WAX KA BARO TAARIIKHDA WADANKA INDIA
Maalin maalmaha kamida wiil yar oo lagu magacaabay Thomas Alva Edison ayaa yimid gurigooda, waxa uu warqad uu siday u dhiibay hooyadiis, waxa uuna ku yiri "mcallinkayga ayaa warqaddan isoo dhiibay, waxa uuna ii sheegay qofka kaliya ee aan warqadda u dhiibayo inay tahay hooyaday."
Hooyadii waxa ay ka qaadday warqaddii si ay u akhrido, isaguna waxa uu soo ag fariistay hooyadii si ay hooyadii ugu sheegto, waxa warqadda ku qoran. Hooyadii markii ay aragtay waxa warqadda ku qoran way ilmaysay, deedna waxa ay bilowday inay u akhrido warqadda. Waxa ay ku bilowday sidatan, "Wiilkaagu waa mid aad u caqli badan oo u aqoon badan, dugsiganna waa mid aad u yar marka isaga loo eego, kamana uu helayo macallimiin aqoontiisa ku hagta oo tababaran, fadlan adigu u noqo macallin oo waxbar."
Sanado badan kadib hooyadii waa ay xanuusatay deedna waa ay dhimatay. Thomas waxa uu noqday daahfurihii (inventor) ugu weynaa qarnigiisii, maalin ayuu damcay inuu xasuusihii hooyadiis dib u akhriyo, waxa uu furay santuuq ama khaanad yar oo ay ku jireen waraaqo badan, waxa uu ku dhex arkay warqaddii uu macallinkiisu usoo dhiibay.
Waxa uu furay warqaddii waxa uuna bilaabay inuu akhriyo, waxaana ay u qornayd sida tan, "Wiilkaagu waa mid maskaxda ka xanuusan oo aan waxba fahmin, umana ogolaanayno inuu dugsigeenna dib oo dambe u dhigto."
Thomas waa uu ilmeeyay waxa uuna ogaaday in hooyadii ay ahayd qofka nolishiisa badashay, dhiirrigalin badanna siisay. Buuggiisa xasuus qorka ayuu ku qoray hadalkan. "Thomas Alva Edison waxa uu ahaa wiil yar oo maskaxda ka xanuusan, hooyadii ayaa ka dhigtay kan ugu caqliga badan qarnigan." Hadallada wanaagsan ee dhiirogelinta ah, waxa ay ka caawin karaan qofka, inay badalaan noloshiisa oo idil. Ogowna hooyadu waa dhiirrigaliyaha ugu weyn ee noloshaada.
Thomas Edison waxa uu ahaa mid kamida daahfurayaashii ugu weynaa ee taariikhda aadamaha soomara, waxaana loo aqoonsan yahay daahfurihii ugu weynaa gudaha Maraykanka. Waxa uu ahaa sidoo kale ganacsade, daah qaaday, casriyo cusub, waxa uu ahaa shakhsigii allifay qalabka ka qayb qaata koritaanka korontada iyo isgaarsiinta, qalabka duubidda cododka, iyo sawirrada. Waxa uu ahaa nin allifay nalka maanta aynu isticmaalayno. Sidoo kale waxa uu dunida dhaxal ahaan uga tagay shaybaarro badan oo muhim u noqday caalamkan!.
Kommentare