TAARIIKHDA NINKII GULUUBKA SAMEEYEY

Maalin maalmaha kamida wiil yar oo lagu magacaabay Thomas Alva Edison ayaa yimid gurigooda, waxa uu warqad uu siday u dhiibay hooyadiis, waxa uuna ku yiri "mcallinkayga ayaa warqaddan isoo dhiibay, waxa uuna ii sheegay qofka kaliya ee aan warqadda u dhiibayo inay tahay hooyaday."

Hooyadii waxa ay ka qaadday warqaddii si ay u akhrido, isaguna waxa uu soo ag fariistay hooyadii si ay hooyadii ugu sheegto, waxa warqadda ku qoran. Hooyadii markii ay aragtay waxa warqadda ku qoran way ilmaysay, deedna waxa ay bilowday inay u akhrido warqadda. Waxa ay ku bilowday sidatan, "Wiilkaagu waa mid aad u caqli badan oo u aqoon badan, dugsiganna waa mid aad u yar marka isaga loo eego, kamana uu helayo macallimiin aqoontiisa ku hagta oo tababaran, fadlan adigu u noqo macallin oo waxbar."

Sanado badan kadib hooyadii waa ay xanuusatay deedna waa ay dhimatay. Thomas waxa uu noqday daahfurihii (inventor) ugu weynaa qarnigiisii, maalin ayuu damcay inuu xasuusihii hooyadiis dib u akhriyo, waxa uu furay santuuq ama khaanad yar oo ay ku jireen waraaqo badan, waxa uu ku dhex arkay warqaddii uu macallinkiisu usoo dhiibay.

Waxa uu furay warqaddii waxa uuna bilaabay inuu akhriyo, waxaana ay u qornayd sida tan, "Wiilkaagu waa mid maskaxda ka xanuusan oo aan waxba fahmin, umana ogolaanayno inuu dugsigeenna dib oo dambe u dhigto."

Thomas waa uu ilmeeyay waxa uuna ogaaday in hooyadii ay ahayd qofka nolishiisa badashay, dhiirrigalin badanna siisay. Buuggiisa xasuus qorka ayuu ku qoray hadalkan. "Thomas Alva Edison waxa uu ahaa wiil yar oo maskaxda ka xanuusan, hooyadii ayaa ka dhigtay kan ugu caqliga badan qarnigan." Hadallada wanaagsan ee dhiirogelinta ah, waxa ay ka caawin karaan qofka, inay badalaan noloshiisa oo idil. Ogowna hooyadu waa dhiirrigaliyaha ugu weyn ee noloshaada.

Thomas Edison waxa uu ahaa mid kamida daahfurayaashii ugu weynaa ee taariikhda aadamaha soomara, waxaana loo aqoonsan yahay daahfurihii ugu weynaa gudaha Maraykanka. Waxa uu ahaa sidoo kale ganacsade, daah qaaday, casriyo cusub, waxa uu ahaa shakhsigii allifay qalabka ka qayb qaata koritaanka korontada iyo isgaarsiinta, qalabka duubidda cododka, iyo sawirrada. Waxa uu ahaa nin allifay nalka maanta aynu isticmaalayno. Sidoo kale waxa uu dunida dhaxal ahaan uga tagay shaybaarro badan oo muhim u noqday caalamkan!.

Kommentare

Beliebte Posts aus diesem Blog

MAXAAD KA OGTAHAY SHIRKADA AIRBUS

DALKA TURKIGA

Waxa uu ahaa wiilyar oo kasoo jeeday qoys beeralay ahaa oo reer miyi ahaa. Waxa uu ahaa mid la dhibaataysan fahmidda casharrada dugsiga. Isaga oo shan jir ah ayuu bilaabay ganacsiga. Aabihii lacag uu hadyad ahaan u siiyay isaga oo yar, ayuu ku aas-aasay shirkad maanta ah tan ugu weyn caalamka ee soosaarta qalabka guryaha, taaso in kabadan 400xarumood caalamka kuleh.IKEA waa shirkad ganacsi oo farsmaysa iibisana agabka guryaha. Waa shirkadda ugu weyn caalamka ee soosaarta agabka guryaha (Furniture). Waxa lagu aas-aasay wadanka Sweden sanaddii 1943-dii. Waxa aas-aasay wiilyar oo 17jir ahaa oo la oran jiray Ingvar Kamprad. Lacagta uu ku sameeyay shirkadda waxa hadyad ahaan u siiyay aabihiis maadaama uu waxbarahada dugsiga hormar ka sameeyay. Ingvar waxa uu qabay xanuunka dyslexia oo ah xanuun haleela caruurta yaryar kaaso ku sababa akhris liidasho casharrada ah iyo fahamdarro. Ingvar gancsigii uu sameeyay waa uu guulaystay. Maanta IKEA waxa ay 433xarumood ku leedahay 52dal oo caalamka ah. Sanaddii 2018-kii IKEA waxa ay iibisay alaab qiimaheedu kor u dhaafayo $45Bilyan. Website-ka IKEA waxa ku jira 12kun oo nooc oo alaab ah. Intii u dhaxaysay September 2015 illaa august 2016 mudadaas sannadka ah weebka IKEA laba bilyan oo qof dad kor u dhaafaya ayaa booqday.IKEA waxa ay isticmaasha alwaaxa ugu badan caalamka maadama ay tahay shirkadda soosaarta agabka ugu badan ee alwaaxa ka samaysan. Sidoo kale cunnooyinka ayay soo saarta. Magaca IKEA waa ereyo la isugu geeyay oo u taagan Ingvar Kamprad oo ahaa ninka aas-aasay iyo Elmtaryd oo ah beeryar oo uu ku dhashay iyo Agunnaryd oo ah tuulo u dhaweyd beerta. Kaaso micnihiisu noqonayo Ingvar Kamprad-kii ka yimid Elmtaryd Agunnard (Ingvar Kamprad from Elmtaryd Agunnaryd)Ingvar waxa uu geeriyooday sannadkii hore bilowgiisii, isaga oo 91jir ah. Majaladda Bloomberg waxa ay sheegtay inuu ahaa shakhsiga 8aad ee caalamka ugu hodansan sannadkaas. Hantidiisu waxa ay dhammayd $58Bilyan. Shirkadda waxa maamula maanta wiilashiisii.Waxa la xusaa Kamprad inuu bilaabay isaga oo shan jir ah ganacsiga, waxa uu alaabta ka iibin jiray xaafadaha isaga oo baaskiil adeegsanaya sida qalimaanta iyo agab kale oo yaryar. Wiilyar oo reer Miyi beero-falato ah ahaa ayaa aabihii lacag yar uu siiyay ku sameeyay shirkad kasoo bilaabay inuu baaskiil alaabta ku geegeeyo maantana ah tan caalamka ugu weyn ee soosaarta agabka guryaha. Dakhliga IKEA waxa uu kor u dhaafaya $44Bilyan. Xarunta ugu weyn shirkaddu waxa ay kutaal Natherlands.Hal-abuurka ganacsigu waa mid horseeda inuu badalo nolosha qof ama bulsho dhan. Wiilkii beerlayda ahaa shirkaddii uu aas-aasay maanta waxa u shaqeeya in ka badan 200kun oo qof kuwaaso qoysas leh kuna tiirsan. Ingvar kaliya noloshiisa ma badalin sidoo kale milaayiin qof ayuu badalay noloshooda Ingvar oraah cajiiba ayuu ka tagay waxa uu yiri "Sunta ugu halista badan waa dareenka guusha ama yool inaad gaartay. Daawada looga hortagi karaa waa fiidwalba ka fikir maxaa berrito la qaban karaa waliba si kafiican hadda."Haddii aad akhrisatay warbixintan la wadaag saaxibadaa #Share-garee sidoo kale #Follow dheh page-ka mahadsanid.