kawnkeena

Kawnku (Universe) waa mid cajiib ah oo aadamuhu wali ku foogan yahay ogaalkiisa. Waxa uu ka kooban yahay kawnku isku raranno, xidigo, meerayaal, dayaxyo iyo walax cireedyo kale oo aad u badan. Waa mid aad u weyn oo weynankiisa ay xisaabta dhow ee aadamuhu isticmaalo aysan kaafin karin in lagu ogaado. Saynisyahannadu waxa ay qabaan in uu samaysmay muddo 13Bilyan oo sano kahor ah. 

Inta la og yahay Kawnku waxa uu ka kooban yahay in ka badan 2Tirilyan oo iskuraran (Galaxy) oo mid kasta oo kamida ay ku jiraan ugu yaraan 100Bilyan oo xidigood, sidoo kale illaa hal bilyan oo tirilyan oo xiddigo ah ayaa ku sii dhexjira iskurrannadaas. Si lamida meerayaasha xiddigahaas ku dhex jira ayaa lagu qiyaasa illaa 10Sabtilyan oo meere.  Sidoo kale Saynisyahannadu waxa ay qabaan in Galaxy kasta ay dhex bartamihiisa ku taal god madoobe aad u weyn oo wad ku ah jiritaanka Galaxy-gaas. 

Innagu waxa aynu ku nool nahay Dhulka oo ah meere yar oo ku wareega xiddig aynu u naqaan qorraxda oo weynankeeda darteed ay gudaheeda buuxin karaan illaa hal miyan iyo saddex boqol oo kun oo dhul. Xidigtaas aadka u weyn ee qorraxda ah waxa ay kamid tahay illaa 300 oo bilyan oo xiddigood oo ku dhex jira Galaxy-ga ama iskurarankeenna Milky Way. Waliba Saynisyahannadu waxa ay qabaan inay kamid tahay kuwa dhexdhexe oo aysan aad u weynayn. Hal xiddig oo xidigaha Milky Way kamida ayaa u dhiganta illaa hal bilyan oo qorroxood xajmi ahaan. 

Bal qiyaas kawnka aynu kaga nool nahay meere iniin yar ama dhibic yar ka ah bah qorraxeedka oo marka qorraxda la ag dhigo ama loo dhaweeyaba ay shiilanayso, hadana qorraxdaas saaidka u weyn ay iyaduna iniin ama dhibic ka tahay isku rarankeenna Milky Way oo ay ka tahay dhibic biyo ah oo bad weyn ku dhex dhacday. Si taa lamida uu isna Isku rarankeennu (Milky Way) uu ka yahay kawnka cirbad caaradeed wax le'eg. 

Kawnka sidaa u baaxadda weyn oo waliba inta kaliya ee la sahamiyay ay tahay, hal meel ayay nololi suuragal ka tahay waa meeraha dhulka oo ah kan saddexaad ee bah qorraxeedka. Da' ahaan waa 4.5Bilyan oo sano jir leh hal dayax. Waa goobta kali ah ee kawnka sidaa u weyn ee ay nololi ka jirto meel kale oo nololi ka jirto ma ay jidho. Sayniyahannadu waxa ay is waydiinayaan Kawnkan Bilaayiinta Galaxy iyo Bilaayiinta xiddigood iyo Bilaayiinta meere ka kooban ma laga yaaba in qolo kale nagu weheliso? suaashaas oo ay inta badan qabaan inay jiraan noolayaal kale oo ku weheliya. 

Sawirku waa isku rarankeenna Milky way meesha yar ee fallaarta lagu muujiyay waa bah qorraxeedkeenna, halkaa yar waa xiddigteenna qorraxda oo ay ku dawaafayaan sideed meere oo dhulku kamid yahay. Halkaa yar baa ay nololi ka jirta kawnka sidaa u weyn. Sawirku maaha mid qalab qaaday ama sawiray, waa mid Computerized ah oo lagu muujiyay Galaxy-geenna Milky way. Waxa cad ee dhexdiisa ka muuqdaa waa god madoobe weyn oo maalinkasta cuna ama liqa xiddigo.

Kommentare

Beliebte Posts aus diesem Blog

MAXAAD KA OGTAHAY SHIRKADA AIRBUS

DALKA TURKIGA

Waxa uu ahaa wiilyar oo kasoo jeeday qoys beeralay ahaa oo reer miyi ahaa. Waxa uu ahaa mid la dhibaataysan fahmidda casharrada dugsiga. Isaga oo shan jir ah ayuu bilaabay ganacsiga. Aabihii lacag uu hadyad ahaan u siiyay isaga oo yar, ayuu ku aas-aasay shirkad maanta ah tan ugu weyn caalamka ee soosaarta qalabka guryaha, taaso in kabadan 400xarumood caalamka kuleh.IKEA waa shirkad ganacsi oo farsmaysa iibisana agabka guryaha. Waa shirkadda ugu weyn caalamka ee soosaarta agabka guryaha (Furniture). Waxa lagu aas-aasay wadanka Sweden sanaddii 1943-dii. Waxa aas-aasay wiilyar oo 17jir ahaa oo la oran jiray Ingvar Kamprad. Lacagta uu ku sameeyay shirkadda waxa hadyad ahaan u siiyay aabihiis maadaama uu waxbarahada dugsiga hormar ka sameeyay. Ingvar waxa uu qabay xanuunka dyslexia oo ah xanuun haleela caruurta yaryar kaaso ku sababa akhris liidasho casharrada ah iyo fahamdarro. Ingvar gancsigii uu sameeyay waa uu guulaystay. Maanta IKEA waxa ay 433xarumood ku leedahay 52dal oo caalamka ah. Sanaddii 2018-kii IKEA waxa ay iibisay alaab qiimaheedu kor u dhaafayo $45Bilyan. Website-ka IKEA waxa ku jira 12kun oo nooc oo alaab ah. Intii u dhaxaysay September 2015 illaa august 2016 mudadaas sannadka ah weebka IKEA laba bilyan oo qof dad kor u dhaafaya ayaa booqday.IKEA waxa ay isticmaasha alwaaxa ugu badan caalamka maadama ay tahay shirkadda soosaarta agabka ugu badan ee alwaaxa ka samaysan. Sidoo kale cunnooyinka ayay soo saarta. Magaca IKEA waa ereyo la isugu geeyay oo u taagan Ingvar Kamprad oo ahaa ninka aas-aasay iyo Elmtaryd oo ah beeryar oo uu ku dhashay iyo Agunnaryd oo ah tuulo u dhaweyd beerta. Kaaso micnihiisu noqonayo Ingvar Kamprad-kii ka yimid Elmtaryd Agunnard (Ingvar Kamprad from Elmtaryd Agunnaryd)Ingvar waxa uu geeriyooday sannadkii hore bilowgiisii, isaga oo 91jir ah. Majaladda Bloomberg waxa ay sheegtay inuu ahaa shakhsiga 8aad ee caalamka ugu hodansan sannadkaas. Hantidiisu waxa ay dhammayd $58Bilyan. Shirkadda waxa maamula maanta wiilashiisii.Waxa la xusaa Kamprad inuu bilaabay isaga oo shan jir ah ganacsiga, waxa uu alaabta ka iibin jiray xaafadaha isaga oo baaskiil adeegsanaya sida qalimaanta iyo agab kale oo yaryar. Wiilyar oo reer Miyi beero-falato ah ahaa ayaa aabihii lacag yar uu siiyay ku sameeyay shirkad kasoo bilaabay inuu baaskiil alaabta ku geegeeyo maantana ah tan caalamka ugu weyn ee soosaarta agabka guryaha. Dakhliga IKEA waxa uu kor u dhaafaya $44Bilyan. Xarunta ugu weyn shirkaddu waxa ay kutaal Natherlands.Hal-abuurka ganacsigu waa mid horseeda inuu badalo nolosha qof ama bulsho dhan. Wiilkii beerlayda ahaa shirkaddii uu aas-aasay maanta waxa u shaqeeya in ka badan 200kun oo qof kuwaaso qoysas leh kuna tiirsan. Ingvar kaliya noloshiisa ma badalin sidoo kale milaayiin qof ayuu badalay noloshooda Ingvar oraah cajiiba ayuu ka tagay waxa uu yiri "Sunta ugu halista badan waa dareenka guusha ama yool inaad gaartay. Daawada looga hortagi karaa waa fiidwalba ka fikir maxaa berrito la qaban karaa waliba si kafiican hadda."Haddii aad akhrisatay warbixintan la wadaag saaxibadaa #Share-garee sidoo kale #Follow dheh page-ka mahadsanid.