DAYAXA

Dayaxa dhulku waxa uu kamid yahay in ka badan 200 oo dayax oo bah qorraxeedkeenna ku jira. Waa dayaxa qura ee dhulku lee yahay, waana dayaxa shanaad ee ugu weyn dayaxyada la sahamiyay. Taaso ka dhigaysa dhulka meeraha qura ee hal dayax leh. Marka laga reebo Dusaa (Mercury) iyo Waxaraxidh (Vinus) oo aanan dayaxyo lahayn meeryaasha kale oo idil waxa ay leeyihiin laba dayax iyo wax ka badan.

Saynisyahannadu waxa ay tibaaxaan dhowr aragtiyo oo sheegaya qaabka uu dayaxu ku samaysmay, aragtida ugu xoogan ayaa ah in muddo laga joogo 4.5Bilyan oo sano uu meere yar uu ku dhacay dhulka taaso sababtay burbur, burburkaas ayaa sababay samaysanka dayaxa maanta. Dayaxu waxa uu dhulka u jiraa masaafo 384kun oo km ah. Waa shayga dabiiciga ah ee ugu dhow dhulka inta la ogyahay. Masaafada uu u jiro dhulka waxa gali kara illaa 30dhul. Ballaciisa ayaa ah 2,159mile.

Dayaxu waxa uu nolosha dhulka u yahay mid muhim ah oo jiritaankeeda qayb ka qaata. Muddo 27maalmood ah ayay ku qaadataa inuu ku wareego dhidibkiisa isla 27-kaas maalmood ayuu ku wareega dhulka halkii mar. Waxa uu leeyahay dayaxu sideed waji ama maraa sideed marxaladood, oo ay kamid yihiin dayax dhalad, dayax bar iyo dayax buuxa. 

Dayaxu waxa uu ina siiya iftiin uu si toosa uga helo qorraxda, iftiinkaas qorraxda ka yimaada aaya ka dhiga dayaxa mid kaligiis ifaya. Badanaa waxa dhaca dayax-madoobaad, waa marxalad uu sababo marka dhulku uu kala dhexgalo dayaxa iyo qorraxda, taaso sababysa in hooska dhulku uu qariyo guud ahaan dayaxa. 

Marwalba waxa aynu aragnaa hal dhinac oo dayaxa ah, ama 59% oogada dayaxa. Taas waxaa sababa wareegga uu dayaxu ku wareego dhidibkiisa iyo isla dhulka. Sidoo kale inaynu aragno dayax dhalad, dayax bar iyo dayaxa buuxa oo kamida wajiyada ama marxaladaha dayaxa waxa u sabab ah hadba wareegga uu ku wareegayo dhulka iyo iftiinka qorraxda sida uu helo.

Dayaxu sida dhulka oo kale ayuu leeyahay buuro iyo godod waaweyn. Sidoo kale waxa uu leeyahay biyo adke ah balse hawada Oxygen ayaana ka jirin oogadiisa. Markii ugu horraysay Soofiyeetka ayaa ka dajiyay dayaxgacmeed oogada dayaxa muddo laga joogo 61sano wax ku dhow. Sidoo kale 10sano kadib xilligaa aadamihii ugu horreeyay ayaa ku dul socday oogada dayaxa oo ku beegan 1969-kii. Sida taariikhda ku xusan 12cirbixyeen ayaa ku dul socday dayaxa dhammaantoodna waa Maraykan, kii ugu dambeeyay 1972-dii ayuu ku dul dagay.

Kommentare

Beliebte Posts aus diesem Blog

MAXAAD KA OGTAHAY SHIRKADA AIRBUS

DALKA TURKIGA

Waxa uu ahaa wiilyar oo kasoo jeeday qoys beeralay ahaa oo reer miyi ahaa. Waxa uu ahaa mid la dhibaataysan fahmidda casharrada dugsiga. Isaga oo shan jir ah ayuu bilaabay ganacsiga. Aabihii lacag uu hadyad ahaan u siiyay isaga oo yar, ayuu ku aas-aasay shirkad maanta ah tan ugu weyn caalamka ee soosaarta qalabka guryaha, taaso in kabadan 400xarumood caalamka kuleh.IKEA waa shirkad ganacsi oo farsmaysa iibisana agabka guryaha. Waa shirkadda ugu weyn caalamka ee soosaarta agabka guryaha (Furniture). Waxa lagu aas-aasay wadanka Sweden sanaddii 1943-dii. Waxa aas-aasay wiilyar oo 17jir ahaa oo la oran jiray Ingvar Kamprad. Lacagta uu ku sameeyay shirkadda waxa hadyad ahaan u siiyay aabihiis maadaama uu waxbarahada dugsiga hormar ka sameeyay. Ingvar waxa uu qabay xanuunka dyslexia oo ah xanuun haleela caruurta yaryar kaaso ku sababa akhris liidasho casharrada ah iyo fahamdarro. Ingvar gancsigii uu sameeyay waa uu guulaystay. Maanta IKEA waxa ay 433xarumood ku leedahay 52dal oo caalamka ah. Sanaddii 2018-kii IKEA waxa ay iibisay alaab qiimaheedu kor u dhaafayo $45Bilyan. Website-ka IKEA waxa ku jira 12kun oo nooc oo alaab ah. Intii u dhaxaysay September 2015 illaa august 2016 mudadaas sannadka ah weebka IKEA laba bilyan oo qof dad kor u dhaafaya ayaa booqday.IKEA waxa ay isticmaasha alwaaxa ugu badan caalamka maadama ay tahay shirkadda soosaarta agabka ugu badan ee alwaaxa ka samaysan. Sidoo kale cunnooyinka ayay soo saarta. Magaca IKEA waa ereyo la isugu geeyay oo u taagan Ingvar Kamprad oo ahaa ninka aas-aasay iyo Elmtaryd oo ah beeryar oo uu ku dhashay iyo Agunnaryd oo ah tuulo u dhaweyd beerta. Kaaso micnihiisu noqonayo Ingvar Kamprad-kii ka yimid Elmtaryd Agunnard (Ingvar Kamprad from Elmtaryd Agunnaryd)Ingvar waxa uu geeriyooday sannadkii hore bilowgiisii, isaga oo 91jir ah. Majaladda Bloomberg waxa ay sheegtay inuu ahaa shakhsiga 8aad ee caalamka ugu hodansan sannadkaas. Hantidiisu waxa ay dhammayd $58Bilyan. Shirkadda waxa maamula maanta wiilashiisii.Waxa la xusaa Kamprad inuu bilaabay isaga oo shan jir ah ganacsiga, waxa uu alaabta ka iibin jiray xaafadaha isaga oo baaskiil adeegsanaya sida qalimaanta iyo agab kale oo yaryar. Wiilyar oo reer Miyi beero-falato ah ahaa ayaa aabihii lacag yar uu siiyay ku sameeyay shirkad kasoo bilaabay inuu baaskiil alaabta ku geegeeyo maantana ah tan caalamka ugu weyn ee soosaarta agabka guryaha. Dakhliga IKEA waxa uu kor u dhaafaya $44Bilyan. Xarunta ugu weyn shirkaddu waxa ay kutaal Natherlands.Hal-abuurka ganacsigu waa mid horseeda inuu badalo nolosha qof ama bulsho dhan. Wiilkii beerlayda ahaa shirkaddii uu aas-aasay maanta waxa u shaqeeya in ka badan 200kun oo qof kuwaaso qoysas leh kuna tiirsan. Ingvar kaliya noloshiisa ma badalin sidoo kale milaayiin qof ayuu badalay noloshooda Ingvar oraah cajiiba ayuu ka tagay waxa uu yiri "Sunta ugu halista badan waa dareenka guusha ama yool inaad gaartay. Daawada looga hortagi karaa waa fiidwalba ka fikir maxaa berrito la qaban karaa waliba si kafiican hadda."Haddii aad akhrisatay warbixintan la wadaag saaxibadaa #Share-garee sidoo kale #Follow dheh page-ka mahadsanid.