waxnka baro maskaxda ibnu aadamka
Haddii maskaxda aadamuhu ay Kombiyuutar ahaan lahayd waxa ay fulin kari lahayd 38kun oo tirilyan oo hawlgal halkii ilbirisiba, kombiyuutarka ugu awoodda badan dunida ee loo yaqaan Blue Gene waxa uu maamuli kara 0.002% xogtaas.
Maskaxda aadamuhu 2% ayay ka tahay jirka banii aadamka. Culayskeedu waa hal kiilo iyo bar. Waxa ay ka kooban tahay 100Bilyan oo dareemayaal ah. Sidoo kale samaysankeeda guud 75% waa biyo. Sannadka koobaad ilmaha maskaxdiisu saddex jeer intii ay ahayd in le'eg ayay kortaa, illaa qofku 18sano kasoo gaaro korriinka way wadaysaa.
Riyooyinka waxa la rumaysan yahay inay yihiin isku dhaf mala-awaal, arrimo jir ahaaneed iyo qodobo neerfayaasha la xiriira, waa astaan muujinaysa in maskaxdaadu ay u shaqaynayso si ka badan marka aad soo jeeddo. waxa ayna ka tarjumaysaa xitaa marka aad huruddo in maskaxdaadu shaqaynayso. Maskaxdu waa xubinta ugu duxda badan jirka aadmaaha, 60% wa dux.
Maskaxdu marnaba xanuun ma dareento gudaheeda inta la ogyahay sida xubnaha kale u dareemaan xanuunka iyadu uma dareento. Madax xanuunka waa xanuun ay dareemaan murqaha iyo neerfayaasha madaxa ku jira. Taasi waa sababta marka la samaynayo qalliimada maskadda loofuliyo isaga oo qofku soo jeedo. Markasta ood waynaato maskaxdaadu way sii yaraanaysaa. Sidoo kale waxa la xusaa qofku marka uu soo gaaro da'da 20meeyada inuu bilaabo luminta kaydka xusuusihiisa.
Ogsajiinta iyo dhiigga jirku isticmaalo, 20% waxa qaadata maskaxda. Waa xubinta ugu muhiimsan jirka bani aadamka. Sidoo kale waxa la xusaa in gudaheeda xididdada dhiigga ee dhexmara dhererkooda guud uu gaarayo 100kun oo mayl. Guud ahaan masaafada dhulka ee labada cidhif ee dhulbaraha taga waa 24kun oo mayl, afar jeer ayay xididadaasi ka dheer yihiin dhulka.
Celcelis ahaan 70kun oo fikradood ayuu qofku sameeyaa maalinkii oo ay maskaxdu soo saarta. Cilmi baarisyadu waxa ay intaas ku darayaan in maskaxda ninku ay 10% ka wayn tahay tan haweenka. Sidoo kale waxa ay muujinayaan in maskaxda dumarku ka dareemayaal badan tahay tan ragga taaso u sahlayasa inay si dhakhso ah shaqada u qabato.
Marka aynu aragno sawirro waxa ay indhahayagu qabtaan sawirrada oo gadisan, durbadiiba maskaxda ayaa toosisa oo sawir caadiya ka dhigta. Qofku marka uu hurdada kasoo kaco maskaxdiisa waxa ay leedahay awood ay dab ku siiso ama ku shiddo laambadda ilayska.
Cuntooyinka badda ayaa ah kuwa ugu wanaagsan ee faaidada u leh maskaxda. Aysiidda iyo duxda ku jirta ayaa maskaxda ka saaciddda inay si wacan u shaqayso xasuuso badanna soo celiso. Halka khamrigu uu yahay cadowga ugu weyn ee maskaxda deeramaaysheda kala fura oo dhaawaca.
Kommentare