DAYAXA

Dayaxa dhulku waxa uu kamid yahay in ka badan 200 oo dayax oo bah qorraxeedkeenna ku jira. Waa dayaxa qura ee dhulku lee yahay, waana dayaxa shanaad ee ugu weyn dayaxyada la sahamiyay. Taaso ka dhigaysa dhulka meeraha qura ee hal dayax leh. Marka laga reebo Dusaa (Mercury) iyo Waxaraxidh (Vinus) oo aanan dayaxyo lahayn meeryaasha kale oo idil waxa ay leeyihiin laba dayax iyo wax ka badan.

Saynisyahannadu waxa ay tibaaxaan dhowr aragtiyo oo sheegaya qaabka uu dayaxu ku samaysmay, aragtida ugu xoogan ayaa ah in muddo laga joogo 4.5Bilyan oo sano uu meere yar uu ku dhacay dhulka taaso sababtay burbur, burburkaas ayaa sababay samaysanka dayaxa maanta. Dayaxu waxa uu dhulka u jiraa masaafo 384kun oo km ah. Waa shayga dabiiciga ah ee ugu dhow dhulka inta la ogyahay. Masaafada uu u jiro dhulka waxa gali kara illaa 30dhul. Ballaciisa ayaa ah 2,159mile.

Dayaxu waxa uu nolosha dhulka u yahay mid muhim ah oo jiritaankeeda qayb ka qaata. Muddo 27maalmood ah ayay ku qaadataa inuu ku wareego dhidibkiisa isla 27-kaas maalmood ayuu ku wareega dhulka halkii mar. Waxa uu leeyahay dayaxu sideed waji ama maraa sideed marxaladood, oo ay kamid yihiin dayax dhalad, dayax bar iyo dayax buuxa. 

Dayaxu waxa uu ina siiya iftiin uu si toosa uga helo qorraxda, iftiinkaas qorraxda ka yimaada aaya ka dhiga dayaxa mid kaligiis ifaya. Badanaa waxa dhaca dayax-madoobaad, waa marxalad uu sababo marka dhulku uu kala dhexgalo dayaxa iyo qorraxda, taaso sababysa in hooska dhulku uu qariyo guud ahaan dayaxa. 

Marwalba waxa aynu aragnaa hal dhinac oo dayaxa ah, ama 59% oogada dayaxa. Taas waxaa sababa wareegga uu dayaxu ku wareego dhidibkiisa iyo isla dhulka. Sidoo kale inaynu aragno dayax dhalad, dayax bar iyo dayaxa buuxa oo kamida wajiyada ama marxaladaha dayaxa waxa u sabab ah hadba wareegga uu ku wareegayo dhulka iyo iftiinka qorraxda sida uu helo.

Dayaxu sida dhulka oo kale ayuu leeyahay buuro iyo godod waaweyn. Sidoo kale waxa uu leeyahay biyo adke ah balse hawada Oxygen ayaana ka jirin oogadiisa. Markii ugu horraysay Soofiyeetka ayaa ka dajiyay dayaxgacmeed oogada dayaxa muddo laga joogo 61sano wax ku dhow. Sidoo kale 10sano kadib xilligaa aadamihii ugu horreeyay ayaa ku dul socday oogada dayaxa oo ku beegan 1969-kii. Sida taariikhda ku xusan 12cirbixyeen ayaa ku dul socday dayaxa dhammaantoodna waa Maraykan, kii ugu dambeeyay 1972-dii ayuu ku dul dagay.

Kommentare

Beliebte Posts aus diesem Blog

WAX KA BARO AFRIKA

MAXAAD KA OGTAHAY SHIRKADA AIRBUS

macaamiisha Lama xumeeyo