Zhou qunfei

Haweenaydan waxa lagu magacaabaa Zhou Qunfei waa Chinese, waxa ay ahayd ilmaha u yar saddex caruur ah oo ay dhaleen qoys fuquro ah, aabaheed oo reerka u shaqayn jiray iyada oon dhalan ayuu indhaha beelay qayb faraha kamidana beelay kadib shil ka soo gaaray warshad uu ka shaqaynayay. Hooyadeed iyadoo shan jir ah ayay geeriyootay. Dantu waxa ay ku qasabtay iyada oo ilmo ah inay reerka u shaqayso. 

Waxa ay xoolaha u raaci jidhay dadka xaafadda si lacagta ka soo xaroota ay qoyska ugu kabto. Isla xilligaa ayay waxbarashadana ku jidhay oo waxa ay ahayd qofka kaliya ee qoyskooda ka tirsan ee waxbarshada dugsiga sare gaaray. Se nasiib darro markii ay 16jir ahayd ayay isaga hartay waxbarashadii maadaama xaaladdu adkaatay. Waxa ay soo aadday magaalada Shenzen si ay uga shaqayso. 

Magaaladaas oo adeerkeed daganaa ayay warshad kutaal ka shaqayn jirtay, kadib muddo sanado ah, waxa ay aruursatay xoogaa lacag ah iyadoo shirkad u gaar ah samaysatay. Waxa ay samaysay dhowr iskuday oo ganacsi oo illaa 11 shirkadood ayay samaysay oo ay ku guulaysan wayday. 2003-dii ayay aas-aastay shirkad ay ula baxday Lens Technology, waxa ay soo saartaa saacdaha dhaladooda iyo muraayadaha. 

Shirkaddeedii ayaa ballaaratay oo noqotay mid samaysa dhalada moobillada, tan saacadaha iyo agab kale. Shirkaddeedu waxa ay u samaysaa dhalada (screens) moobillada shirkadaha Apple, Samsung iyo Huawei. Waa saddexda shirkadood ee caalamka ugu waaweyn ee moobillada soosaara. Sidoo kale saacadaha ay shirkadahaas soo saaraan ayay dhaladooda samaysaa. Adigan qoraalka akhrisanaya waxa macquula moobilkaaga in dhaladiisa ay iyadu soosaartay. 

Maanta Zhou waa haweenayda ugu hodansan guud ahaan Shiinaha. Sidoo kale waa haweenayda ugu hodansan dunida ee iyadu hantideeda tabcatay (World's richest self-made woman). Sidoo kale waa haweenyada ugu hodansan dunida haweenkaTiknoolajiyadda ka ganacsada. Waxa ay haysataa hanti kor u dhaafayss $15Bilyan. 

Maanta gabadha hantidaas haysata waxa ay ku dhalatay faqiirnimo, noloshu intaas ugama harine hooyadeed ayay caruurnimo ku weyday, sidoo kale aabaheed ayaa iyada oon dhalan curyaamay. Waxbarshadeedii ayay kaga hartay si ay nafteeda iyo nafta walaalaheed u quudiso. Xoolo raacnimo illaa Bilyanneernimo nolol u dhaxaysa ayay soo martay. Waa hooyo laba caruur ah haysata oo 51jir ah maanta.

Kommentare

Beliebte Posts aus diesem Blog

WAX KA BARO AFRIKA

MAXAAD KA OGTAHAY SHIRKADA AIRBUS

macaamiisha Lama xumeeyo