KALA TAGA WAALIDKA

Labada waalid hadday kala tagaan inta ay ubadku yaryar yihiin, waa dhib iyo mushkilad runtii furniinkuna hooyada iyo aabbaha uun saamayn maaye xata ubadkooda oo carruurta yar yari dhaawaca iyo burburka kasoo gaadha way la waynaanayan oo ay la korayaan, Aabbuhu haddii uu ubadkiisa ka tago oo cidleeyo kaalintiisi si walba oo ubadkaa loo kaafiyo oo looga haqab-tiro anfaacadoodii iyo biilkooda ogaada marnaba ma jirto cid u buuxin karta kaalintii Aabbonimo.

Bulshadeena soomalida badana kaalinta Aabbonimo ayaa bannaan oo raggu ubadkooda way ka baxaan oo ay iskaga tagaan marka ay u baahan yihiin,  amba hooyadu ha erido ee balse taas Dan ayaa ku kalifta oo wuu la guursada ama mushkilad kale ayay ku eridaa. Isku soo duuduub oo halka aynu ka keenay qallafsanaanta arxan-darrada iyo jixin-jixi la'aanta waa qoyskeena iyo guriga aynu kusoo barbarnaay.

Bulshadu waxa ay kasoo unkataa qoys, qoysas isku tagay ayuunba bulsho sameeya. Qoyskuna waa Waalidka iyo ubadkii,  ubadka haddii aan Lasiin wakhti, lala sheekaysan, la laab-gelin la tusin naxariis iyo kalkacayl waalidnimo, oo loogu daro kala tag iyo in uu meesha ka baxo midi, amaba laga dhex qaado oo dad ehel ah soo koriyan, hadhow maxaa loo sugaya ilmo hagaaga iyo ilmo nolosha iyo jacaylka wax kayaqaana illeen waligii jacayl waalidno oo dhamaystiran muu soo arkin ee.

Waan ka xumahay xaalka ay dadkaygu ku sugan yihiin, waana ta keentay in ay waddanka nacaan oo ay iskaga baxaan dhallinyartu, iyaga oo doorbidaya saxaraha iyo badaha. 

"Aabbo kaalintaada maanu arag maxaad nooga hagratay nolosha?." Waa waydiinta ka dhex guuxaysa kumanaan kun dhallinyaro oo soomali ah oo aan arag jacayl Aabbanimo, inta waxa kadaran kuwa aan arag jacayl hooyanimo oo hooyadood oo nool aan ka helin kalkacayl waalidnimo!.💔

Kommentare

Beliebte Posts aus diesem Blog

MAXAAD KA OGTAHAY SHIRKADA AIRBUS

DALKA TURKIGA

Waxa uu ahaa wiilyar oo kasoo jeeday qoys beeralay ahaa oo reer miyi ahaa. Waxa uu ahaa mid la dhibaataysan fahmidda casharrada dugsiga. Isaga oo shan jir ah ayuu bilaabay ganacsiga. Aabihii lacag uu hadyad ahaan u siiyay isaga oo yar, ayuu ku aas-aasay shirkad maanta ah tan ugu weyn caalamka ee soosaarta qalabka guryaha, taaso in kabadan 400xarumood caalamka kuleh.IKEA waa shirkad ganacsi oo farsmaysa iibisana agabka guryaha. Waa shirkadda ugu weyn caalamka ee soosaarta agabka guryaha (Furniture). Waxa lagu aas-aasay wadanka Sweden sanaddii 1943-dii. Waxa aas-aasay wiilyar oo 17jir ahaa oo la oran jiray Ingvar Kamprad. Lacagta uu ku sameeyay shirkadda waxa hadyad ahaan u siiyay aabihiis maadaama uu waxbarahada dugsiga hormar ka sameeyay. Ingvar waxa uu qabay xanuunka dyslexia oo ah xanuun haleela caruurta yaryar kaaso ku sababa akhris liidasho casharrada ah iyo fahamdarro. Ingvar gancsigii uu sameeyay waa uu guulaystay. Maanta IKEA waxa ay 433xarumood ku leedahay 52dal oo caalamka ah. Sanaddii 2018-kii IKEA waxa ay iibisay alaab qiimaheedu kor u dhaafayo $45Bilyan. Website-ka IKEA waxa ku jira 12kun oo nooc oo alaab ah. Intii u dhaxaysay September 2015 illaa august 2016 mudadaas sannadka ah weebka IKEA laba bilyan oo qof dad kor u dhaafaya ayaa booqday.IKEA waxa ay isticmaasha alwaaxa ugu badan caalamka maadama ay tahay shirkadda soosaarta agabka ugu badan ee alwaaxa ka samaysan. Sidoo kale cunnooyinka ayay soo saarta. Magaca IKEA waa ereyo la isugu geeyay oo u taagan Ingvar Kamprad oo ahaa ninka aas-aasay iyo Elmtaryd oo ah beeryar oo uu ku dhashay iyo Agunnaryd oo ah tuulo u dhaweyd beerta. Kaaso micnihiisu noqonayo Ingvar Kamprad-kii ka yimid Elmtaryd Agunnard (Ingvar Kamprad from Elmtaryd Agunnaryd)Ingvar waxa uu geeriyooday sannadkii hore bilowgiisii, isaga oo 91jir ah. Majaladda Bloomberg waxa ay sheegtay inuu ahaa shakhsiga 8aad ee caalamka ugu hodansan sannadkaas. Hantidiisu waxa ay dhammayd $58Bilyan. Shirkadda waxa maamula maanta wiilashiisii.Waxa la xusaa Kamprad inuu bilaabay isaga oo shan jir ah ganacsiga, waxa uu alaabta ka iibin jiray xaafadaha isaga oo baaskiil adeegsanaya sida qalimaanta iyo agab kale oo yaryar. Wiilyar oo reer Miyi beero-falato ah ahaa ayaa aabihii lacag yar uu siiyay ku sameeyay shirkad kasoo bilaabay inuu baaskiil alaabta ku geegeeyo maantana ah tan caalamka ugu weyn ee soosaarta agabka guryaha. Dakhliga IKEA waxa uu kor u dhaafaya $44Bilyan. Xarunta ugu weyn shirkaddu waxa ay kutaal Natherlands.Hal-abuurka ganacsigu waa mid horseeda inuu badalo nolosha qof ama bulsho dhan. Wiilkii beerlayda ahaa shirkaddii uu aas-aasay maanta waxa u shaqeeya in ka badan 200kun oo qof kuwaaso qoysas leh kuna tiirsan. Ingvar kaliya noloshiisa ma badalin sidoo kale milaayiin qof ayuu badalay noloshooda Ingvar oraah cajiiba ayuu ka tagay waxa uu yiri "Sunta ugu halista badan waa dareenka guusha ama yool inaad gaartay. Daawada looga hortagi karaa waa fiidwalba ka fikir maxaa berrito la qaban karaa waliba si kafiican hadda."Haddii aad akhrisatay warbixintan la wadaag saaxibadaa #Share-garee sidoo kale #Follow dheh page-ka mahadsanid.