Hassanal Bolkiah waa Suldaanka ama boqorka wadanka Brunei Darussalam, oo ah dal jasiiradeed yar oo dhaca Koonfur-bari Eeshiya,

Hassanal Bolkiah waa Suldaanka ama boqorka wadanka Brunei Darussalam, oo ah dal jasiiradeed yar oo dhaca Koonfur-bari Eeshiya, sidoo kale waa raysal wasaaraha dalka, ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo ganacsiga, ahna wasiirka maaliyadda, ahna wasiirka gaashaandhigga(difaaca) ahna taliyaha guud ee ciidamada qaranka, ahna taliyaha guud ee ciidamada badda, ahna taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka, ahna madaxa sare ee jaamacadda brunei darussalam( Chancellor of University Brunei Darrusalam), ahna madaxa sare ee jaamacadda Sultan Sharif Ali, ahna madaxa sare ee jaamacadda tiknolojiyadda ee Brunei.

Waa 73sano jir, waxa uu maamulayaa dalkaas muddo 53sano ah. Waxa lagu tilmaama mid kamid shakhsiyaadka ugu hadal haynta badan dunida. Waxa uu ahaa qof hantida aad u kharash gareeya oo ku tunta (Playboy) illaa hadana yahay. Sanadihii u dhaxeeyay 1980-1990-kii ayuu ahaa shakhsiga ugu hodansan dunida. 

Madaxtooyadiisa ama guriga uu dagan yahay waa guriga dunida ugu ballaaran. Buugga dhacdooyinka dunida ayuu ku xusan yahay. Waxa uu ka kooban yahay 1,788qol, 257musqulood. Hool weyn oo shan kun oo qof qaada, masjid kun qof qaada, shan goobood oo dabaasha ah. Garaashyo ay ku jiraan baabuur aad u badan. Waxa uu ka samaysan yahay oo ku xardhan dahab iyo dhayman. Sidoo kale gurigaas la yiraahdo Istana Nurul Iman waxa uu ku kacay $1.4Billion. 51kun oo laambadood baa ku xiran, waxa uu leehahay 44jaranjaro iyo 18wiishash ah. 

Suldaanku waxa uu leeyahay in ka badan dhowr kun oo gawaarida raaxada ah oo ku fadhiya illaa $9Billion. Isaga iyo walaalkii ayaa la qiyaasa in 5kun oo babauur ah ay leeyihiin. Waxa uu gaar u leeyahay oo baabuurtiisa kamida illaa 500 oo baabuurta Rolls Royce ah, waa babauurta dunida ugu qaalisan. Waxa kale ee uu leeyahay diyaarado u khaas ah, sida diyaarad Airbus ah oo joogta $138Million, Beoing 767 oo joogta $251Million iyo Beoing 747 oo joogta $431Million waxaana ku xardhan dahab.

Isaga oo 19jir ah ayuu guursaday, waana xaaska ay wali is qabaan, waxa uu guursaday laba gabdhood oo kale oo ay kala tageen, aroosyadaas milaayiin doollar baa ku baxday. Waxa la xusaa in Suldaanku saddexdii isbuucba uu timaha mar jarto, laakiin waxa uu duulaa London si uu tumaha u soo jarto waxaana halkii mar timaha loogu jaraa $20kun.

Sanaddii 1996-dii oo ku beegnayd dhalashadiisii 50aad waxa la xusaa in xafaldda dhalashadiisa uu ku casuumay Micheal Jackson isaga oo siiyay $25Million si uu ugu heeso. Sidoo kale arooskii wiilkiisa ee 2004-tii Muhtadee Billah waxa ka heesay  fannaanadda Whitney Houson oo uu siiyay $10Million. Waxa uu dhalay 12caruura, mid kamida gabdhihiisa xafladdeeda dhalashada ayuu hadyad uga dhigay diyaarad nooceedu yahay Airbus340 oo qiimaheedu yahay $270Million. Mid kamida tababarayaashiisa ciyaaraha ayuu mushaar ahaan u siiya $2Million bil walba. 

Dalka uu maamulaa waa dal yar oo muslim ah oo shidaalka qani ku ah uu u dhaxeeya Malaysia iyo Indonesia. Waxa ku nool illaa 430kun oo qof, 95% dadku waa qani. Waa dal leh kayd shidaal dibaddana u dhoofsha, 90% dhaqaalaha dalku shidaalka ayuu ka soo xaroodaa. Waxa la xusaa in dakhliga u xarooda suldaankaas lagu qiimeeyo halkii ilbidhiqsi $140.

Kommentare

Beliebte Posts aus diesem Blog

WAX KA BARO AFRIKA

MAXAAD KA OGTAHAY SHIRKADA AIRBUS

macaamiisha Lama xumeeyo