WAX KA BARO MADAGASCAR

Madagascar waa dal jasiiradeed dhaca koonfurta qaaradda Afrika ama bariga dalka Mozambique oo ah bartamaha badweynta Hindiya. Waa dal jasiiradeedka labaad ee ugu weyn dunida. Baaxad ahaan waa dalka 49aad ee ugu baaxadda weyn caalamka, sidoo kale waa dalka ugu xeebta dheer guud ahaan qaaradda Afrika. 

Dalkan waxa ku nool dad lagu qiyaaso 27malyan oo qof. 95% dadkiisu waa dad ka soo haajiray Eeshiya qarniyo ka hor. Madagascar waxa la tilmaama inay tahay meelihii ugu dambeeyay dunida ee aadamuhu dago. Bilowgii taariikhda miilaadiyada qowmiyadu ka soo haajiray dalka maanta loo yaqaan Indonesia ayaa soo dagay jasiiraddan. 

Maanta waxa ku nooo dalka 18qawmiyaodood oo ah dadkii ka soo haajiray Indonesia iyo kuwa Carab iyo Afrikaan isku milmay ah iyo dadyow kale. Dalkani waa mid ka duwan wadamada kale deegaan ahaan waxa ay taariikhyahannadu xusaan in jasiiradda Madagascar ay 88milyan oo sano kahor kasoo go'day dhulka loo yaqaan maanta qaarad hoosaadka Hindiya. (Indian subcontinental).

Waa dal dhirta laga helo iyo xayawaanka ku nool 90% aan meel kale oo dunida ah laga helin. Waa dalka kaliya ee Afrika ah ee dadka dagaa ama majority-ga ka ah aysan ahayn Carab iyo Afrikada madow balse ay yihiin Eeshiyada koonfur-bari. Antananarivo waa caasimadda dalka waana magaalada u weyn, waxaa ku nool illaa 3milyan oo qof.

Dadka reer Madagascar waa bulsho 74% wax qora waxna akhriya. Waa dad beeralay u badan oo ku badan dhulka buuraha ah. Qowmiyadda Merina ayaa ah tan ugu badan dalka oo 5milyan oo qof gaarta. Nidaam ahaan dalku waa jamhuuriyad madaxweynuhu awoodda u sarraysa leeyahay oo la isa soo doorto. 

Dhanka heerka hormarka aadanaha waa mid hooseeya balse marka Afrika loo eego dalalka hore kaga jira. Dhaqaalahoodu waa mid dhexe marka loo eego Afrika oo waxa ay 85% ku dhawaad ay ka helaan dhaqalaha beerashada iyo kalluumaysiga.  Agabka ugu weyn ee ay dibadda u dhoofiyaani waa Fanniiliyada. 

Magaca Madagascar markii ugu horraysay waxa la bixiyay qarnigii 13aad oo waxaa adeegsaday dhul mareenkii reer Yurub ee Marco Polo oo ahaa qofkii ugu horreeyay ee Yurubiyaan ah ee cag dhiga jasiiraddaas. Marco Polo oo ku khalday jasiiraddaas markii uu tagay magaalada Muqdisho oo uu horay u maray ayaa ku magacaabay Madagexor ama Madagascar isaga oo moodayay inay Muqdisho tahay meeshan uu joogo. Oo waxa uu kari waayay magacii Muqdisho ee uu yaqinnay.

Sawirku waa Antananarivo, Madagascar

Kommentare

Beliebte Posts aus diesem Blog

WAX KA BARO AFRIKA

MAXAAD KA OGTAHAY SHIRKADA AIRBUS

macaamiisha Lama xumeeyo