Xukunnada qoysaska Carbeed ee wadamada Khaliijka

Xukunnada qoysaska Carbeed ee wadamada Khaliijka.
---------------------------------------------------------------------

Aala Sacuud waa qoyska xukuma Boqortooyada Sucuudiga, kuwaaso samaystay boqortooyadan 1744-tii waxaana sameeyay Mohamed Ibnu Sacuud oo ahaa wiilkii odayga Al-sacuud ee boqortooyada loogu magacdaray. Qoyskani waxay dhisan yihiin 274sano. Kuwaaso ugu dambayntii sameeyay dal la yiraado Sacuudi Carabiya, sanaddii 1932-dii. Reerkani waa kuwo aad u awood badan, saamayn ballaaranna kuleh dunida khaas ahaan mandaqadda bariga dhexe.

Hantidoodu waxa ay kor u dhaafaysaa 1.4Trillion, waa mid kamid qoysaska ugu taajirsan dunida, haddii aysanba ahayn kan koobaad. Waxaana lagu tilmaama boqortooyada ugu hantida badan dunida. Waxa ay ka kooban yihiin illaa 15kun oo qof, balse laba kun oo qof ayaa ah kuwa ugu saamaynta badan oo dalkaas maamula.

Aala Nahyan waa mid kamida lixda qoys ee kataliya lixda Imaaradood ee UAE ay ka kooban tahay. Sidoo kale qoyskani waxa ay dheer yihiin shanta kale in iyagu ay yihiin kuwa sameeyay dalka, kuwaaso leh awoodda ugu sarraysa dalka oo ah madax waynaha. Waxa ayna gaar u leeyihiin Imaaradda Abu Dhabi oo ugu weyn lixda Imaaradood, caasimadduna kutaal.

Qoyskani waxa ay leeyihiin ama maamulaan 92Billion oo kamida 97Billion oo barmiil oo ah kaydka shidaalka imaaraatka. Dakhliga usoo xarooday waxa uu kor u dhaafaya $850Billion. Balse hantida u diiwaan gashan waa $240Billion. 

Aala Thaani waa qoyska xukuma wadanka Qatar oo ah dalka dunida ugu qanisan xagga dakhliga dadka soo gala. Dalkaas leh kaydka labaad ee gaaska ugu badan dunida ayay soo xukumayeen muddo aad u badan illaa iyo soo gaariddii Qatarta cusub, hantidoodu waxa ay kor u dhaafaysaa $200Billion.

Aala Sabah waa qoyska xukuma wadanka Kuweit,dal yar oo u dhaxeeya Sacuudiga, Ciraaq iyo iiraan. Dal leh lacagta ugu qiimaha sarraysa dunida. Dal leh keyd shidaal oo aad u badan. Waxa ay dalkaas gacanta kuhayaan muddo 200sano ka badan. Hantidoodu waxay kor u dhaafaysaa $200Billion.

Aala Saciid waa qayska xukuma dalka Cumaan. Dalka ugu xasiloon wadamada Carbeed, dal dhexdhaxaadka ah hardanka gobolka ka jira, lehna kayd shidaal oo badan. Waxaana suldaan u ah Suldaan u ah Haitham Bin Dariq. Qoyskani waxay sidoo kale xukumi jireen Zanzibaar. Kahor midowgii Tanzania. Reerkan waxa ay hantidoodu dhan tahay illaa $100Billion.

Aala Khaliifa iyana waa qoyska xukuma Jasiiradda Baxrayn. Dalka 3aad ee ugu yar Eeshiya, dal qani ah oo dadkiisu hodan yihiin. Waxay iyana mandaqaddaas xukumayaan illaa iyo in kabadan 250sano. Hantidoodu waxa ay ku dhawdahay $100Billion.

Dhammaan qoysaskani waa kuwo xukuma wadamada dhaca jasiiradda Carabta, marka laga reebo Yemen. Qoysaskani waxa ay hantida badankeed ka tabceen khayraadka dhulalka ay xukumaan sida Saliidda. Waa kuwo aad qani u ah, oo sidoo kale maalgalin ballaaran kuleh wadamada galbeedka taaso kor u dhaafaysa bilaayiin doolar. 

Sawirka: Bidixda Boqor salmaanka Sacuudiga midigtana Sabah Al-Ahmed Al Sabah waa amiirka Kuwayt.

Kommentare

Beliebte Posts aus diesem Blog

MAXAAD KA OGTAHAY SHIRKADA AIRBUS

DALKA TURKIGA

Waxa uu ahaa wiilyar oo kasoo jeeday qoys beeralay ahaa oo reer miyi ahaa. Waxa uu ahaa mid la dhibaataysan fahmidda casharrada dugsiga. Isaga oo shan jir ah ayuu bilaabay ganacsiga. Aabihii lacag uu hadyad ahaan u siiyay isaga oo yar, ayuu ku aas-aasay shirkad maanta ah tan ugu weyn caalamka ee soosaarta qalabka guryaha, taaso in kabadan 400xarumood caalamka kuleh.IKEA waa shirkad ganacsi oo farsmaysa iibisana agabka guryaha. Waa shirkadda ugu weyn caalamka ee soosaarta agabka guryaha (Furniture). Waxa lagu aas-aasay wadanka Sweden sanaddii 1943-dii. Waxa aas-aasay wiilyar oo 17jir ahaa oo la oran jiray Ingvar Kamprad. Lacagta uu ku sameeyay shirkadda waxa hadyad ahaan u siiyay aabihiis maadaama uu waxbarahada dugsiga hormar ka sameeyay. Ingvar waxa uu qabay xanuunka dyslexia oo ah xanuun haleela caruurta yaryar kaaso ku sababa akhris liidasho casharrada ah iyo fahamdarro. Ingvar gancsigii uu sameeyay waa uu guulaystay. Maanta IKEA waxa ay 433xarumood ku leedahay 52dal oo caalamka ah. Sanaddii 2018-kii IKEA waxa ay iibisay alaab qiimaheedu kor u dhaafayo $45Bilyan. Website-ka IKEA waxa ku jira 12kun oo nooc oo alaab ah. Intii u dhaxaysay September 2015 illaa august 2016 mudadaas sannadka ah weebka IKEA laba bilyan oo qof dad kor u dhaafaya ayaa booqday.IKEA waxa ay isticmaasha alwaaxa ugu badan caalamka maadama ay tahay shirkadda soosaarta agabka ugu badan ee alwaaxa ka samaysan. Sidoo kale cunnooyinka ayay soo saarta. Magaca IKEA waa ereyo la isugu geeyay oo u taagan Ingvar Kamprad oo ahaa ninka aas-aasay iyo Elmtaryd oo ah beeryar oo uu ku dhashay iyo Agunnaryd oo ah tuulo u dhaweyd beerta. Kaaso micnihiisu noqonayo Ingvar Kamprad-kii ka yimid Elmtaryd Agunnard (Ingvar Kamprad from Elmtaryd Agunnaryd)Ingvar waxa uu geeriyooday sannadkii hore bilowgiisii, isaga oo 91jir ah. Majaladda Bloomberg waxa ay sheegtay inuu ahaa shakhsiga 8aad ee caalamka ugu hodansan sannadkaas. Hantidiisu waxa ay dhammayd $58Bilyan. Shirkadda waxa maamula maanta wiilashiisii.Waxa la xusaa Kamprad inuu bilaabay isaga oo shan jir ah ganacsiga, waxa uu alaabta ka iibin jiray xaafadaha isaga oo baaskiil adeegsanaya sida qalimaanta iyo agab kale oo yaryar. Wiilyar oo reer Miyi beero-falato ah ahaa ayaa aabihii lacag yar uu siiyay ku sameeyay shirkad kasoo bilaabay inuu baaskiil alaabta ku geegeeyo maantana ah tan caalamka ugu weyn ee soosaarta agabka guryaha. Dakhliga IKEA waxa uu kor u dhaafaya $44Bilyan. Xarunta ugu weyn shirkaddu waxa ay kutaal Natherlands.Hal-abuurka ganacsigu waa mid horseeda inuu badalo nolosha qof ama bulsho dhan. Wiilkii beerlayda ahaa shirkaddii uu aas-aasay maanta waxa u shaqeeya in ka badan 200kun oo qof kuwaaso qoysas leh kuna tiirsan. Ingvar kaliya noloshiisa ma badalin sidoo kale milaayiin qof ayuu badalay noloshooda Ingvar oraah cajiiba ayuu ka tagay waxa uu yiri "Sunta ugu halista badan waa dareenka guusha ama yool inaad gaartay. Daawada looga hortagi karaa waa fiidwalba ka fikir maxaa berrito la qaban karaa waliba si kafiican hadda."Haddii aad akhrisatay warbixintan la wadaag saaxibadaa #Share-garee sidoo kale #Follow dheh page-ka mahadsanid.