SIRTA GUUSHA KFC

Waxa uu ahaa kan u weyn saddex caruur ah oo waalidkii isku dhaleen, waxaa la sheegaa in aabihii uu geeriyooday isaga oo 5jir ah, hooyadiis waxa ay ka shaqayn jirtay warshad yaanayada lagu farsameeyo, muddo maalmo ah ayaysan xaafadda imaan jirin taaso sababtay in uu walaalihii ilaaliyo cunnadana u kariyo maadaama uu xirfad cunna karinta ah lahaa xitaa markii uu yaraa. Markii uu 10jir ahaa ayuu bilaabay inuu ka shaqeeyo beer si uu qoyska u caawiyo. 

Markii uu ku jiray dugsiga waliba fasalka 7aad ayuu isaga haray si uu u shaqeeyo. Hooyadii xilligaa nin kale ayay is guursadeen oo ninkaas xiriir fiican lama uusan lahayn. Waxa uu ka tagay gurigoodii isaga oo aaday adeerkii oo magaalo kale ou noolaa, adeerkii shaqo ayuu geeyay balse nasiib darro wuu kasoo tagay shaqadii. Waxa uu ku biiray ciidamada isaga oo sheegtay da' uusan jirin maadaama uusan qaangaar ahayn. Sannad kadib waa la ogaaday waana laga saaray ciidamada xilligaa waa 17jir dhowr shaqana waa laga cayriyay. 

Adeerkii ayuu ku laabtay markale waxa uuna geeyay shaqo uu isagu ka shaqayn jiray oo ahayd xarun tareen. Nasiib darro mid kamida dadkii la shaqaynayay ayay is dagaaleen waana lasoo cayriyay. Waxa uu tagay magaalo kale isagoo ka shaqo bilaabay tiritirid xarun tareen halkaas bay isku barteen xaaskiisii. Waxa ay isu dhaleen wiil waqti yar kadib waa u dhintay, laba gabdhood ayay isu dhaleen kadib.

Waxa uu ka tagay shaqadii isaga oo magaalo kale qoyskiisa u raray oo ka shaqo bilaabay, xilligaa waxa uu xaraystay codsi waxbarasho oo uu doonayay inuu barto sharciga se waa laga soo diiday, waqti yar kadib shaqadii waa laga cayriyay maadaama ay is qabqabsadeen mid la shaqaynayay. Ma quusane hadana magaalo kale ayuu shaqo u aaday xilligaas xaaskiisii iyo labadiisii gabdhoodba way ka tageen oo hooyadeed bay aadday. 

Waxa uu hadana tagay magaalo kale oo uu sharciga xoogaa ka bartay halkaas buu xooga ka shaqaynayay isaga oo qoyskiisa biilayay, balse nasiib darro xirfadiisaas masii raagin kadib markii qolka maxkamadda ay ku murmeen qofkii uu u doodayay oo halkaas sumcaddiisi ku burburtay. Waxa la tilaama inay guuldarradiisa shaqo ee soo noqnoqotay ay ugu wacnayd dabeecaddiisa oo adkayd, dulqaadyari, is xakamayn la'aan iyo la macaamilidda dadka oo uu ku liitay sida uu sheegay qoraaga sheekadiisa. 

Hooyadii iyo xaafadoodii ayuu kusoo noqday muddo kadib waxa uu qayb ka noqday shirkad doomeed oo wabiga Ohio ka shaqayn jirtay. Xoghayaha shirkadda ayaa laga dhigay waxa uuna ahaa mid kamida saamilaydeeda yaryar. Sannad kadib wuu iska casilay waxa uuna yiri shaqadan kuma habooni isagoo qaatay lacag $22kun ah oo saami u helay. 

Shaqooyin kale ayuu galay dhammaantood wuu ku guuldarraystay, xaaskiisii waa ay kala tageen. Muddo badan kadib isaga oo wali isku daygii wada ayay gabar kale ia guursadee. Dai'dii baa kadaba timid. Waxa la siiyay shaqo ka fariisin isaga oo la siiyay lacag dhan $105 waxa la sheegaa inuu damcay inuu is dilo geed buu hoos fariistay isagoo la soo baxay buug xasuus qor ah oo ku qorayay noloshiisii waxyaabihii uu ku fiicnaa asagoo oo maraya ayuuu xasuustay inuu aad ugu fiicnaa samaynta digaagga. 

Waxa uu go'aansaday inuu shaqadaas xooga saaro isaga oo da' ah oo 60-kii dhaafay. Digaaga ayuu samayn jirya isgaoo guri kasta iyo goobaha cuntooyinka gayn jiray markii hore waa uu ku guuldarraystay oo illaa kun mar ka badan ayaa laga gadan waayay. Ugu dambayn waa laga gatay oo waxa ay shirkaddiisu noqotay Kentucky Fried Chicken. Gobollada Maraykanka ayay ku fidday illaa dunida kale. 

1980-kii ayuu geeriyooday isaga oo 90jir ah oo nolol sare ku nool oo noqday hantiile iyo qof aad loo qadariyo. Qofkaas aan ka soo sheekaynay waa Colonel Sanders aas-asihii shirkadda KFC oo maanta ah mid kamida shirkadaha ugu waawayn dunida ee cuntooyinka fudfud sameeya. KFC waxa ay maanta xarumo ku leedahay 145dal oo caalamka iyada oo kuleh 24kun oo xarumood. Waxana u shaqeeya shaqaale ka badan 200kun oo qof. Hantideeduna waxa ay kor u dhaafaysaa $24Billion. 

Sanders maanta oo kale 40sano kahor ayuu geeriyooday, waxa uu soo maray halgan nololeed oo adag. Oraahyadiisii waxa kamida "Mid waa in la xasuusnaadaa, taasoo ah in guuldarro kasta ay noqon karto jaranjaro lagu gaarayo meel ka wanaagsan guuldarrada." Sanders laba cashar ayuu bixinayaa midi waa in qofku uusan ka quusan raadinta guusha oo uu wado isku dayga, midina waa in qofku uusan is oran waad daahday iyo mar hore ayaa lagaa rabay oo hadda da' baad tahay ama xilligeedii la soo dhaaf.  Sawirku waa isaga waana ninka ku sawiran loogada KFC.

Kommentare

Beliebte Posts aus diesem Blog

MAXAAD KA OGTAHAY SHIRKADA AIRBUS

DALKA TURKIGA

Waxa uu ahaa wiilyar oo kasoo jeeday qoys beeralay ahaa oo reer miyi ahaa. Waxa uu ahaa mid la dhibaataysan fahmidda casharrada dugsiga. Isaga oo shan jir ah ayuu bilaabay ganacsiga. Aabihii lacag uu hadyad ahaan u siiyay isaga oo yar, ayuu ku aas-aasay shirkad maanta ah tan ugu weyn caalamka ee soosaarta qalabka guryaha, taaso in kabadan 400xarumood caalamka kuleh.IKEA waa shirkad ganacsi oo farsmaysa iibisana agabka guryaha. Waa shirkadda ugu weyn caalamka ee soosaarta agabka guryaha (Furniture). Waxa lagu aas-aasay wadanka Sweden sanaddii 1943-dii. Waxa aas-aasay wiilyar oo 17jir ahaa oo la oran jiray Ingvar Kamprad. Lacagta uu ku sameeyay shirkadda waxa hadyad ahaan u siiyay aabihiis maadaama uu waxbarahada dugsiga hormar ka sameeyay. Ingvar waxa uu qabay xanuunka dyslexia oo ah xanuun haleela caruurta yaryar kaaso ku sababa akhris liidasho casharrada ah iyo fahamdarro. Ingvar gancsigii uu sameeyay waa uu guulaystay. Maanta IKEA waxa ay 433xarumood ku leedahay 52dal oo caalamka ah. Sanaddii 2018-kii IKEA waxa ay iibisay alaab qiimaheedu kor u dhaafayo $45Bilyan. Website-ka IKEA waxa ku jira 12kun oo nooc oo alaab ah. Intii u dhaxaysay September 2015 illaa august 2016 mudadaas sannadka ah weebka IKEA laba bilyan oo qof dad kor u dhaafaya ayaa booqday.IKEA waxa ay isticmaasha alwaaxa ugu badan caalamka maadama ay tahay shirkadda soosaarta agabka ugu badan ee alwaaxa ka samaysan. Sidoo kale cunnooyinka ayay soo saarta. Magaca IKEA waa ereyo la isugu geeyay oo u taagan Ingvar Kamprad oo ahaa ninka aas-aasay iyo Elmtaryd oo ah beeryar oo uu ku dhashay iyo Agunnaryd oo ah tuulo u dhaweyd beerta. Kaaso micnihiisu noqonayo Ingvar Kamprad-kii ka yimid Elmtaryd Agunnard (Ingvar Kamprad from Elmtaryd Agunnaryd)Ingvar waxa uu geeriyooday sannadkii hore bilowgiisii, isaga oo 91jir ah. Majaladda Bloomberg waxa ay sheegtay inuu ahaa shakhsiga 8aad ee caalamka ugu hodansan sannadkaas. Hantidiisu waxa ay dhammayd $58Bilyan. Shirkadda waxa maamula maanta wiilashiisii.Waxa la xusaa Kamprad inuu bilaabay isaga oo shan jir ah ganacsiga, waxa uu alaabta ka iibin jiray xaafadaha isaga oo baaskiil adeegsanaya sida qalimaanta iyo agab kale oo yaryar. Wiilyar oo reer Miyi beero-falato ah ahaa ayaa aabihii lacag yar uu siiyay ku sameeyay shirkad kasoo bilaabay inuu baaskiil alaabta ku geegeeyo maantana ah tan caalamka ugu weyn ee soosaarta agabka guryaha. Dakhliga IKEA waxa uu kor u dhaafaya $44Bilyan. Xarunta ugu weyn shirkaddu waxa ay kutaal Natherlands.Hal-abuurka ganacsigu waa mid horseeda inuu badalo nolosha qof ama bulsho dhan. Wiilkii beerlayda ahaa shirkaddii uu aas-aasay maanta waxa u shaqeeya in ka badan 200kun oo qof kuwaaso qoysas leh kuna tiirsan. Ingvar kaliya noloshiisa ma badalin sidoo kale milaayiin qof ayuu badalay noloshooda Ingvar oraah cajiiba ayuu ka tagay waxa uu yiri "Sunta ugu halista badan waa dareenka guusha ama yool inaad gaartay. Daawada looga hortagi karaa waa fiidwalba ka fikir maxaa berrito la qaban karaa waliba si kafiican hadda."Haddii aad akhrisatay warbixintan la wadaag saaxibadaa #Share-garee sidoo kale #Follow dheh page-ka mahadsanid.