Tallaabooyin kaa Caawinaya Inaad Cagta Saarto Jidka Guusha Ee Noloshaada


 
Jenifer Hayman waxa ay maamule ka tahay mid ka mid ah shirkadaha ka shaqeeya nashqaddha dharka iyo muriyadaha iyo walxaha la isku qurxiyo. Waxa ay dhowaan ka sheekeysay qodobbo ay u aragto in ay jid u noqon karaan guul uu qofku ka gaadho shaqadiisa. Haweenayda qoraaga ah ee Katie Warren, ayaa dhowaan wargeyska The Independent ee ka soo baxa dalka Ingiriiska waxa ay ku qortay maqaal ay ku soo bandhigayso qodobbada ay Jenifer u aragto in ay jidka guusha noqon karaan.

Qormadan oo aynu ka soo xigannay shabakadda wararka ee Aljazeera waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah jidadkaas Jenifer Hayman ay sheegtay in guusha lagu gaadhi karo.

Waa in aad dadaal ku bixiso adkaynta xidhiidhka aad la leedahay dadka shaqadu idinka dhexeyso ama shaqada aad ku maamulayso. Xidhiidhka fiican ee dhex mara dadka shaqadu ka dhexeysaa waxa uu ka mid yahay fureyaasha guusha.

Ha ka baqan diidmo:

Weligaa ha ka baqan in codsigaaga la diido. Heyman waxa ay leedahay haddii ay dhacdo in dhinaca kale ka soo jawaabi waayo codsigaaga, ama aanu doonayn in aad kulantaan, ku celceli dalabkaaga, oo weligaa qusu ha dareemin.

Raadso cid ku dhegeysata:

Sida ay la tahay Heyman, waxa qofka muhiim u ah in uu kala barto, oo daraaseeyo dadka ku xeeran si uu u garto kuwooda ay u fududahay in ay is fahmaan oo isku dhacaan. Heyman waxa ay aaminsan tahay in qofka shaqaalaha ah ay u fiican tahay in caqabadaha hawleed ee ka hor yimaadda uu sida ugu dhaqsaha badan ugala kulmo masuuliyiintak a sarraysa, isaga oo si gaar ah u dooranaya kuwa uu ogyahay in ay dad dhegeysi leeyihiin ama isagu jecel yahay in uu u tago. Waa hab qofka u fududaynaysa in uu shaqo badan qabto.

Xidhiidh fiican

Korodhso dadka aad is taqaannaan:

Hemann waxa ay aaminsan tahay in xidhiidhka shaqo ee qofku la yeelanayo dadka ku xeeran, uu leeyahay faa’iido ah in qofku marka uu caawimo u baahdo uu dhaqso u helayso. Mar kasta oo uu qofku kordhiyo asxaabta ku xeeran waxaa u fududaanaysa in uu xal u helo dhibaatooyin laga yaabo in uu kelidii xal u heli kari waayo.

Samir:

Waxaa hubaal ah in ay adad tahay in qofku waxa uu filayo oo dhan helo, ugu yaraan in uu dhaqso u helo, waxa ay taasi keentaa filasho aan loo baahnayn iyo u qaadan waa dambe, sidaa awgeed waxaa lagu talinayaa in qofku uu ku dadaalo samirka uu u samrayo hiigsigiisa, oo aanu ku niyadjabayn dhirbaaxooyinka caqabadaha ka hor imanaya oo runtii aad u waaweyn.

Dabagal oo ha ku dhibin ku celcelinta:

Qofka aad shaqo u dirto ka dabatag oo ogow shaqadii halka ay la marayso, sida oo kale dadka aad adeeg ama shaqo u qabato ku dadaal in aad dabagasho hawshaas, adiga oo dhinaca kalana iska jiraya in aad ugu celceliso qaab qofku u arko dhib in ay tahay.


Kommentare

Beliebte Posts aus diesem Blog

MAXAAD KA OGTAHAY SHIRKADA AIRBUS

DALKA TURKIGA

Waxa uu ahaa wiilyar oo kasoo jeeday qoys beeralay ahaa oo reer miyi ahaa. Waxa uu ahaa mid la dhibaataysan fahmidda casharrada dugsiga. Isaga oo shan jir ah ayuu bilaabay ganacsiga. Aabihii lacag uu hadyad ahaan u siiyay isaga oo yar, ayuu ku aas-aasay shirkad maanta ah tan ugu weyn caalamka ee soosaarta qalabka guryaha, taaso in kabadan 400xarumood caalamka kuleh.IKEA waa shirkad ganacsi oo farsmaysa iibisana agabka guryaha. Waa shirkadda ugu weyn caalamka ee soosaarta agabka guryaha (Furniture). Waxa lagu aas-aasay wadanka Sweden sanaddii 1943-dii. Waxa aas-aasay wiilyar oo 17jir ahaa oo la oran jiray Ingvar Kamprad. Lacagta uu ku sameeyay shirkadda waxa hadyad ahaan u siiyay aabihiis maadaama uu waxbarahada dugsiga hormar ka sameeyay. Ingvar waxa uu qabay xanuunka dyslexia oo ah xanuun haleela caruurta yaryar kaaso ku sababa akhris liidasho casharrada ah iyo fahamdarro. Ingvar gancsigii uu sameeyay waa uu guulaystay. Maanta IKEA waxa ay 433xarumood ku leedahay 52dal oo caalamka ah. Sanaddii 2018-kii IKEA waxa ay iibisay alaab qiimaheedu kor u dhaafayo $45Bilyan. Website-ka IKEA waxa ku jira 12kun oo nooc oo alaab ah. Intii u dhaxaysay September 2015 illaa august 2016 mudadaas sannadka ah weebka IKEA laba bilyan oo qof dad kor u dhaafaya ayaa booqday.IKEA waxa ay isticmaasha alwaaxa ugu badan caalamka maadama ay tahay shirkadda soosaarta agabka ugu badan ee alwaaxa ka samaysan. Sidoo kale cunnooyinka ayay soo saarta. Magaca IKEA waa ereyo la isugu geeyay oo u taagan Ingvar Kamprad oo ahaa ninka aas-aasay iyo Elmtaryd oo ah beeryar oo uu ku dhashay iyo Agunnaryd oo ah tuulo u dhaweyd beerta. Kaaso micnihiisu noqonayo Ingvar Kamprad-kii ka yimid Elmtaryd Agunnard (Ingvar Kamprad from Elmtaryd Agunnaryd)Ingvar waxa uu geeriyooday sannadkii hore bilowgiisii, isaga oo 91jir ah. Majaladda Bloomberg waxa ay sheegtay inuu ahaa shakhsiga 8aad ee caalamka ugu hodansan sannadkaas. Hantidiisu waxa ay dhammayd $58Bilyan. Shirkadda waxa maamula maanta wiilashiisii.Waxa la xusaa Kamprad inuu bilaabay isaga oo shan jir ah ganacsiga, waxa uu alaabta ka iibin jiray xaafadaha isaga oo baaskiil adeegsanaya sida qalimaanta iyo agab kale oo yaryar. Wiilyar oo reer Miyi beero-falato ah ahaa ayaa aabihii lacag yar uu siiyay ku sameeyay shirkad kasoo bilaabay inuu baaskiil alaabta ku geegeeyo maantana ah tan caalamka ugu weyn ee soosaarta agabka guryaha. Dakhliga IKEA waxa uu kor u dhaafaya $44Bilyan. Xarunta ugu weyn shirkaddu waxa ay kutaal Natherlands.Hal-abuurka ganacsigu waa mid horseeda inuu badalo nolosha qof ama bulsho dhan. Wiilkii beerlayda ahaa shirkaddii uu aas-aasay maanta waxa u shaqeeya in ka badan 200kun oo qof kuwaaso qoysas leh kuna tiirsan. Ingvar kaliya noloshiisa ma badalin sidoo kale milaayiin qof ayuu badalay noloshooda Ingvar oraah cajiiba ayuu ka tagay waxa uu yiri "Sunta ugu halista badan waa dareenka guusha ama yool inaad gaartay. Daawada looga hortagi karaa waa fiidwalba ka fikir maxaa berrito la qaban karaa waliba si kafiican hadda."Haddii aad akhrisatay warbixintan la wadaag saaxibadaa #Share-garee sidoo kale #Follow dheh page-ka mahadsanid.