WAX KA BARO MAGAALADA TOKYO
Magaaladani waa Tokyo waxa ay ku taal bartamaha Jabaan. Waxa markeedii hore la oran jiray Edo waxa ayna ahayd tuulo yar oo kalluumaysi, qarnigii 15aad ayaa markii ugu horraysay la dagay. Maanta waxa kunool gudaheeda iyo nawaaxigeeda (greater Tokyo) una soo shaqo doonto dad kor u dhaafaya 38Milyan oo qof. Waa magaalada dadka ugu badani ay ku xeeran yihiin dunida. Canada oo ah dalka labaad ee ugu dhul weyn caalamka ayay ka dad badan tahay.
Dhaqaalaheedu waxa uu kor u dhaafayaa illaa $2Trillion. Waxa ay ka dhaqaale badan tahay dalal badan oo ay kamid yihiin Ruushka, Turkiga, Sacuudiga, Brazil, Italy, Mexico, Canada, South Korea, Australia iyo Spain. Waa dalalka safka hore kaga jira dhaqaalaha dunida. Marka laga reebo 7 dal inta kale iyadaa ka dhaqaale badan dalalka caalamka.
Waxa ay hoy u tahay maanta 36kamida shirkadaha ugu waawayn dunida. Waxa ku yaal gudaheeda suuqa ugu weyn ee kalluun lagu gado dunida oo waxa la sheegaa in maalinkii ku dhawaad 60kun oo qof suuqaas ka ka adeegtaan. Waxa ay leedahay illaa 900 oo xarumood oo tareennada laga raaco. Dhexdeeda waxa ka shaqeeya tareennada lagu magacaabo kuwa xabadda (bullet train) oo aad u dheereeya.
Tokyo gudaheeda waxa ku yaal isgoys aad u mashquul badan oo halkii waqti ay ka gudbaan 3kun oo qof. Waxa soo booqda magaaldan ku dhawaad 10milyan oo qof oo ajaanib ah. Arrinka cajiibka ah ayaa a in Tokyo hawadeeda aysan diyaaradi marin. Tan iyo dagaalkii labaad ee dunida kadib ciidamada Maraykanka ayaa maamula hawada Tokyo iyo nawaaxigeeda. Waxaana laga mamnuucay in diyaaraduhu ay dulmaraan. Laba madaar ayay leedahay oo u jira masaafo 20km ah. Madaarka Haneda ayaa ah kan afaraad ee aduunka ugu mashauulka badan 90milyan rakaab ku dhow baa isticmaala sannadkii.
Tokyo dadkeedu waa dad aad u shaqeeya oo 98% dadka shaqada u diyaarka ah waa ay shaqeeyaan, illaa 18saacadood ayay dadku shaqeeyaan waana meelaha ugu shaqada badan. Dakhliga soo gala sannadkii waa illaa $70kun. Halka cimrigoodu uu gaaro illaa 87sano celcelis ahaam, dad 100sano kpr u dhaafay oo kumanaan ka badan ayaa ku nool. Heerka hormarka aadanaha (HDI) waa mid kamida magaalooyinka ugu sarreeya. Dhaqaalaha iyo hal-abuurka kaalinta afaraad ayay kaga jirtaa.
Kommentare