KALA TAGA WAALIDKA

Labada waalid hadday kala tagaan inta ay ubadku yaryar yihiin, waa dhib iyo mushkilad runtii furniinkuna hooyada iyo aabbaha uun saamayn maaye xata ubadkooda oo carruurta yar yari dhaawaca iyo burburka kasoo gaadha way la waynaanayan oo ay la korayaan, Aabbuhu haddii uu ubadkiisa ka tago oo cidleeyo kaalintiisi si walba oo ubadkaa loo kaafiyo oo looga haqab-tiro anfaacadoodii iyo biilkooda ogaada marnaba ma jirto cid u buuxin karta kaalintii Aabbonimo.

Bulshadeena soomalida badana kaalinta Aabbonimo ayaa bannaan oo raggu ubadkooda way ka baxaan oo ay iskaga tagaan marka ay u baahan yihiin,  amba hooyadu ha erido ee balse taas Dan ayaa ku kalifta oo wuu la guursada ama mushkilad kale ayay ku eridaa. Isku soo duuduub oo halka aynu ka keenay qallafsanaanta arxan-darrada iyo jixin-jixi la'aanta waa qoyskeena iyo guriga aynu kusoo barbarnaay.

Bulshadu waxa ay kasoo unkataa qoys, qoysas isku tagay ayuunba bulsho sameeya. Qoyskuna waa Waalidka iyo ubadkii,  ubadka haddii aan Lasiin wakhti, lala sheekaysan, la laab-gelin la tusin naxariis iyo kalkacayl waalidnimo, oo loogu daro kala tag iyo in uu meesha ka baxo midi, amaba laga dhex qaado oo dad ehel ah soo koriyan, hadhow maxaa loo sugaya ilmo hagaaga iyo ilmo nolosha iyo jacaylka wax kayaqaana illeen waligii jacayl waalidno oo dhamaystiran muu soo arkin ee.

Waan ka xumahay xaalka ay dadkaygu ku sugan yihiin, waana ta keentay in ay waddanka nacaan oo ay iskaga baxaan dhallinyartu, iyaga oo doorbidaya saxaraha iyo badaha. 

"Aabbo kaalintaada maanu arag maxaad nooga hagratay nolosha?." Waa waydiinta ka dhex guuxaysa kumanaan kun dhallinyaro oo soomali ah oo aan arag jacayl Aabbanimo, inta waxa kadaran kuwa aan arag jacayl hooyanimo oo hooyadood oo nool aan ka helin kalkacayl waalidnimo!.💔

Kommentare

Beliebte Posts aus diesem Blog

WAX KA BARO AFRIKA

MAXAAD KA OGTAHAY SHIRKADA AIRBUS

macaamiisha Lama xumeeyo