waxnka baro maskaxda ibnu aadamka

Haddii maskaxda aadamuhu ay Kombiyuutar ahaan lahayd waxa ay fulin kari lahayd 38kun oo tirilyan oo hawlgal halkii ilbirisiba, kombiyuutarka ugu awoodda badan dunida ee loo yaqaan Blue Gene waxa uu maamuli kara 0.002% xogtaas. 

Maskaxda aadamuhu 2% ayay ka tahay jirka banii aadamka. Culayskeedu waa hal kiilo iyo bar. Waxa ay ka kooban tahay 100Bilyan oo dareemayaal ah. Sidoo kale samaysankeeda guud 75% waa biyo. Sannadka koobaad ilmaha maskaxdiisu saddex jeer intii ay ahayd in le'eg ayay kortaa, illaa qofku 18sano kasoo gaaro korriinka way wadaysaa.

Riyooyinka waxa la rumaysan yahay inay yihiin isku dhaf mala-awaal, arrimo jir ahaaneed iyo qodobo neerfayaasha la xiriira, waa astaan muujinaysa in maskaxdaadu ay u shaqaynayso si ka badan marka aad soo jeeddo. waxa ayna ka tarjumaysaa xitaa marka aad huruddo in maskaxdaadu shaqaynayso. Maskaxdu waa xubinta ugu duxda badan jirka aadmaaha, 60% wa dux. 

Maskaxdu marnaba xanuun ma dareento gudaheeda inta la ogyahay sida xubnaha kale u dareemaan xanuunka iyadu uma dareento. Madax xanuunka waa xanuun ay dareemaan murqaha iyo neerfayaasha madaxa ku jira. Taasi waa sababta marka la samaynayo qalliimada maskadda loofuliyo isaga oo qofku soo jeedo. Markasta ood waynaato maskaxdaadu way sii yaraanaysaa. Sidoo kale waxa la xusaa qofku marka uu soo gaaro da'da 20meeyada inuu bilaabo luminta kaydka xusuusihiisa. 

Ogsajiinta iyo dhiigga jirku isticmaalo, 20% waxa qaadata maskaxda. Waa xubinta ugu muhiimsan jirka bani aadamka. Sidoo kale waxa la xusaa in gudaheeda xididdada dhiigga ee dhexmara dhererkooda guud uu gaarayo 100kun oo mayl. Guud ahaan masaafada dhulka ee labada cidhif ee dhulbaraha taga waa 24kun oo mayl, afar jeer ayay xididadaasi ka dheer yihiin dhulka. 

Celcelis ahaan 70kun oo fikradood ayuu qofku sameeyaa maalinkii oo ay maskaxdu soo saarta. Cilmi baarisyadu waxa ay intaas ku darayaan in maskaxda ninku ay 10% ka wayn tahay tan haweenka. Sidoo kale waxa ay muujinayaan in maskaxda dumarku ka dareemayaal badan tahay tan ragga taaso u sahlayasa inay si dhakhso ah shaqada u qabato.

Marka aynu aragno sawirro waxa ay indhahayagu qabtaan sawirrada oo gadisan, durbadiiba maskaxda ayaa toosisa oo sawir caadiya ka dhigta. Qofku marka uu hurdada kasoo kaco maskaxdiisa waxa ay leedahay awood ay dab ku siiso ama ku shiddo laambadda ilayska.

Cuntooyinka badda ayaa ah kuwa ugu wanaagsan ee faaidada u leh maskaxda. Aysiidda iyo duxda ku jirta ayaa maskaxda ka saaciddda inay si wacan u shaqayso xasuuso badanna soo celiso. Halka khamrigu uu yahay cadowga ugu weyn ee maskaxda deeramaaysheda kala fura oo dhaawaca.

Haddii dhiigga maskaxda aada uu hal mar istaago, muddo 10ilbiriqsi kayar ayuu qofku ku miir daboolmayaa. Sidoo kale qofku mara uu dhinto maskaxdiisu muddo 5-6daqiiqo ah ayay sii jiri kartaa!

Kommentare

Beliebte Posts aus diesem Blog

MAXAAD KA OGTAHAY SHIRKADA AIRBUS

DALKA TURKIGA

Waxa uu ahaa wiilyar oo kasoo jeeday qoys beeralay ahaa oo reer miyi ahaa. Waxa uu ahaa mid la dhibaataysan fahmidda casharrada dugsiga. Isaga oo shan jir ah ayuu bilaabay ganacsiga. Aabihii lacag uu hadyad ahaan u siiyay isaga oo yar, ayuu ku aas-aasay shirkad maanta ah tan ugu weyn caalamka ee soosaarta qalabka guryaha, taaso in kabadan 400xarumood caalamka kuleh.IKEA waa shirkad ganacsi oo farsmaysa iibisana agabka guryaha. Waa shirkadda ugu weyn caalamka ee soosaarta agabka guryaha (Furniture). Waxa lagu aas-aasay wadanka Sweden sanaddii 1943-dii. Waxa aas-aasay wiilyar oo 17jir ahaa oo la oran jiray Ingvar Kamprad. Lacagta uu ku sameeyay shirkadda waxa hadyad ahaan u siiyay aabihiis maadaama uu waxbarahada dugsiga hormar ka sameeyay. Ingvar waxa uu qabay xanuunka dyslexia oo ah xanuun haleela caruurta yaryar kaaso ku sababa akhris liidasho casharrada ah iyo fahamdarro. Ingvar gancsigii uu sameeyay waa uu guulaystay. Maanta IKEA waxa ay 433xarumood ku leedahay 52dal oo caalamka ah. Sanaddii 2018-kii IKEA waxa ay iibisay alaab qiimaheedu kor u dhaafayo $45Bilyan. Website-ka IKEA waxa ku jira 12kun oo nooc oo alaab ah. Intii u dhaxaysay September 2015 illaa august 2016 mudadaas sannadka ah weebka IKEA laba bilyan oo qof dad kor u dhaafaya ayaa booqday.IKEA waxa ay isticmaasha alwaaxa ugu badan caalamka maadama ay tahay shirkadda soosaarta agabka ugu badan ee alwaaxa ka samaysan. Sidoo kale cunnooyinka ayay soo saarta. Magaca IKEA waa ereyo la isugu geeyay oo u taagan Ingvar Kamprad oo ahaa ninka aas-aasay iyo Elmtaryd oo ah beeryar oo uu ku dhashay iyo Agunnaryd oo ah tuulo u dhaweyd beerta. Kaaso micnihiisu noqonayo Ingvar Kamprad-kii ka yimid Elmtaryd Agunnard (Ingvar Kamprad from Elmtaryd Agunnaryd)Ingvar waxa uu geeriyooday sannadkii hore bilowgiisii, isaga oo 91jir ah. Majaladda Bloomberg waxa ay sheegtay inuu ahaa shakhsiga 8aad ee caalamka ugu hodansan sannadkaas. Hantidiisu waxa ay dhammayd $58Bilyan. Shirkadda waxa maamula maanta wiilashiisii.Waxa la xusaa Kamprad inuu bilaabay isaga oo shan jir ah ganacsiga, waxa uu alaabta ka iibin jiray xaafadaha isaga oo baaskiil adeegsanaya sida qalimaanta iyo agab kale oo yaryar. Wiilyar oo reer Miyi beero-falato ah ahaa ayaa aabihii lacag yar uu siiyay ku sameeyay shirkad kasoo bilaabay inuu baaskiil alaabta ku geegeeyo maantana ah tan caalamka ugu weyn ee soosaarta agabka guryaha. Dakhliga IKEA waxa uu kor u dhaafaya $44Bilyan. Xarunta ugu weyn shirkaddu waxa ay kutaal Natherlands.Hal-abuurka ganacsigu waa mid horseeda inuu badalo nolosha qof ama bulsho dhan. Wiilkii beerlayda ahaa shirkaddii uu aas-aasay maanta waxa u shaqeeya in ka badan 200kun oo qof kuwaaso qoysas leh kuna tiirsan. Ingvar kaliya noloshiisa ma badalin sidoo kale milaayiin qof ayuu badalay noloshooda Ingvar oraah cajiiba ayuu ka tagay waxa uu yiri "Sunta ugu halista badan waa dareenka guusha ama yool inaad gaartay. Daawada looga hortagi karaa waa fiidwalba ka fikir maxaa berrito la qaban karaa waliba si kafiican hadda."Haddii aad akhrisatay warbixintan la wadaag saaxibadaa #Share-garee sidoo kale #Follow dheh page-ka mahadsanid.