WAX KA BARO WAX AANAD KA OGAYN DALKA Indonesia!

Indonesia waxa ay kamid tahay dalalka ugu saamaynta badan dunida oo ugu awoodda badan. Waxaana u sabab ah dhaqalaheeda aadka u xoogan iyo tirada dadkeeda oo aad u badan. Waa dal jasiiradeedka ugu baaxadda weyn dunida ahna dalka 14aad ee caalamka ugu baaxadda weyn. Sidoo kale waa dalka afaraad ee ugu dadka badan dunida ahna kan saddexaad ee ugu dadka badan Eeshiya. 

Tirada dadka ku nool waxa lagu qiyaasaa 270Milyan oo qof waa dal aad u dad badan oo uu korayo tirada dadkiisu. Marka laga yimaado inuu yahay dalka 4aad ee caalamka ugu dadka badan, sidoo kale waa dalka ay ku nool yihiin muslimiinta ugu badan dunida. 225milyan oo muslimiin ah ayaa ku nool dalkaas. 

Waa dal kala duwanaanshaha isirka, afka, diinta iyo dhaqanka uu aad ugu badan yahay. Waxa la tilmaama qowmiyadaha Indonesia ku nool inay tiro ahaan ka badan yihiin 600 oo qowmiyadood. Loogana hadlo in ka badan 700 oo luuqadood. Balse dalku leeyahay hal luuqad oo nidaamka dalku ku shaqeeyo oo ah luuqadda Indonesia oo ay isku fahmaan dadyowgan kala afka duwan. In ka badan 200milyan oo bulshada dalkaas ah ayaa ku hadla luuqadda dalka. 

633qowmiyadood oo Indonesia ku nool waxay ka dhigaysaa mid kamida dalalka leh kala duwanaanshaha isir ee ugu badan caalamka. 700 luuqadood wax ka badan waa in looga hadlo Indoneisa 10% luuqadaha dunida. Qowmiyadda Javanese-ka ayaa ah qowmiyadda ugu dadka badan guud ahan Indonesia oo ka ah dalka 41% oo dhan 100milyan oo qof. Waxa ayna dagaan Jasiiradda Java oo ay ku nool yihiin in ka badan kala bar dadka reer Indonesia oo dhan 151milyan waana jasiirad baaxad ahaan ka yar gobollada Bari iyo Sanaag, ahna jasiiradda ugu dadka badan dunida.

Waa dalka ugu dhaqaalaha badan wadamada muslimiintu ku badan yihin, ahna kan 14aad ee caalamka ugu dhaqaalaha xoogan. Waana dalka 5aad guud ahaan Eeshiya ahna kan koobaad guud ahaan koonfur bari Eeshiya. Waa xubin kamida kooxda 20-ka ah ee wsrshadaha ku horumartay iyo waxsoosaarka (G-20). 

Dalkaas 633qowmiydood ku nooshahay, 700 oo luuqadood ka badanna looga hadlo, dhowrka diimood laga haysto oo 5-ta caalamka ugu waawayn ay kamid yihiin waxa ka dhaxeeya hal sharci, hal luuqad, hal dastuur iyo hal calan iyo hal nidaam waaa dalka 3aad ee dimuquraadi ah ee caalamka ugu dadka badan kadib India iyo Maraykanka.

Sawirku waa Jakarta caasimadda iyo magaalada ugu weyn dalkaas. Jakarata iyo nawaaxigeeda oo ah dadka usoo shaqo doonta waxa ku nool dad lagu qiyaaso 35milyan taaso ka dhigaysa magaalada labaad ee ugu dadka badan dunida kadib Tokyo. Waa xarunta ganacsiga, aqoonta, hal-abuurka, dhaqaalaha, maamulka iyo dhaqanka Indonesia iyo guud ahaan koonfur-bari Eeshiya.

Waxa ay magaaladaas oo qura ka dhaqaale badan tahay isku darka dhaqaalaha Kenya, Ethiopia iyo Uganda. Indonesia waxa ay noqotay mid kamida dalalkii ka dhaqaale batay dalalkii gunaystay. Netherlands oo gumaysatay maanta dhaqaale ahaan iyo wax soosaar ahaanba iyadaa ka xoogan.

Kommentare

Beliebte Posts aus diesem Blog

WAX KA BARO AFRIKA

MAXAAD KA OGTAHAY SHIRKADA AIRBUS

macaamiisha Lama xumeeyo