kawnkeena

Kawnku (Universe) waa mid cajiib ah oo aadamuhu wali ku foogan yahay ogaalkiisa. Waxa uu ka kooban yahay kawnku isku raranno, xidigo, meerayaal, dayaxyo iyo walax cireedyo kale oo aad u badan. Waa mid aad u weyn oo weynankiisa ay xisaabta dhow ee aadamuhu isticmaalo aysan kaafin karin in lagu ogaado. Saynisyahannadu waxa ay qabaan in uu samaysmay muddo 13Bilyan oo sano kahor ah. 

Inta la og yahay Kawnku waxa uu ka kooban yahay in ka badan 2Tirilyan oo iskuraran (Galaxy) oo mid kasta oo kamida ay ku jiraan ugu yaraan 100Bilyan oo xidigood, sidoo kale illaa hal bilyan oo tirilyan oo xiddigo ah ayaa ku sii dhexjira iskurrannadaas. Si lamida meerayaasha xiddigahaas ku dhex jira ayaa lagu qiyaasa illaa 10Sabtilyan oo meere.  Sidoo kale Saynisyahannadu waxa ay qabaan in Galaxy kasta ay dhex bartamihiisa ku taal god madoobe aad u weyn oo wad ku ah jiritaanka Galaxy-gaas. 

Innagu waxa aynu ku nool nahay Dhulka oo ah meere yar oo ku wareega xiddig aynu u naqaan qorraxda oo weynankeeda darteed ay gudaheeda buuxin karaan illaa hal miyan iyo saddex boqol oo kun oo dhul. Xidigtaas aadka u weyn ee qorraxda ah waxa ay kamid tahay illaa 300 oo bilyan oo xiddigood oo ku dhex jira Galaxy-ga ama iskurarankeenna Milky Way. Waliba Saynisyahannadu waxa ay qabaan inay kamid tahay kuwa dhexdhexe oo aysan aad u weynayn. Hal xiddig oo xidigaha Milky Way kamida ayaa u dhiganta illaa hal bilyan oo qorroxood xajmi ahaan. 

Bal qiyaas kawnka aynu kaga nool nahay meere iniin yar ama dhibic yar ka ah bah qorraxeedka oo marka qorraxda la ag dhigo ama loo dhaweeyaba ay shiilanayso, hadana qorraxdaas saaidka u weyn ay iyaduna iniin ama dhibic ka tahay isku rarankeenna Milky Way oo ay ka tahay dhibic biyo ah oo bad weyn ku dhex dhacday. Si taa lamida uu isna Isku rarankeennu (Milky Way) uu ka yahay kawnka cirbad caaradeed wax le'eg. 

Kawnka sidaa u baaxadda weyn oo waliba inta kaliya ee la sahamiyay ay tahay, hal meel ayay nololi suuragal ka tahay waa meeraha dhulka oo ah kan saddexaad ee bah qorraxeedka. Da' ahaan waa 4.5Bilyan oo sano jir leh hal dayax. Waa goobta kali ah ee kawnka sidaa u weyn ee ay nololi ka jirto meel kale oo nololi ka jirto ma ay jidho. Sayniyahannadu waxa ay is waydiinayaan Kawnkan Bilaayiinta Galaxy iyo Bilaayiinta xiddigood iyo Bilaayiinta meere ka kooban ma laga yaaba in qolo kale nagu weheliso? suaashaas oo ay inta badan qabaan inay jiraan noolayaal kale oo ku weheliya. 

Sawirku waa isku rarankeenna Milky way meesha yar ee fallaarta lagu muujiyay waa bah qorraxeedkeenna, halkaa yar waa xiddigteenna qorraxda oo ay ku dawaafayaan sideed meere oo dhulku kamid yahay. Halkaa yar baa ay nololi ka jirta kawnka sidaa u weyn. Sawirku maaha mid qalab qaaday ama sawiray, waa mid Computerized ah oo lagu muujiyay Galaxy-geenna Milky way. Waxa cad ee dhexdiisa ka muuqdaa waa god madoobe weyn oo maalinkasta cuna ama liqa xiddigo.

Kommentare

Beliebte Posts aus diesem Blog

WAX KA BARO AFRIKA

MAXAAD KA OGTAHAY SHIRKADA AIRBUS

macaamiisha Lama xumeeyo