Xukunnada qoysaska Carbeed ee wadamada Khaliijka

Xukunnada qoysaska Carbeed ee wadamada Khaliijka.
---------------------------------------------------------------------

Aala Sacuud waa qoyska xukuma Boqortooyada Sucuudiga, kuwaaso samaystay boqortooyadan 1744-tii waxaana sameeyay Mohamed Ibnu Sacuud oo ahaa wiilkii odayga Al-sacuud ee boqortooyada loogu magacdaray. Qoyskani waxay dhisan yihiin 274sano. Kuwaaso ugu dambayntii sameeyay dal la yiraado Sacuudi Carabiya, sanaddii 1932-dii. Reerkani waa kuwo aad u awood badan, saamayn ballaaranna kuleh dunida khaas ahaan mandaqadda bariga dhexe.

Hantidoodu waxa ay kor u dhaafaysaa 1.4Trillion, waa mid kamid qoysaska ugu taajirsan dunida, haddii aysanba ahayn kan koobaad. Waxaana lagu tilmaama boqortooyada ugu hantida badan dunida. Waxa ay ka kooban yihiin illaa 15kun oo qof, balse laba kun oo qof ayaa ah kuwa ugu saamaynta badan oo dalkaas maamula.

Aala Nahyan waa mid kamida lixda qoys ee kataliya lixda Imaaradood ee UAE ay ka kooban tahay. Sidoo kale qoyskani waxa ay dheer yihiin shanta kale in iyagu ay yihiin kuwa sameeyay dalka, kuwaaso leh awoodda ugu sarraysa dalka oo ah madax waynaha. Waxa ayna gaar u leeyihiin Imaaradda Abu Dhabi oo ugu weyn lixda Imaaradood, caasimadduna kutaal.

Qoyskani waxa ay leeyihiin ama maamulaan 92Billion oo kamida 97Billion oo barmiil oo ah kaydka shidaalka imaaraatka. Dakhliga usoo xarooday waxa uu kor u dhaafaya $850Billion. Balse hantida u diiwaan gashan waa $240Billion. 

Aala Thaani waa qoyska xukuma wadanka Qatar oo ah dalka dunida ugu qanisan xagga dakhliga dadka soo gala. Dalkaas leh kaydka labaad ee gaaska ugu badan dunida ayay soo xukumayeen muddo aad u badan illaa iyo soo gaariddii Qatarta cusub, hantidoodu waxa ay kor u dhaafaysaa $200Billion.

Aala Sabah waa qoyska xukuma wadanka Kuweit,dal yar oo u dhaxeeya Sacuudiga, Ciraaq iyo iiraan. Dal leh lacagta ugu qiimaha sarraysa dunida. Dal leh keyd shidaal oo aad u badan. Waxa ay dalkaas gacanta kuhayaan muddo 200sano ka badan. Hantidoodu waxay kor u dhaafaysaa $200Billion.

Aala Saciid waa qayska xukuma dalka Cumaan. Dalka ugu xasiloon wadamada Carbeed, dal dhexdhaxaadka ah hardanka gobolka ka jira, lehna kayd shidaal oo badan. Waxaana suldaan u ah Suldaan u ah Haitham Bin Dariq. Qoyskani waxay sidoo kale xukumi jireen Zanzibaar. Kahor midowgii Tanzania. Reerkan waxa ay hantidoodu dhan tahay illaa $100Billion.

Aala Khaliifa iyana waa qoyska xukuma Jasiiradda Baxrayn. Dalka 3aad ee ugu yar Eeshiya, dal qani ah oo dadkiisu hodan yihiin. Waxay iyana mandaqaddaas xukumayaan illaa iyo in kabadan 250sano. Hantidoodu waxa ay ku dhawdahay $100Billion.

Dhammaan qoysaskani waa kuwo xukuma wadamada dhaca jasiiradda Carabta, marka laga reebo Yemen. Qoysaskani waxa ay hantida badankeed ka tabceen khayraadka dhulalka ay xukumaan sida Saliidda. Waa kuwo aad qani u ah, oo sidoo kale maalgalin ballaaran kuleh wadamada galbeedka taaso kor u dhaafaysa bilaayiin doolar. 

Sawirka: Bidixda Boqor salmaanka Sacuudiga midigtana Sabah Al-Ahmed Al Sabah waa amiirka Kuwayt.

Kommentare

Beliebte Posts aus diesem Blog

WAX KA BARO AFRIKA

MAXAAD KA OGTAHAY SHIRKADA AIRBUS

macaamiisha Lama xumeeyo