YAA AAS AASAY TIKTOK?

Zhang Yiming waa hal-abuure iyo ganacsade Chinese ah, waana aas-aasaha shirkadda Byte Dance ee soo saartay app-ka Tiktok sanaddii 2016-kii, laba sano kadib waxa uu noqday Bilyanneer kadib markii Forbes shaacisay inuu haysto hanti $4Billion ah. Saddex sano kadib maanta waxa uu kamid yahay shakhsiyaadka ugu hodansan Shiinaha waxa uuna haystaa $44Billion lacag kor u dhaafaysa. muddo saddex sano ah ayuu ku sameeyay hanti $44Billion ah. 

Tiktok oo ah mid kamida aaladaha ugu korriinka badan dunida looguna isticmaalka badan yahay ayuu dunida ku soo kordhiyay 2016-kii. Waxa uu shaaciyay bishan inuu ka fariisanayo shaqada oo u bannaynayo xilka, isaga oo ku macneeyay inuu yahay shakhsi aan furfurnayn oo noloshiisu tahay mid daahsoon. Xilka uu ka dagayo kama ay dhigayso inay hantidiisu istaagayso waa mulkiilaha oo isaga oon wax shaqo ah ka hayn ayay bilaayiin doollar sannad walba u kor dhaysaa. 

Ganacsiga Tiknoolajiyaddu waa kan ugu dhaqaalaha badan dunida uguna faaidada badan, ahna kan loogu macaamiisha badan yahay. Zhang waa 38jir aaladaha uu hindisay ay isticmaalaan dad kor u dhaafaya hal Bilyan waliba si joogta ah.

Kommentare

Beliebte Posts aus diesem Blog

WAX KA BARO AFRIKA

MAXAAD KA OGTAHAY SHIRKADA AIRBUS

macaamiisha Lama xumeeyo