NOLOSHII KHARIBNAYD
Noloshii kharibnayd!.
Waxa aan ahay ruux qal-foof ahaan nool balse gudahaan dhintay, qalbigayga iyo damiirkayga gudaheed ba way daxalayateen oo ay maaraysteen. Waxa aan ahay qof ruux ahaan u tawafay, wakhtigu imuu saacidin noloshuna iimay hagar-bixin sida ay u wanaagisay asaagay. Ma eersanayo nasiibkayga mar ba hadduu sidan iga noqday.
xiligii aan soo koraayay ama yaraantaydii maan helin daryeel dhamaystiran iyo ku barbaarida nolol wanaagsan, magaranaayo noloshayda goor aan farxay ama habbeen aan haqabeel ku seexday. Kamaan helin waalidkay naxariis iyo laab-gelin dhamaystiran, jacayl iyo daryeel carruurnimana hadalkooda daa.
Waxa aan garan waayay noloshayda waxa sidan oo dhan u kharibay illaa waynidayda ee aan hal mar xitaa ugu qanci waayay, waxa aan ku qaatay inta badan kelinimo iyo warwareega shaaricyada maggaalada, dadku waxa ay I moodaan ruux aan fiyoobayn balse ma oga in aan raadinayo nolol iyo farxad. Qalbigaygu wuu adkaaday oo waligay maan arag ruux isoo dhaweeya I tusa in aan muhiim ahay, igu qabta laabtiisa oo I daryeela i eryin, balse isoo dhaweeya, aan i irdhayn sida dadka, balse agtiisa isoo fadhiisiya.
Dunnidan sidan u wayn kamaan helin ruux ii muujiya uun jacayl iyo daryeel. Illaa yaraantaydii waxa aan ahaa mid ka dhuunta indhaha dadka, kabaqa ag-joogooda. Ma jirto kalsooni nololeed oo aan isku qabaa ma lihi geesinimo gudaheed waxa aan ahay fulay uu beerku dhex yaalo, wax kastaana ay damqaayan oo aan lahayn adkeeysi dhamaystiran.
Inkasta oo waayaha iyo duruufaha nololeed laga akhrisanaayo korkayga, haddana inta iga muuqata waxa ka badan oo badwayntaa leeg burburka gudahayga iyo kharibka noloshayda hoose. Waxana jabay oo dildilaacay seedahayga hoose!.
Kommentare