Zhou qunfei

Haweenaydan waxa lagu magacaabaa Zhou Qunfei waa Chinese, waxa ay ahayd ilmaha u yar saddex caruur ah oo ay dhaleen qoys fuquro ah, aabaheed oo reerka u shaqayn jiray iyada oon dhalan ayuu indhaha beelay qayb faraha kamidana beelay kadib shil ka soo gaaray warshad uu ka shaqaynayay. Hooyadeed iyadoo shan jir ah ayay geeriyootay. Dantu waxa ay ku qasabtay iyada oo ilmo ah inay reerka u shaqayso. 

Waxa ay xoolaha u raaci jidhay dadka xaafadda si lacagta ka soo xaroota ay qoyska ugu kabto. Isla xilligaa ayay waxbarashadana ku jidhay oo waxa ay ahayd qofka kaliya ee qoyskooda ka tirsan ee waxbarshada dugsiga sare gaaray. Se nasiib darro markii ay 16jir ahayd ayay isaga hartay waxbarashadii maadaama xaaladdu adkaatay. Waxa ay soo aadday magaalada Shenzen si ay uga shaqayso. 

Magaaladaas oo adeerkeed daganaa ayay warshad kutaal ka shaqayn jirtay, kadib muddo sanado ah, waxa ay aruursatay xoogaa lacag ah iyadoo shirkad u gaar ah samaysatay. Waxa ay samaysay dhowr iskuday oo ganacsi oo illaa 11 shirkadood ayay samaysay oo ay ku guulaysan wayday. 2003-dii ayay aas-aastay shirkad ay ula baxday Lens Technology, waxa ay soo saartaa saacdaha dhaladooda iyo muraayadaha. 

Shirkaddeedii ayaa ballaaratay oo noqotay mid samaysa dhalada moobillada, tan saacadaha iyo agab kale. Shirkaddeedu waxa ay u samaysaa dhalada (screens) moobillada shirkadaha Apple, Samsung iyo Huawei. Waa saddexda shirkadood ee caalamka ugu waaweyn ee moobillada soosaara. Sidoo kale saacadaha ay shirkadahaas soo saaraan ayay dhaladooda samaysaa. Adigan qoraalka akhrisanaya waxa macquula moobilkaaga in dhaladiisa ay iyadu soosaartay. 

Maanta Zhou waa haweenayda ugu hodansan guud ahaan Shiinaha. Sidoo kale waa haweenayda ugu hodansan dunida ee iyadu hantideeda tabcatay (World's richest self-made woman). Sidoo kale waa haweenyada ugu hodansan dunida haweenkaTiknoolajiyadda ka ganacsada. Waxa ay haysataa hanti kor u dhaafayss $15Bilyan. 

Maanta gabadha hantidaas haysata waxa ay ku dhalatay faqiirnimo, noloshu intaas ugama harine hooyadeed ayay caruurnimo ku weyday, sidoo kale aabaheed ayaa iyada oon dhalan curyaamay. Waxbarshadeedii ayay kaga hartay si ay nafteeda iyo nafta walaalaheed u quudiso. Xoolo raacnimo illaa Bilyanneernimo nolol u dhaxaysa ayay soo martay. Waa hooyo laba caruur ah haysata oo 51jir ah maanta.

Kommentare

Beliebte Posts aus diesem Blog

MAXAAD KA OGTAHAY SHIRKADA AIRBUS

DALKA TURKIGA

Waxa uu ahaa wiilyar oo kasoo jeeday qoys beeralay ahaa oo reer miyi ahaa. Waxa uu ahaa mid la dhibaataysan fahmidda casharrada dugsiga. Isaga oo shan jir ah ayuu bilaabay ganacsiga. Aabihii lacag uu hadyad ahaan u siiyay isaga oo yar, ayuu ku aas-aasay shirkad maanta ah tan ugu weyn caalamka ee soosaarta qalabka guryaha, taaso in kabadan 400xarumood caalamka kuleh.IKEA waa shirkad ganacsi oo farsmaysa iibisana agabka guryaha. Waa shirkadda ugu weyn caalamka ee soosaarta agabka guryaha (Furniture). Waxa lagu aas-aasay wadanka Sweden sanaddii 1943-dii. Waxa aas-aasay wiilyar oo 17jir ahaa oo la oran jiray Ingvar Kamprad. Lacagta uu ku sameeyay shirkadda waxa hadyad ahaan u siiyay aabihiis maadaama uu waxbarahada dugsiga hormar ka sameeyay. Ingvar waxa uu qabay xanuunka dyslexia oo ah xanuun haleela caruurta yaryar kaaso ku sababa akhris liidasho casharrada ah iyo fahamdarro. Ingvar gancsigii uu sameeyay waa uu guulaystay. Maanta IKEA waxa ay 433xarumood ku leedahay 52dal oo caalamka ah. Sanaddii 2018-kii IKEA waxa ay iibisay alaab qiimaheedu kor u dhaafayo $45Bilyan. Website-ka IKEA waxa ku jira 12kun oo nooc oo alaab ah. Intii u dhaxaysay September 2015 illaa august 2016 mudadaas sannadka ah weebka IKEA laba bilyan oo qof dad kor u dhaafaya ayaa booqday.IKEA waxa ay isticmaasha alwaaxa ugu badan caalamka maadama ay tahay shirkadda soosaarta agabka ugu badan ee alwaaxa ka samaysan. Sidoo kale cunnooyinka ayay soo saarta. Magaca IKEA waa ereyo la isugu geeyay oo u taagan Ingvar Kamprad oo ahaa ninka aas-aasay iyo Elmtaryd oo ah beeryar oo uu ku dhashay iyo Agunnaryd oo ah tuulo u dhaweyd beerta. Kaaso micnihiisu noqonayo Ingvar Kamprad-kii ka yimid Elmtaryd Agunnard (Ingvar Kamprad from Elmtaryd Agunnaryd)Ingvar waxa uu geeriyooday sannadkii hore bilowgiisii, isaga oo 91jir ah. Majaladda Bloomberg waxa ay sheegtay inuu ahaa shakhsiga 8aad ee caalamka ugu hodansan sannadkaas. Hantidiisu waxa ay dhammayd $58Bilyan. Shirkadda waxa maamula maanta wiilashiisii.Waxa la xusaa Kamprad inuu bilaabay isaga oo shan jir ah ganacsiga, waxa uu alaabta ka iibin jiray xaafadaha isaga oo baaskiil adeegsanaya sida qalimaanta iyo agab kale oo yaryar. Wiilyar oo reer Miyi beero-falato ah ahaa ayaa aabihii lacag yar uu siiyay ku sameeyay shirkad kasoo bilaabay inuu baaskiil alaabta ku geegeeyo maantana ah tan caalamka ugu weyn ee soosaarta agabka guryaha. Dakhliga IKEA waxa uu kor u dhaafaya $44Bilyan. Xarunta ugu weyn shirkaddu waxa ay kutaal Natherlands.Hal-abuurka ganacsigu waa mid horseeda inuu badalo nolosha qof ama bulsho dhan. Wiilkii beerlayda ahaa shirkaddii uu aas-aasay maanta waxa u shaqeeya in ka badan 200kun oo qof kuwaaso qoysas leh kuna tiirsan. Ingvar kaliya noloshiisa ma badalin sidoo kale milaayiin qof ayuu badalay noloshooda Ingvar oraah cajiiba ayuu ka tagay waxa uu yiri "Sunta ugu halista badan waa dareenka guusha ama yool inaad gaartay. Daawada looga hortagi karaa waa fiidwalba ka fikir maxaa berrito la qaban karaa waliba si kafiican hadda."Haddii aad akhrisatay warbixintan la wadaag saaxibadaa #Share-garee sidoo kale #Follow dheh page-ka mahadsanid.