Madaxweyne yiri inta aan noolahay anaa dalka ka madaxweyne ah

Madaxweyne yiri inta aan noolahay anaa dalka ka madaxweyne ah marka ay ku filnaan wayday intaasna naftiisa isu boqray oo dalkisii Imabaraadoor ka noqday oo boqortooyo aas-aastay. Hilibka dadkana cuni jiray ahaana mid kamida kuwii ugu xumaa ee Afrika taariikhdeeda soo mara. 

Jean Bedel Bokassa waxa uu ahaa madaxweynihii labaad ee hogaamiya Jamhuuriyadda Afrikada dhexe. Aabihii waxa uu dhintay isaga oo yar, waxaana dilay gumaystihii Faransiiska oo xilligaa maamulayay wadankaas. Hooyadii waxa ay dhimatay isaga oo lix jir waa isbuuc kadib markii aabihii la dilay iyadana waa ay is dishay. Waxa ay ka tagtay 12caruur ah uu isagu ku jiro. 

Bokassa waxa uu ku biiray 18jirkiisii ciidadmadii Faransiiska isaga oo la dallacsiiyay oo dagaallo badan ka qayb galay xitaa ay dawladda Faransiisku siisay dhalashada dalkeeda. Sanaddii 1966-dii ayuu dalkiisa afgambi millatari kula wareegay talada uuna isu caleema saaray madaxweynaha dalka. 

Waxa uu ahaa hogaamiye dhiigyacab ah aad u arxan daran, ciqaab badan si xunna ula dhaqma dadkiisa. Waxyaabaha laga diiwaangaliyay waxa kamida in Bokassa kuwa uu suaal galiyo daacadnimada ay u hayaan taliskiisa uu inta uu soo qabqabto uu yiraahdo kala doorto in la idinku dhex tuuro libaaxyada ama yaxaasyada oo uu bahalladaas siin jiray. Intaas ugama hari jirin oo xitaa qoysaskooda si aysan ugu aargudin iyagana wuu gumaadi jiray. 

Waxyaabaha la yaabka lahaa ayaa ah in uu mararka qaar uu casuumayo dadka u dhadhow inuu casuumaad u fidin jiray marka ay hilbaha cunaan ayuu oran jiray "ma taqaanaan hilbahan aad cunteen waa hilbo dadeed" Inta uu dilo kuwa mamucaaradka ku ah ayuu hilbahooda u karin jiray asxaabtiisa. Waxa uu cuni jiray hilbaha dadka khaas ahaan kuwa caruurta. 

Dalkiisu dheeman iyo dahab badan ayuu lahaa inta uu soo saaro ayuu dibadda u iibgayn jiray si uu lacag uga helo lacagta uu ka helana wuxuu kusoo gadan jiray khamriga qaaliga ah ee Faransiiska. Dhacdooyinka lagu xasuusta waxa kamida caruur iskuul oo ku mudaharaadday inuu aad u xasuuqay. Waa madaxweynaha kali ah ee shaaciyay inuu inta uu nool yahay dalkiisa madaxweyne ka ahaanayo oo geeridu ka kaxaynayso oo kaliya. 

10sano ka badan oo uu madaxweyne ahaa ayuu sanaddii 1976-dii ku dhawaaqay inuu yahay Imbaraadoorka dalkiisa oo uu boqor yahay. Waxa uu boqorad ka dhigtay 17xaas oo uu lahaa middii saddexaad oo uu iyada oo 14jir ah dugsi ay dhiganaysay ka soo qafaashay gurigana keensaday, caruuro 7 ahna ay u dhashay. Laba sano kadib iyada iyo caruurteediiba way ka carareen oo Switzerland ayay gashay iyadoo xoogaa dheeman ah kala tagtay. 

Sanaddii 1976-dii oo ahayd xilli ku beegan sannadkii uu doonayay inuu nowdo boqorka ayuu Liibiya tagay isaga oo Qadaafi la kulmay, waxa uu ku yiri "Qadaafiyow waan Muslimayaaye dhaqaale isii" Qadaafi waxa uu ballan qaaday haddii uu muslimo inuu dhaqaale siin doono. Markiiba diinta Islaamka ayuu qaatay oo waxaa loo bixiyay Salah Ahmed Bokassa. 

Isla sannadkii ayuu ka baxay diintii Islaamka isaga oo Kiristannimadiisii ku laabtay maadaama uu lacag ka waayay Qadaafi. Waxa uu ahaa mid kamida hogaamiyayaashii Afrika ugu dhibka iyo tacaddiga badnaa. 54 caruur ah ayuu dhalay 17xaasna waa qabay oo badankood xoog ku haystay. Sanaddii 1979-kii isaga oo Qadaafi la jooga oo Liibiya ku sugan ayay dawladda Faransiisku qafaashay oo la musaafuriyay si dadka looga qabto.

Muddo uu ku maqnaa musafuris dalkiisii buu ku soo laabtay, waa la xiray se inyar kadib waa la iska siidayaay iyadoo xilligaa dalka cidda maamulaysay ay ahayd kuwa u shaqaynayay xilligiisii oo ay asxaab ahaayeen. Bokassa waxa uu yiri waxa aan ahay saxaabigii 13aad oo waxaan 13 ku ahay 12kii saxaabi ee Ciise diinta la waday (12apostles) waxaan ahay ruux barakaysan si hoosana Boobka Kaniisadda Katooligga ayaan ula kulmaa. Caasimadda dalkaas ee Bangui ayuu ku dhintay sanaddii 1996-dii.

Kommentare

Beliebte Posts aus diesem Blog

MAXAAD KA OGTAHAY SHIRKADA AIRBUS

DALKA TURKIGA

Waxa uu ahaa wiilyar oo kasoo jeeday qoys beeralay ahaa oo reer miyi ahaa. Waxa uu ahaa mid la dhibaataysan fahmidda casharrada dugsiga. Isaga oo shan jir ah ayuu bilaabay ganacsiga. Aabihii lacag uu hadyad ahaan u siiyay isaga oo yar, ayuu ku aas-aasay shirkad maanta ah tan ugu weyn caalamka ee soosaarta qalabka guryaha, taaso in kabadan 400xarumood caalamka kuleh.IKEA waa shirkad ganacsi oo farsmaysa iibisana agabka guryaha. Waa shirkadda ugu weyn caalamka ee soosaarta agabka guryaha (Furniture). Waxa lagu aas-aasay wadanka Sweden sanaddii 1943-dii. Waxa aas-aasay wiilyar oo 17jir ahaa oo la oran jiray Ingvar Kamprad. Lacagta uu ku sameeyay shirkadda waxa hadyad ahaan u siiyay aabihiis maadaama uu waxbarahada dugsiga hormar ka sameeyay. Ingvar waxa uu qabay xanuunka dyslexia oo ah xanuun haleela caruurta yaryar kaaso ku sababa akhris liidasho casharrada ah iyo fahamdarro. Ingvar gancsigii uu sameeyay waa uu guulaystay. Maanta IKEA waxa ay 433xarumood ku leedahay 52dal oo caalamka ah. Sanaddii 2018-kii IKEA waxa ay iibisay alaab qiimaheedu kor u dhaafayo $45Bilyan. Website-ka IKEA waxa ku jira 12kun oo nooc oo alaab ah. Intii u dhaxaysay September 2015 illaa august 2016 mudadaas sannadka ah weebka IKEA laba bilyan oo qof dad kor u dhaafaya ayaa booqday.IKEA waxa ay isticmaasha alwaaxa ugu badan caalamka maadama ay tahay shirkadda soosaarta agabka ugu badan ee alwaaxa ka samaysan. Sidoo kale cunnooyinka ayay soo saarta. Magaca IKEA waa ereyo la isugu geeyay oo u taagan Ingvar Kamprad oo ahaa ninka aas-aasay iyo Elmtaryd oo ah beeryar oo uu ku dhashay iyo Agunnaryd oo ah tuulo u dhaweyd beerta. Kaaso micnihiisu noqonayo Ingvar Kamprad-kii ka yimid Elmtaryd Agunnard (Ingvar Kamprad from Elmtaryd Agunnaryd)Ingvar waxa uu geeriyooday sannadkii hore bilowgiisii, isaga oo 91jir ah. Majaladda Bloomberg waxa ay sheegtay inuu ahaa shakhsiga 8aad ee caalamka ugu hodansan sannadkaas. Hantidiisu waxa ay dhammayd $58Bilyan. Shirkadda waxa maamula maanta wiilashiisii.Waxa la xusaa Kamprad inuu bilaabay isaga oo shan jir ah ganacsiga, waxa uu alaabta ka iibin jiray xaafadaha isaga oo baaskiil adeegsanaya sida qalimaanta iyo agab kale oo yaryar. Wiilyar oo reer Miyi beero-falato ah ahaa ayaa aabihii lacag yar uu siiyay ku sameeyay shirkad kasoo bilaabay inuu baaskiil alaabta ku geegeeyo maantana ah tan caalamka ugu weyn ee soosaarta agabka guryaha. Dakhliga IKEA waxa uu kor u dhaafaya $44Bilyan. Xarunta ugu weyn shirkaddu waxa ay kutaal Natherlands.Hal-abuurka ganacsigu waa mid horseeda inuu badalo nolosha qof ama bulsho dhan. Wiilkii beerlayda ahaa shirkaddii uu aas-aasay maanta waxa u shaqeeya in ka badan 200kun oo qof kuwaaso qoysas leh kuna tiirsan. Ingvar kaliya noloshiisa ma badalin sidoo kale milaayiin qof ayuu badalay noloshooda Ingvar oraah cajiiba ayuu ka tagay waxa uu yiri "Sunta ugu halista badan waa dareenka guusha ama yool inaad gaartay. Daawada looga hortagi karaa waa fiidwalba ka fikir maxaa berrito la qaban karaa waliba si kafiican hadda."Haddii aad akhrisatay warbixintan la wadaag saaxibadaa #Share-garee sidoo kale #Follow dheh page-ka mahadsanid.