxa u shaqeeya in ka badan 200kun oo qof kuwaaso qoysas leh kuna tiirsan. Ingvar kaliya noloshiisa ma badalin sidoo kale milaayiin qof ayuu badalay noloshooda Ingvar oraah cajiiba ayuu ka tagay waxa uu yiri "Sunta ugu halista badan waa dareenka guusha ama yool inaad gaartay. Daawada looga hortagi karaa waa fiidwalba ka fikir maxaa berrito la qaban karaa waliba si kafiican hadda."Haddii aad akhrisatay warbixintan la wadaag saaxibadaa #Share-garee sidoo kale #Follow dheh page-ka mahadsanid.