WAX KA BARO MADAGASCAR

Madagascar waa dal jasiiradeed dhaca koonfurta qaaradda Afrika ama bariga dalka Mozambique oo ah bartamaha badweynta Hindiya. Waa dal jasiiradeedka labaad ee ugu weyn dunida. Baaxad ahaan waa dalka 49aad ee ugu baaxadda weyn caalamka, sidoo kale waa dalka ugu xeebta dheer guud ahaan qaaradda Afrika. 

Dalkan waxa ku nool dad lagu qiyaaso 27malyan oo qof. 95% dadkiisu waa dad ka soo haajiray Eeshiya qarniyo ka hor. Madagascar waxa la tilmaama inay tahay meelihii ugu dambeeyay dunida ee aadamuhu dago. Bilowgii taariikhda miilaadiyada qowmiyadu ka soo haajiray dalka maanta loo yaqaan Indonesia ayaa soo dagay jasiiraddan. 

Maanta waxa ku nooo dalka 18qawmiyaodood oo ah dadkii ka soo haajiray Indonesia iyo kuwa Carab iyo Afrikaan isku milmay ah iyo dadyow kale. Dalkani waa mid ka duwan wadamada kale deegaan ahaan waxa ay taariikhyahannadu xusaan in jasiiradda Madagascar ay 88milyan oo sano kahor kasoo go'day dhulka loo yaqaan maanta qaarad hoosaadka Hindiya. (Indian subcontinental).

Waa dal dhirta laga helo iyo xayawaanka ku nool 90% aan meel kale oo dunida ah laga helin. Waa dalka kaliya ee Afrika ah ee dadka dagaa ama majority-ga ka ah aysan ahayn Carab iyo Afrikada madow balse ay yihiin Eeshiyada koonfur-bari. Antananarivo waa caasimadda dalka waana magaalada u weyn, waxaa ku nool illaa 3milyan oo qof.

Dadka reer Madagascar waa bulsho 74% wax qora waxna akhriya. Waa dad beeralay u badan oo ku badan dhulka buuraha ah. Qowmiyadda Merina ayaa ah tan ugu badan dalka oo 5milyan oo qof gaarta. Nidaam ahaan dalku waa jamhuuriyad madaxweynuhu awoodda u sarraysa leeyahay oo la isa soo doorto. 

Dhanka heerka hormarka aadanaha waa mid hooseeya balse marka Afrika loo eego dalalka hore kaga jira. Dhaqaalahoodu waa mid dhexe marka loo eego Afrika oo waxa ay 85% ku dhawaad ay ka helaan dhaqalaha beerashada iyo kalluumaysiga.  Agabka ugu weyn ee ay dibadda u dhoofiyaani waa Fanniiliyada. 

Magaca Madagascar markii ugu horraysay waxa la bixiyay qarnigii 13aad oo waxaa adeegsaday dhul mareenkii reer Yurub ee Marco Polo oo ahaa qofkii ugu horreeyay ee Yurubiyaan ah ee cag dhiga jasiiraddaas. Marco Polo oo ku khalday jasiiraddaas markii uu tagay magaalada Muqdisho oo uu horay u maray ayaa ku magacaabay Madagexor ama Madagascar isaga oo moodayay inay Muqdisho tahay meeshan uu joogo. Oo waxa uu kari waayay magacii Muqdisho ee uu yaqinnay.

Sawirku waa Antananarivo, Madagascar

Kommentare

Beliebte Posts aus diesem Blog

MAXAAD KA OGTAHAY SHIRKADA AIRBUS

DALKA TURKIGA

Waxa uu ahaa wiilyar oo kasoo jeeday qoys beeralay ahaa oo reer miyi ahaa. Waxa uu ahaa mid la dhibaataysan fahmidda casharrada dugsiga. Isaga oo shan jir ah ayuu bilaabay ganacsiga. Aabihii lacag uu hadyad ahaan u siiyay isaga oo yar, ayuu ku aas-aasay shirkad maanta ah tan ugu weyn caalamka ee soosaarta qalabka guryaha, taaso in kabadan 400xarumood caalamka kuleh.IKEA waa shirkad ganacsi oo farsmaysa iibisana agabka guryaha. Waa shirkadda ugu weyn caalamka ee soosaarta agabka guryaha (Furniture). Waxa lagu aas-aasay wadanka Sweden sanaddii 1943-dii. Waxa aas-aasay wiilyar oo 17jir ahaa oo la oran jiray Ingvar Kamprad. Lacagta uu ku sameeyay shirkadda waxa hadyad ahaan u siiyay aabihiis maadaama uu waxbarahada dugsiga hormar ka sameeyay. Ingvar waxa uu qabay xanuunka dyslexia oo ah xanuun haleela caruurta yaryar kaaso ku sababa akhris liidasho casharrada ah iyo fahamdarro. Ingvar gancsigii uu sameeyay waa uu guulaystay. Maanta IKEA waxa ay 433xarumood ku leedahay 52dal oo caalamka ah. Sanaddii 2018-kii IKEA waxa ay iibisay alaab qiimaheedu kor u dhaafayo $45Bilyan. Website-ka IKEA waxa ku jira 12kun oo nooc oo alaab ah. Intii u dhaxaysay September 2015 illaa august 2016 mudadaas sannadka ah weebka IKEA laba bilyan oo qof dad kor u dhaafaya ayaa booqday.IKEA waxa ay isticmaasha alwaaxa ugu badan caalamka maadama ay tahay shirkadda soosaarta agabka ugu badan ee alwaaxa ka samaysan. Sidoo kale cunnooyinka ayay soo saarta. Magaca IKEA waa ereyo la isugu geeyay oo u taagan Ingvar Kamprad oo ahaa ninka aas-aasay iyo Elmtaryd oo ah beeryar oo uu ku dhashay iyo Agunnaryd oo ah tuulo u dhaweyd beerta. Kaaso micnihiisu noqonayo Ingvar Kamprad-kii ka yimid Elmtaryd Agunnard (Ingvar Kamprad from Elmtaryd Agunnaryd)Ingvar waxa uu geeriyooday sannadkii hore bilowgiisii, isaga oo 91jir ah. Majaladda Bloomberg waxa ay sheegtay inuu ahaa shakhsiga 8aad ee caalamka ugu hodansan sannadkaas. Hantidiisu waxa ay dhammayd $58Bilyan. Shirkadda waxa maamula maanta wiilashiisii.Waxa la xusaa Kamprad inuu bilaabay isaga oo shan jir ah ganacsiga, waxa uu alaabta ka iibin jiray xaafadaha isaga oo baaskiil adeegsanaya sida qalimaanta iyo agab kale oo yaryar. Wiilyar oo reer Miyi beero-falato ah ahaa ayaa aabihii lacag yar uu siiyay ku sameeyay shirkad kasoo bilaabay inuu baaskiil alaabta ku geegeeyo maantana ah tan caalamka ugu weyn ee soosaarta agabka guryaha. Dakhliga IKEA waxa uu kor u dhaafaya $44Bilyan. Xarunta ugu weyn shirkaddu waxa ay kutaal Natherlands.Hal-abuurka ganacsigu waa mid horseeda inuu badalo nolosha qof ama bulsho dhan. Wiilkii beerlayda ahaa shirkaddii uu aas-aasay maanta waxa u shaqeeya in ka badan 200kun oo qof kuwaaso qoysas leh kuna tiirsan. Ingvar kaliya noloshiisa ma badalin sidoo kale milaayiin qof ayuu badalay noloshooda Ingvar oraah cajiiba ayuu ka tagay waxa uu yiri "Sunta ugu halista badan waa dareenka guusha ama yool inaad gaartay. Daawada looga hortagi karaa waa fiidwalba ka fikir maxaa berrito la qaban karaa waliba si kafiican hadda."Haddii aad akhrisatay warbixintan la wadaag saaxibadaa #Share-garee sidoo kale #Follow dheh page-ka mahadsanid.