YAA AAS AASAY TIKTOK?

Zhang Yiming waa hal-abuure iyo ganacsade Chinese ah, waana aas-aasaha shirkadda Byte Dance ee soo saartay app-ka Tiktok sanaddii 2016-kii, laba sano kadib waxa uu noqday Bilyanneer kadib markii Forbes shaacisay inuu haysto hanti $4Billion ah. Saddex sano kadib maanta waxa uu kamid yahay shakhsiyaadka ugu hodansan Shiinaha waxa uuna haystaa $44Billion lacag kor u dhaafaysa. muddo saddex sano ah ayuu ku sameeyay hanti $44Billion ah. 

Tiktok oo ah mid kamida aaladaha ugu korriinka badan dunida looguna isticmaalka badan yahay ayuu dunida ku soo kordhiyay 2016-kii. Waxa uu shaaciyay bishan inuu ka fariisanayo shaqada oo u bannaynayo xilka, isaga oo ku macneeyay inuu yahay shakhsi aan furfurnayn oo noloshiisu tahay mid daahsoon. Xilka uu ka dagayo kama ay dhigayso inay hantidiisu istaagayso waa mulkiilaha oo isaga oon wax shaqo ah ka hayn ayay bilaayiin doollar sannad walba u kor dhaysaa. 

Ganacsiga Tiknoolajiyaddu waa kan ugu dhaqaalaha badan dunida uguna faaidada badan, ahna kan loogu macaamiisha badan yahay. Zhang waa 38jir aaladaha uu hindisay ay isticmaalaan dad kor u dhaafaya hal Bilyan waliba si joogta ah.

Kommentare

Beliebte Posts aus diesem Blog

MAXAAD KA OGTAHAY SHIRKADA AIRBUS

DALKA TURKIGA

Waxa uu ahaa wiilyar oo kasoo jeeday qoys beeralay ahaa oo reer miyi ahaa. Waxa uu ahaa mid la dhibaataysan fahmidda casharrada dugsiga. Isaga oo shan jir ah ayuu bilaabay ganacsiga. Aabihii lacag uu hadyad ahaan u siiyay isaga oo yar, ayuu ku aas-aasay shirkad maanta ah tan ugu weyn caalamka ee soosaarta qalabka guryaha, taaso in kabadan 400xarumood caalamka kuleh.IKEA waa shirkad ganacsi oo farsmaysa iibisana agabka guryaha. Waa shirkadda ugu weyn caalamka ee soosaarta agabka guryaha (Furniture). Waxa lagu aas-aasay wadanka Sweden sanaddii 1943-dii. Waxa aas-aasay wiilyar oo 17jir ahaa oo la oran jiray Ingvar Kamprad. Lacagta uu ku sameeyay shirkadda waxa hadyad ahaan u siiyay aabihiis maadaama uu waxbarahada dugsiga hormar ka sameeyay. Ingvar waxa uu qabay xanuunka dyslexia oo ah xanuun haleela caruurta yaryar kaaso ku sababa akhris liidasho casharrada ah iyo fahamdarro. Ingvar gancsigii uu sameeyay waa uu guulaystay. Maanta IKEA waxa ay 433xarumood ku leedahay 52dal oo caalamka ah. Sanaddii 2018-kii IKEA waxa ay iibisay alaab qiimaheedu kor u dhaafayo $45Bilyan. Website-ka IKEA waxa ku jira 12kun oo nooc oo alaab ah. Intii u dhaxaysay September 2015 illaa august 2016 mudadaas sannadka ah weebka IKEA laba bilyan oo qof dad kor u dhaafaya ayaa booqday.IKEA waxa ay isticmaasha alwaaxa ugu badan caalamka maadama ay tahay shirkadda soosaarta agabka ugu badan ee alwaaxa ka samaysan. Sidoo kale cunnooyinka ayay soo saarta. Magaca IKEA waa ereyo la isugu geeyay oo u taagan Ingvar Kamprad oo ahaa ninka aas-aasay iyo Elmtaryd oo ah beeryar oo uu ku dhashay iyo Agunnaryd oo ah tuulo u dhaweyd beerta. Kaaso micnihiisu noqonayo Ingvar Kamprad-kii ka yimid Elmtaryd Agunnard (Ingvar Kamprad from Elmtaryd Agunnaryd)Ingvar waxa uu geeriyooday sannadkii hore bilowgiisii, isaga oo 91jir ah. Majaladda Bloomberg waxa ay sheegtay inuu ahaa shakhsiga 8aad ee caalamka ugu hodansan sannadkaas. Hantidiisu waxa ay dhammayd $58Bilyan. Shirkadda waxa maamula maanta wiilashiisii.Waxa la xusaa Kamprad inuu bilaabay isaga oo shan jir ah ganacsiga, waxa uu alaabta ka iibin jiray xaafadaha isaga oo baaskiil adeegsanaya sida qalimaanta iyo agab kale oo yaryar. Wiilyar oo reer Miyi beero-falato ah ahaa ayaa aabihii lacag yar uu siiyay ku sameeyay shirkad kasoo bilaabay inuu baaskiil alaabta ku geegeeyo maantana ah tan caalamka ugu weyn ee soosaarta agabka guryaha. Dakhliga IKEA waxa uu kor u dhaafaya $44Bilyan. Xarunta ugu weyn shirkaddu waxa ay kutaal Natherlands.Hal-abuurka ganacsigu waa mid horseeda inuu badalo nolosha qof ama bulsho dhan. Wiilkii beerlayda ahaa shirkaddii uu aas-aasay maanta waxa u shaqeeya in ka badan 200kun oo qof kuwaaso qoysas leh kuna tiirsan. Ingvar kaliya noloshiisa ma badalin sidoo kale milaayiin qof ayuu badalay noloshooda Ingvar oraah cajiiba ayuu ka tagay waxa uu yiri "Sunta ugu halista badan waa dareenka guusha ama yool inaad gaartay. Daawada looga hortagi karaa waa fiidwalba ka fikir maxaa berrito la qaban karaa waliba si kafiican hadda."Haddii aad akhrisatay warbixintan la wadaag saaxibadaa #Share-garee sidoo kale #Follow dheh page-ka mahadsanid.