Hassanal Bolkiah waa Suldaanka ama boqorka wadanka Brunei Darussalam, oo ah dal jasiiradeed yar oo dhaca Koonfur-bari Eeshiya,

Hassanal Bolkiah waa Suldaanka ama boqorka wadanka Brunei Darussalam, oo ah dal jasiiradeed yar oo dhaca Koonfur-bari Eeshiya, sidoo kale waa raysal wasaaraha dalka, ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo ganacsiga, ahna wasiirka maaliyadda, ahna wasiirka gaashaandhigga(difaaca) ahna taliyaha guud ee ciidamada qaranka, ahna taliyaha guud ee ciidamada badda, ahna taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka, ahna madaxa sare ee jaamacadda brunei darussalam( Chancellor of University Brunei Darrusalam), ahna madaxa sare ee jaamacadda Sultan Sharif Ali, ahna madaxa sare ee jaamacadda tiknolojiyadda ee Brunei.

Waa 73sano jir, waxa uu maamulayaa dalkaas muddo 53sano ah. Waxa lagu tilmaama mid kamid shakhsiyaadka ugu hadal haynta badan dunida. Waxa uu ahaa qof hantida aad u kharash gareeya oo ku tunta (Playboy) illaa hadana yahay. Sanadihii u dhaxeeyay 1980-1990-kii ayuu ahaa shakhsiga ugu hodansan dunida. 

Madaxtooyadiisa ama guriga uu dagan yahay waa guriga dunida ugu ballaaran. Buugga dhacdooyinka dunida ayuu ku xusan yahay. Waxa uu ka kooban yahay 1,788qol, 257musqulood. Hool weyn oo shan kun oo qof qaada, masjid kun qof qaada, shan goobood oo dabaasha ah. Garaashyo ay ku jiraan baabuur aad u badan. Waxa uu ka samaysan yahay oo ku xardhan dahab iyo dhayman. Sidoo kale gurigaas la yiraahdo Istana Nurul Iman waxa uu ku kacay $1.4Billion. 51kun oo laambadood baa ku xiran, waxa uu leehahay 44jaranjaro iyo 18wiishash ah. 

Suldaanku waxa uu leeyahay in ka badan dhowr kun oo gawaarida raaxada ah oo ku fadhiya illaa $9Billion. Isaga iyo walaalkii ayaa la qiyaasa in 5kun oo babauur ah ay leeyihiin. Waxa uu gaar u leeyahay oo baabuurtiisa kamida illaa 500 oo baabuurta Rolls Royce ah, waa babauurta dunida ugu qaalisan. Waxa kale ee uu leeyahay diyaarado u khaas ah, sida diyaarad Airbus ah oo joogta $138Million, Beoing 767 oo joogta $251Million iyo Beoing 747 oo joogta $431Million waxaana ku xardhan dahab.

Isaga oo 19jir ah ayuu guursaday, waana xaaska ay wali is qabaan, waxa uu guursaday laba gabdhood oo kale oo ay kala tageen, aroosyadaas milaayiin doollar baa ku baxday. Waxa la xusaa in Suldaanku saddexdii isbuucba uu timaha mar jarto, laakiin waxa uu duulaa London si uu tumaha u soo jarto waxaana halkii mar timaha loogu jaraa $20kun.

Sanaddii 1996-dii oo ku beegnayd dhalashadiisii 50aad waxa la xusaa in xafaldda dhalashadiisa uu ku casuumay Micheal Jackson isaga oo siiyay $25Million si uu ugu heeso. Sidoo kale arooskii wiilkiisa ee 2004-tii Muhtadee Billah waxa ka heesay  fannaanadda Whitney Houson oo uu siiyay $10Million. Waxa uu dhalay 12caruura, mid kamida gabdhihiisa xafladdeeda dhalashada ayuu hadyad uga dhigay diyaarad nooceedu yahay Airbus340 oo qiimaheedu yahay $270Million. Mid kamida tababarayaashiisa ciyaaraha ayuu mushaar ahaan u siiya $2Million bil walba. 

Dalka uu maamulaa waa dal yar oo muslim ah oo shidaalka qani ku ah uu u dhaxeeya Malaysia iyo Indonesia. Waxa ku nool illaa 430kun oo qof, 95% dadku waa qani. Waa dal leh kayd shidaal dibaddana u dhoofsha, 90% dhaqaalaha dalku shidaalka ayuu ka soo xaroodaa. Waxa la xusaa in dakhliga u xarooda suldaankaas lagu qiimeeyo halkii ilbidhiqsi $140.

Kommentare

Beliebte Posts aus diesem Blog

MAXAAD KA OGTAHAY SHIRKADA AIRBUS

DALKA TURKIGA

Waxa uu ahaa wiilyar oo kasoo jeeday qoys beeralay ahaa oo reer miyi ahaa. Waxa uu ahaa mid la dhibaataysan fahmidda casharrada dugsiga. Isaga oo shan jir ah ayuu bilaabay ganacsiga. Aabihii lacag uu hadyad ahaan u siiyay isaga oo yar, ayuu ku aas-aasay shirkad maanta ah tan ugu weyn caalamka ee soosaarta qalabka guryaha, taaso in kabadan 400xarumood caalamka kuleh.IKEA waa shirkad ganacsi oo farsmaysa iibisana agabka guryaha. Waa shirkadda ugu weyn caalamka ee soosaarta agabka guryaha (Furniture). Waxa lagu aas-aasay wadanka Sweden sanaddii 1943-dii. Waxa aas-aasay wiilyar oo 17jir ahaa oo la oran jiray Ingvar Kamprad. Lacagta uu ku sameeyay shirkadda waxa hadyad ahaan u siiyay aabihiis maadaama uu waxbarahada dugsiga hormar ka sameeyay. Ingvar waxa uu qabay xanuunka dyslexia oo ah xanuun haleela caruurta yaryar kaaso ku sababa akhris liidasho casharrada ah iyo fahamdarro. Ingvar gancsigii uu sameeyay waa uu guulaystay. Maanta IKEA waxa ay 433xarumood ku leedahay 52dal oo caalamka ah. Sanaddii 2018-kii IKEA waxa ay iibisay alaab qiimaheedu kor u dhaafayo $45Bilyan. Website-ka IKEA waxa ku jira 12kun oo nooc oo alaab ah. Intii u dhaxaysay September 2015 illaa august 2016 mudadaas sannadka ah weebka IKEA laba bilyan oo qof dad kor u dhaafaya ayaa booqday.IKEA waxa ay isticmaasha alwaaxa ugu badan caalamka maadama ay tahay shirkadda soosaarta agabka ugu badan ee alwaaxa ka samaysan. Sidoo kale cunnooyinka ayay soo saarta. Magaca IKEA waa ereyo la isugu geeyay oo u taagan Ingvar Kamprad oo ahaa ninka aas-aasay iyo Elmtaryd oo ah beeryar oo uu ku dhashay iyo Agunnaryd oo ah tuulo u dhaweyd beerta. Kaaso micnihiisu noqonayo Ingvar Kamprad-kii ka yimid Elmtaryd Agunnard (Ingvar Kamprad from Elmtaryd Agunnaryd)Ingvar waxa uu geeriyooday sannadkii hore bilowgiisii, isaga oo 91jir ah. Majaladda Bloomberg waxa ay sheegtay inuu ahaa shakhsiga 8aad ee caalamka ugu hodansan sannadkaas. Hantidiisu waxa ay dhammayd $58Bilyan. Shirkadda waxa maamula maanta wiilashiisii.Waxa la xusaa Kamprad inuu bilaabay isaga oo shan jir ah ganacsiga, waxa uu alaabta ka iibin jiray xaafadaha isaga oo baaskiil adeegsanaya sida qalimaanta iyo agab kale oo yaryar. Wiilyar oo reer Miyi beero-falato ah ahaa ayaa aabihii lacag yar uu siiyay ku sameeyay shirkad kasoo bilaabay inuu baaskiil alaabta ku geegeeyo maantana ah tan caalamka ugu weyn ee soosaarta agabka guryaha. Dakhliga IKEA waxa uu kor u dhaafaya $44Bilyan. Xarunta ugu weyn shirkaddu waxa ay kutaal Natherlands.Hal-abuurka ganacsigu waa mid horseeda inuu badalo nolosha qof ama bulsho dhan. Wiilkii beerlayda ahaa shirkaddii uu aas-aasay maanta waxa u shaqeeya in ka badan 200kun oo qof kuwaaso qoysas leh kuna tiirsan. Ingvar kaliya noloshiisa ma badalin sidoo kale milaayiin qof ayuu badalay noloshooda Ingvar oraah cajiiba ayuu ka tagay waxa uu yiri "Sunta ugu halista badan waa dareenka guusha ama yool inaad gaartay. Daawada looga hortagi karaa waa fiidwalba ka fikir maxaa berrito la qaban karaa waliba si kafiican hadda."Haddii aad akhrisatay warbixintan la wadaag saaxibadaa #Share-garee sidoo kale #Follow dheh page-ka mahadsanid.