Wadanka 4aad ee ugu dadka badan dunida. Dalka ugu dhaqaalaha badan wadamada Muslimiintu ku badan yihiin. Dal kamida kooxda 20-ka ah ee warshadaha iyo waxsoosaarka ku hormaray. Dal ka hormaray dhanka dhaqaalaha dalkii gumaystay!Indonesia waa dal dhaca Koonfur-bari qaaradda Eeshiya. Sidoo kale qayb kale oo kamida ayaa katirsan qaaradda Oceana. Waa dal udhaxeeya laba badood oo waaweyn, Badweynta Hindiya iyo Badwenta Baasifigga. Waa dal jasiiradeedka ugu baaxadda weyn dunida, kaaso ka kooban in kabadan 13kun oo jasiiradood!Baaxadda dhulka ee wadanku waa 1.9Milion oo wareeg ah, taaso kadhigaysa dalka 14aad ee ugu baaxadda weyn dunida.Tirada dadka reer Indonesia waxay kor u dhaafaysaa 261Miyan oo qof, taaso kadhigtay dalka 4aad ee ugu dadka badan dunida iyo kan koobaad ee ugu dadka badan koonfur-bari Eeshiya.Indonesia waxay ka koobantahay 34gobol caasimadda wadanku waa Jakarta oo ah magaalada labaad ee ugu dadka badan dunida (by metro population). Java waa jasiiradda ugu dadka badan dunida taaso ay kunool yihiin kala badh dadka reer Insonesia.Wadanku waa kan ay ku nool yihiin Muslimiinta ugu badan caalamka, kuwaaso kor u dhaafaya 230Milyan. In kabadan 300 oo qowmiyadood ayaa kunool Indonesia, Javanese-ku waa kuwa ugu badan wadanka, waxa ayna dhan yihiin 40% tirada guud ee dalka, waana qowmiyadda 4aad ee ugu ballaaran qowmiyadaha Islaamka ah. Sidoo kale in kabadan 700 oo luuqadood ayaa looga hadlaa Indonesia, Bahasa Indonesia ayaa ah luuqadda rasmiga ah.Indonesia waa dalka 16aad ee ugu dhaqaalaha badan caalamka. Waana dalka ugu dhaqaalaha badan wadamada Islaamka ah, ama muslimiintu ku badan yihiin. Waana dalka kaliya ee Islaam ah ee dhaqaalihiisu gaaray Hal Trillion. Sannadkan ayuu dhaqaalaha dalku gaaray $1.1Trillion. Dalka waxaa laga helaa macdanno badan sida Gold, Copper, salliida iyo kuwa kaloo badan. Waxyaabaha ay dibadda udhoofiso waxa kamida Bariiska, Qumbaha, caleen-shaaxa, bunka, shidaalka, daawooyinka dhirta kasamaysan iyo kuwo kale. Wadamda ugu badan ay wax udhoofiso wsxa kamida USA, China, India, Malaysia, Singapore iyo dalal kale oo badan....!Indonesia waxay kamid tahay wadamada kujira ururada waawayn sida UN, G-20, WTO iyo kuwo qaaradda Asia sida Asia summit, South East Asia ururada kadhisan iyo kuwa kale. Waa dal kamida 16-ka dal ee leh ciidamada ugu xoogan dunida. Waana dalka ugu awoodda badan mandaqadda Koonfur-bari Eeshiya!Wadanku waa mid kamida wadamada ka hormaray xagga waxsoosaarka iyo dhaqaalaha wadamdii gumaystay. Natherlands ayay ka qaateen xorriyadda. Maanta iyagaa ka dhaqaalo badan dalkii gumaystay ee Natherlands. Dhanka waxbarashada aad ayuu ugu hormaray. 95% dadka reer Indonesia ee qaangaadhka ah, ayaa wax qora waxna akhriya. Waa mid kamida dalalka ugu sarreeya caalamka.Sawirka: Jakarta, IndonesiaHaddii aad akhrisatay warbixintan, la wadaag saaxibadaa oo #Share-garee nagusoo biir oo #follow dheh page-ka mahadsanid.

Waxa uu ahaa wiilyar oo kasoo jeeday qoys beeralay ahaa oo reer miyi ahaa. Waxa uu ahaa mid la dhibaataysan fahmidda casharrada dugsiga. Isaga oo shan jir ah ayuu bilaabay ganacsiga. Aabihii lacag uu hadyad ahaan u siiyay isaga oo yar, ayuu ku aas-aasay shirkad maanta ah tan ugu weyn caalamka ee soosaarta qalabka guryaha, taaso in kabadan 400xarumood caalamka kuleh.

IKEA waa shirkad ganacsi oo farsmaysa iibisana agabka guryaha. Waa shirkadda ugu weyn caalamka ee soosaarta agabka guryaha (Furniture). Waxa lagu aas-aasay wadanka Sweden sanaddii 1943-dii. 

Waxa aas-aasay wiilyar oo 17jir ahaa oo la oran jiray Ingvar Kamprad. Lacagta uu ku sameeyay shirkadda waxa hadyad ahaan u siiyay aabihiis maadaama uu waxbarahada dugsiga hormar ka sameeyay. Ingvar waxa uu qabay xanuunka dyslexia oo ah xanuun haleela caruurta yaryar kaaso ku sababa akhris liidasho casharrada ah iyo fahamdarro. Ingvar gancsigii uu sameeyay waa uu guulaystay. Maanta IKEA waxa ay 433xarumood ku leedahay 52dal oo caalamka ah. 

Sanaddii 2018-kii IKEA waxa ay iibisay alaab qiimaheedu kor u dhaafayo $45Bilyan. Website-ka IKEA waxa ku jira 12kun oo nooc oo alaab ah. Intii u dhaxaysay September 2015 illaa august 2016 mudadaas sannadka ah weebka IKEA  laba bilyan oo qof dad kor u dhaafaya ayaa booqday.

IKEA waxa ay isticmaasha alwaaxa ugu badan caalamka maadama ay tahay shirkadda soosaarta agabka ugu badan ee alwaaxa ka samaysan. Sidoo kale cunnooyinka ayay soo saarta. Magaca IKEA waa ereyo la isugu geeyay oo u taagan Ingvar Kamprad oo ahaa ninka aas-aasay iyo Elmtaryd oo ah beeryar oo uu ku dhashay iyo Agunnaryd oo ah tuulo u dhaweyd beerta. Kaaso micnihiisu noqonayo Ingvar Kamprad-kii ka yimid Elmtaryd Agunnard (Ingvar Kamprad from Elmtaryd Agunnaryd)

Ingvar waxa uu geeriyooday sannadkii hore bilowgiisii, isaga oo 91jir ah. Majaladda Bloomberg waxa ay sheegtay inuu ahaa shakhsiga 8aad ee caalamka ugu hodansan sannadkaas. Hantidiisu waxa ay dhammayd $58Bilyan. Shirkadda waxa maamula maanta wiilashiisii.

Waxa la xusaa Kamprad inuu bilaabay isaga oo shan jir ah ganacsiga, waxa uu alaabta ka iibin jiray xaafadaha isaga oo baaskiil adeegsanaya sida qalimaanta iyo agab kale oo yaryar. 

Wiilyar oo reer Miyi beero-falato ah ahaa ayaa aabihii lacag yar uu siiyay ku sameeyay shirkad kasoo bilaabay inuu baaskiil alaabta ku geegeeyo maantana ah tan caalamka ugu weyn ee soosaarta agabka guryaha. Dakhliga IKEA waxa uu kor u dhaafaya $44Bilyan. Xarunta ugu weyn shirkaddu waxa ay kutaal Natherlands.

Hal-abuurka ganacsigu waa mid horseeda inuu badalo nolosha qof ama bulsho dhan. Wiilkii beerlayda ahaa shirkaddii uu aas-aasay maanta waxa u shaqeeya in ka badan 200kun oo qof kuwaaso qoysas leh kuna tiirsan. Ingvar kaliya noloshiisa ma badalin sidoo kale milaayiin qof ayuu badalay noloshooda 

Ingvar oraah cajiiba ayuu ka tagay waxa uu yiri "Sunta ugu halista badan waa dareenka guusha ama yool inaad gaartay. Daawada looga hortagi karaa waa fiidwalba ka fikir maxaa berrito la qaban karaa waliba si kafiican hadda."

Haddii aad akhrisatay warbixintan la wadaag saaxibadaa #Share-garee sidoo kale #Follow dheh page-ka mahadsanid.

Kommentare

Beliebte Posts aus diesem Blog

WAX KA BARO AFRIKA

MAXAAD KA OGTAHAY SHIRKADA AIRBUS

macaamiisha Lama xumeeyo