WAX KA BARO MAGAALADA TOKYO

Magaaladani waa Tokyo waxa ay ku taal bartamaha Jabaan. Waxa markeedii hore la oran jiray Edo waxa ayna ahayd tuulo yar oo kalluumaysi, qarnigii 15aad ayaa markii ugu horraysay la dagay. Maanta waxa kunool gudaheeda iyo nawaaxigeeda (greater Tokyo) una soo shaqo doonto dad kor u dhaafaya 38Milyan oo qof. Waa magaalada dadka ugu badani ay ku xeeran yihiin dunida. Canada oo ah dalka labaad ee ugu dhul weyn caalamka ayay ka dad badan tahay. 

Dhaqaalaheedu waxa uu kor u dhaafayaa illaa $2Trillion. Waxa ay ka dhaqaale badan tahay dalal badan oo ay kamid yihiin Ruushka, Turkiga, Sacuudiga, Brazil, Italy, Mexico, Canada, South Korea, Australia iyo Spain. Waa dalalka safka hore kaga jira dhaqaalaha dunida. Marka laga reebo 7 dal inta kale iyadaa ka dhaqaale badan dalalka caalamka.

Waxa ay hoy u tahay maanta 36kamida shirkadaha ugu waawayn dunida. Waxa ku yaal gudaheeda suuqa ugu weyn ee kalluun lagu gado dunida oo waxa la sheegaa in maalinkii ku dhawaad 60kun oo qof suuqaas ka ka adeegtaan. Waxa ay leedahay illaa 900 oo xarumood oo tareennada laga raaco. Dhexdeeda waxa ka shaqeeya tareennada lagu magacaabo kuwa xabadda (bullet train) oo aad u dheereeya. 

Tokyo gudaheeda waxa ku yaal isgoys aad u mashquul badan oo halkii waqti ay ka gudbaan 3kun oo qof. Waxa soo booqda magaaldan ku dhawaad 10milyan oo qof oo ajaanib ah. Arrinka cajiibka ah ayaa a in Tokyo hawadeeda aysan diyaaradi marin. Tan iyo dagaalkii labaad ee dunida kadib ciidamada Maraykanka ayaa maamula hawada Tokyo iyo nawaaxigeeda. Waxaana laga mamnuucay in diyaaraduhu ay dulmaraan. Laba madaar ayay leedahay oo u jira masaafo 20km ah. Madaarka Haneda ayaa ah kan afaraad ee aduunka ugu mashauulka badan 90milyan rakaab ku dhow baa isticmaala sannadkii.

Tokyo dadkeedu waa dad aad u shaqeeya oo 98% dadka shaqada u diyaarka ah waa ay shaqeeyaan, illaa 18saacadood ayay dadku shaqeeyaan waana meelaha ugu shaqada badan. Dakhliga soo gala sannadkii waa illaa $70kun. Halka cimrigoodu uu gaaro illaa 87sano celcelis ahaam, dad 100sano kpr u dhaafay oo kumanaan ka badan ayaa ku nool. Heerka hormarka aadanaha (HDI) waa mid kamida magaalooyinka ugu sarreeya. Dhaqaalaha iyo hal-abuurka kaalinta afaraad ayay kaga jirtaa.

Kommentare

Beliebte Posts aus diesem Blog

MAXAAD KA OGTAHAY SHIRKADA AIRBUS

DALKA TURKIGA

Waxa uu ahaa wiilyar oo kasoo jeeday qoys beeralay ahaa oo reer miyi ahaa. Waxa uu ahaa mid la dhibaataysan fahmidda casharrada dugsiga. Isaga oo shan jir ah ayuu bilaabay ganacsiga. Aabihii lacag uu hadyad ahaan u siiyay isaga oo yar, ayuu ku aas-aasay shirkad maanta ah tan ugu weyn caalamka ee soosaarta qalabka guryaha, taaso in kabadan 400xarumood caalamka kuleh.IKEA waa shirkad ganacsi oo farsmaysa iibisana agabka guryaha. Waa shirkadda ugu weyn caalamka ee soosaarta agabka guryaha (Furniture). Waxa lagu aas-aasay wadanka Sweden sanaddii 1943-dii. Waxa aas-aasay wiilyar oo 17jir ahaa oo la oran jiray Ingvar Kamprad. Lacagta uu ku sameeyay shirkadda waxa hadyad ahaan u siiyay aabihiis maadaama uu waxbarahada dugsiga hormar ka sameeyay. Ingvar waxa uu qabay xanuunka dyslexia oo ah xanuun haleela caruurta yaryar kaaso ku sababa akhris liidasho casharrada ah iyo fahamdarro. Ingvar gancsigii uu sameeyay waa uu guulaystay. Maanta IKEA waxa ay 433xarumood ku leedahay 52dal oo caalamka ah. Sanaddii 2018-kii IKEA waxa ay iibisay alaab qiimaheedu kor u dhaafayo $45Bilyan. Website-ka IKEA waxa ku jira 12kun oo nooc oo alaab ah. Intii u dhaxaysay September 2015 illaa august 2016 mudadaas sannadka ah weebka IKEA laba bilyan oo qof dad kor u dhaafaya ayaa booqday.IKEA waxa ay isticmaasha alwaaxa ugu badan caalamka maadama ay tahay shirkadda soosaarta agabka ugu badan ee alwaaxa ka samaysan. Sidoo kale cunnooyinka ayay soo saarta. Magaca IKEA waa ereyo la isugu geeyay oo u taagan Ingvar Kamprad oo ahaa ninka aas-aasay iyo Elmtaryd oo ah beeryar oo uu ku dhashay iyo Agunnaryd oo ah tuulo u dhaweyd beerta. Kaaso micnihiisu noqonayo Ingvar Kamprad-kii ka yimid Elmtaryd Agunnard (Ingvar Kamprad from Elmtaryd Agunnaryd)Ingvar waxa uu geeriyooday sannadkii hore bilowgiisii, isaga oo 91jir ah. Majaladda Bloomberg waxa ay sheegtay inuu ahaa shakhsiga 8aad ee caalamka ugu hodansan sannadkaas. Hantidiisu waxa ay dhammayd $58Bilyan. Shirkadda waxa maamula maanta wiilashiisii.Waxa la xusaa Kamprad inuu bilaabay isaga oo shan jir ah ganacsiga, waxa uu alaabta ka iibin jiray xaafadaha isaga oo baaskiil adeegsanaya sida qalimaanta iyo agab kale oo yaryar. Wiilyar oo reer Miyi beero-falato ah ahaa ayaa aabihii lacag yar uu siiyay ku sameeyay shirkad kasoo bilaabay inuu baaskiil alaabta ku geegeeyo maantana ah tan caalamka ugu weyn ee soosaarta agabka guryaha. Dakhliga IKEA waxa uu kor u dhaafaya $44Bilyan. Xarunta ugu weyn shirkaddu waxa ay kutaal Natherlands.Hal-abuurka ganacsigu waa mid horseeda inuu badalo nolosha qof ama bulsho dhan. Wiilkii beerlayda ahaa shirkaddii uu aas-aasay maanta waxa u shaqeeya in ka badan 200kun oo qof kuwaaso qoysas leh kuna tiirsan. Ingvar kaliya noloshiisa ma badalin sidoo kale milaayiin qof ayuu badalay noloshooda Ingvar oraah cajiiba ayuu ka tagay waxa uu yiri "Sunta ugu halista badan waa dareenka guusha ama yool inaad gaartay. Daawada looga hortagi karaa waa fiidwalba ka fikir maxaa berrito la qaban karaa waliba si kafiican hadda."Haddii aad akhrisatay warbixintan la wadaag saaxibadaa #Share-garee sidoo kale #Follow dheh page-ka mahadsanid.