Ha Ku Mashquulin Qof Gadaashaada Ka Hadlaya
Ha Ku Mashquulin Qof Gadaashaada Ka Hadlaya!
Mar aan tababar dibadda ah ku jirney, ayaa markasta oo la ordayo (Fakataxa), waxaa noo hormari jirey labo ardey.
Maalintii danbe, ayaa Alle ha ka cafiyee, waxay qaar naga mid ah ku heshiiyeen in marka orodka la galo, gadaal laga caayo labada dheereeye si ay u soo laabtaan, loogana mashquuliyo orodka.
Ninkii gadaal u soo laabtey, oo markii hore kaalinta 1aad ama 2aad ku soo bixi iirey, ayaa maalintaas 10aad yimid, halka kii kalana kaalintiisa xirtey oo 1aad ku soo baxay.
Qofka ku caaynaya, markastana afka kugu haya, waa qof kaa hooseeya, haddii aad u jawaabto oo aad la caayntanto, tartanka iyo tiigsigaagaba waad ka hartey.
Si kasta oo laguu xasdo, looguna caayo, gadaal ha fiirin ee hortaada u soco
Kommentare