BOQORTOOYADA SUCUUDIGA

Boqortooyada Sacuudigu waa dal dhaca galbeedka Eeshiya ama mandaqadda bariga dhexe ama jasiirad-lamoodka carabta. Waxa uu ku fadhiyaa masaafo 2.1Milyan oo km ah, ku dhawaad afar jeer ayuu ka weyn yahay Sooomaaliya. Waa dalka labaad ee ugu baaxadda weyn wadamada Carbeed, sidoo kale waa dalka ugu weyn galbeedka Eeshiya ama bariga dhexe. Waana dalka 5aad ee Eeshiya ugu weyn ahna kan 12aad ee dunida ugu baaxadda weyn. 

Wadanku waxa uu xuduud la wadaaga sideed dal oo carbeed oo kala ah Yemen, Cumaan, Imaaraatka, Qatar, Baxrayn, Kuwayt, Ciraaq iyo Urdun. Waa dalka qura ee ay maraan labada badood ee kala ah Badda cas iyo badda biyaha gacanka Beershiya. Ku dhawaad 34Milyan oo qof baa ku nool wadankaas, 38% kuna dhow illaa 13Milyan oo qof waa ajaanib dalka ka shaqayeeya. 

Boqortooyada Sacuudiga waxa la aas-aasay 88sano kahor, waxaana sameeyay Abdul-Casiis ama Ibnu Sacuud oo ahaa aabaha boqorka maanta maamula dalkaas. Waa dal dhaca mandaqad muhim ah, badankiisna saxare ah balse hodan ah. Lix sano kadib xilligaas ayaa laga helay shidaalka. Maanta Sacuudigu waa dalka labaad ee ugu shidaal soo saarista badan caalamka, waana dalka koobaad ee ugu shidaal dhoofinta badan dunida. 

Sidoo kale Sacuudigu waa dalka labaad ee leh kaydka shidaal ee ugu ballaaran caalamka. Waana kan 5aad ee leh kaydka gaaska ugu ballaaran caalamka. Waxa loo tixgaliyaa in Sacuudigu yahay awood hogaaminaysa tamarta dunida. Kaydka khayraad ee dalkaas ceegaaga waxa lagu qiimeeya lacag dhan $34Trillion. Waa dalka  3aad ee leh kayd hantiyeedka khayraad ee ugu ballaaran caalamka. 

Dhaqaalaha Sacuudigu waa kan 18aad ee caalamka ugu ballaaran, ahna dalka ugu dhaqaalaha badan galbeedka Eeshiya ama guud ahaan bariga dhexe. $780Billion ayuu gaarayaa GDP-ga dalkaasi. Dakhli sanadeedka soo gala Sacuudiyaanka sannadkii waa $54kun celcelis ahaan. Waa dal kamida wadmada heerka hormarka bulshadoodu aadka u sarreeyo. Sidoo kale dalku waa mid kamida wadamada nidaamka warshada ku hormaray ee G-20-ga.

Shirkadda Shidaal soosaarista u qaabilsan dalkaas ee Saudi Aramco waa shirkadda ugu qiimaha sarraysa caalamka ahna tan soo xaraysa hantida ugu badan sannadkii. Waxa ay maamushaa kayd shidaal oo 277Bilyan oo fuusto kor u dhaafaya. Waana shirkadda ugu shidaal soo saaris badan caalamka. Hantida ay soo xaraysay waxa ay kor u dhaafaysaa hal Trillion. 

Sidoo kale Sacuudigu waa dal dhanka ciidamada kharash aad u badan ku baxsha, kaaso xulufo la ah galbeedka. Waa dalka saddexaad ee kharashka ugu badan ku baxsha ciidamadiisa. Sannad walba $63Billion ayuu ku baxshaa. Sidoo kale waa dalka ugu hub soo iibsashada badan dunida.

Nidaam ahaan waa dal boqortooya ah oo Islaami ah, waxa maamula dalka hal qoys. Sharciga ugu sarreeya boqorka ayuu gacanta ugu jiraa, in kastoo dhaxal sugaha dalkaas oo wiilkiisa ah uu si rasmi ah dalkaas u mamaulo. Sacuudigu waa dal samaayn ballaaran ku leh mandaqadda uu dhaco iyo guud ahaan wadamada Islaamka. Isuna arka hormuudka wadamada Sunniga ah. 

Siyaasadda dibadda ayuu dhaqaale badan ku baxshaa si uu uga muuqdo. Wadamo badan oo Iiraan iyo Turkigu ugu horrreyaan ayay isku hayaan maamulidda bariga dhexe. Sharciyan diin aan Islaamka ahayn inay dadkeedu si rasmi ah macbadyo ugu yeeshaan lama ogola. 85% bulashada dalkaas ee Sacuudiyanka ah waa sunni halka 15% soo haray ay Shiico yihiin. 

Dadka wax qora waxna akhriya ee dalkaas kunool ayaa bulshada ka ah 95% halka cimrigoodu gaaro illaa 77sano celcelis ahaan. Sacuudigu waa dalka ugu weyn dunida wadmaada aan wabiyada lahayn. Dhanka waxbarashada dalkaasi jaamcadaha ugu tayada sarreeya Eeshiyaa ayaa kuyaal oo qayb ka ah 100-ka jaamacadood ee dunida.

Kommentare

Fuaad hat gesagt…
🙏🙏🙏🙏

Beliebte Posts aus diesem Blog

MAXAAD KA OGTAHAY SHIRKADA AIRBUS

DALKA TURKIGA

Waxa uu ahaa wiilyar oo kasoo jeeday qoys beeralay ahaa oo reer miyi ahaa. Waxa uu ahaa mid la dhibaataysan fahmidda casharrada dugsiga. Isaga oo shan jir ah ayuu bilaabay ganacsiga. Aabihii lacag uu hadyad ahaan u siiyay isaga oo yar, ayuu ku aas-aasay shirkad maanta ah tan ugu weyn caalamka ee soosaarta qalabka guryaha, taaso in kabadan 400xarumood caalamka kuleh.IKEA waa shirkad ganacsi oo farsmaysa iibisana agabka guryaha. Waa shirkadda ugu weyn caalamka ee soosaarta agabka guryaha (Furniture). Waxa lagu aas-aasay wadanka Sweden sanaddii 1943-dii. Waxa aas-aasay wiilyar oo 17jir ahaa oo la oran jiray Ingvar Kamprad. Lacagta uu ku sameeyay shirkadda waxa hadyad ahaan u siiyay aabihiis maadaama uu waxbarahada dugsiga hormar ka sameeyay. Ingvar waxa uu qabay xanuunka dyslexia oo ah xanuun haleela caruurta yaryar kaaso ku sababa akhris liidasho casharrada ah iyo fahamdarro. Ingvar gancsigii uu sameeyay waa uu guulaystay. Maanta IKEA waxa ay 433xarumood ku leedahay 52dal oo caalamka ah. Sanaddii 2018-kii IKEA waxa ay iibisay alaab qiimaheedu kor u dhaafayo $45Bilyan. Website-ka IKEA waxa ku jira 12kun oo nooc oo alaab ah. Intii u dhaxaysay September 2015 illaa august 2016 mudadaas sannadka ah weebka IKEA laba bilyan oo qof dad kor u dhaafaya ayaa booqday.IKEA waxa ay isticmaasha alwaaxa ugu badan caalamka maadama ay tahay shirkadda soosaarta agabka ugu badan ee alwaaxa ka samaysan. Sidoo kale cunnooyinka ayay soo saarta. Magaca IKEA waa ereyo la isugu geeyay oo u taagan Ingvar Kamprad oo ahaa ninka aas-aasay iyo Elmtaryd oo ah beeryar oo uu ku dhashay iyo Agunnaryd oo ah tuulo u dhaweyd beerta. Kaaso micnihiisu noqonayo Ingvar Kamprad-kii ka yimid Elmtaryd Agunnard (Ingvar Kamprad from Elmtaryd Agunnaryd)Ingvar waxa uu geeriyooday sannadkii hore bilowgiisii, isaga oo 91jir ah. Majaladda Bloomberg waxa ay sheegtay inuu ahaa shakhsiga 8aad ee caalamka ugu hodansan sannadkaas. Hantidiisu waxa ay dhammayd $58Bilyan. Shirkadda waxa maamula maanta wiilashiisii.Waxa la xusaa Kamprad inuu bilaabay isaga oo shan jir ah ganacsiga, waxa uu alaabta ka iibin jiray xaafadaha isaga oo baaskiil adeegsanaya sida qalimaanta iyo agab kale oo yaryar. Wiilyar oo reer Miyi beero-falato ah ahaa ayaa aabihii lacag yar uu siiyay ku sameeyay shirkad kasoo bilaabay inuu baaskiil alaabta ku geegeeyo maantana ah tan caalamka ugu weyn ee soosaarta agabka guryaha. Dakhliga IKEA waxa uu kor u dhaafaya $44Bilyan. Xarunta ugu weyn shirkaddu waxa ay kutaal Natherlands.Hal-abuurka ganacsigu waa mid horseeda inuu badalo nolosha qof ama bulsho dhan. Wiilkii beerlayda ahaa shirkaddii uu aas-aasay maanta waxa u shaqeeya in ka badan 200kun oo qof kuwaaso qoysas leh kuna tiirsan. Ingvar kaliya noloshiisa ma badalin sidoo kale milaayiin qof ayuu badalay noloshooda Ingvar oraah cajiiba ayuu ka tagay waxa uu yiri "Sunta ugu halista badan waa dareenka guusha ama yool inaad gaartay. Daawada looga hortagi karaa waa fiidwalba ka fikir maxaa berrito la qaban karaa waliba si kafiican hadda."Haddii aad akhrisatay warbixintan la wadaag saaxibadaa #Share-garee sidoo kale #Follow dheh page-ka mahadsanid.