macaamiisha Lama xumeeyo
MACAAMIISHA LAMA XUMEEYO.
Nin tuug ah oo waliba nooca la yidhaahdo caadaystaha oo sanadka intiisa baan xabsiga ku dhamaysta oo inta uu banaanka joogaa anay ka badnayn celcelis ahan sanadkii bil ama laba ayaa sanad kaliya 3 jeer la horkeenay Garsoore kaliya.
Mar saddexaadkii ayaa garsoorahii oo aqoonsaday ninkii intaanu xukumin su,aalay ninkii "Waar miyaanad ahayn kii aan laba jeer ee hore aan xukumay?" Oo intaanu u jawaabin waydiiyay " Waar hadmaad ka waan toobaysaa tuugada?".
Oo isagoo cadhaysan ugu hanjabay inuu lix sanadood xidhi doono si dadku uga raysto,
Tuugii ayaa aad u qoslay, Garsoorahii oo la yaaban waxa uu ku qoslayo ayaa su,aalay
"Waar maxaad ku qoslaysaa" Tuugii oo weli qoslaya ayaa ku yidhi garsoorahii "waxaan ku qoslaya caqli xumadaada".
Garsoorahii oo u qaadan la' hadalka uu ku yidhi ayaa yidhi, "Waar ma aniga caqli xun?". Tuuggii ayaa garsooraha waano ahaan ugu yidhi "Garsoore meheradda ha iska xumeyn, macaamiisha waa lasoo dhaweeyaa oo waxbaa laga dhimaa, hadaad I xumeyso yaad xukumi!!"
Kommentare