BOQORTOOYADA SUCUUDIGA
Boqortooyada Sacuudigu waa dal dhaca galbeedka Eeshiya ama mandaqadda bariga dhexe ama jasiirad-lamoodka carabta. Waxa uu ku fadhiyaa masaafo 2.1Milyan oo km ah, ku dhawaad afar jeer ayuu ka weyn yahay Sooomaaliya. Waa dalka labaad ee ugu baaxadda weyn wadamada Carbeed, sidoo kale waa dalka ugu weyn galbeedka Eeshiya ama bariga dhexe. Waana dalka 5aad ee Eeshiya ugu weyn ahna kan 12aad ee dunida ugu baaxadda weyn.
Wadanku waxa uu xuduud la wadaaga sideed dal oo carbeed oo kala ah Yemen, Cumaan, Imaaraatka, Qatar, Baxrayn, Kuwayt, Ciraaq iyo Urdun. Waa dalka qura ee ay maraan labada badood ee kala ah Badda cas iyo badda biyaha gacanka Beershiya. Ku dhawaad 34Milyan oo qof baa ku nool wadankaas, 38% kuna dhow illaa 13Milyan oo qof waa ajaanib dalka ka shaqayeeya.
Boqortooyada Sacuudiga waxa la aas-aasay 88sano kahor, waxaana sameeyay Abdul-Casiis ama Ibnu Sacuud oo ahaa aabaha boqorka maanta maamula dalkaas. Waa dal dhaca mandaqad muhim ah, badankiisna saxare ah balse hodan ah. Lix sano kadib xilligaas ayaa laga helay shidaalka. Maanta Sacuudigu waa dalka labaad ee ugu shidaal soo saarista badan caalamka, waana dalka koobaad ee ugu shidaal dhoofinta badan dunida.
Sidoo kale Sacuudigu waa dalka labaad ee leh kaydka shidaal ee ugu ballaaran caalamka. Waana kan 5aad ee leh kaydka gaaska ugu ballaaran caalamka. Waxa loo tixgaliyaa in Sacuudigu yahay awood hogaaminaysa tamarta dunida. Kaydka khayraad ee dalkaas ceegaaga waxa lagu qiimeeya lacag dhan $34Trillion. Waa dalka 3aad ee leh kayd hantiyeedka khayraad ee ugu ballaaran caalamka.
Dhaqaalaha Sacuudigu waa kan 18aad ee caalamka ugu ballaaran, ahna dalka ugu dhaqaalaha badan galbeedka Eeshiya ama guud ahaan bariga dhexe. $780Billion ayuu gaarayaa GDP-ga dalkaasi. Dakhli sanadeedka soo gala Sacuudiyaanka sannadkii waa $54kun celcelis ahaan. Waa dal kamida wadmada heerka hormarka bulshadoodu aadka u sarreeyo. Sidoo kale dalku waa mid kamida wadamada nidaamka warshada ku hormaray ee G-20-ga.
Shirkadda Shidaal soosaarista u qaabilsan dalkaas ee Saudi Aramco waa shirkadda ugu qiimaha sarraysa caalamka ahna tan soo xaraysa hantida ugu badan sannadkii. Waxa ay maamushaa kayd shidaal oo 277Bilyan oo fuusto kor u dhaafaya. Waana shirkadda ugu shidaal soo saaris badan caalamka. Hantida ay soo xaraysay waxa ay kor u dhaafaysaa hal Trillion.
Sidoo kale Sacuudigu waa dal dhanka ciidamada kharash aad u badan ku baxsha, kaaso xulufo la ah galbeedka. Waa dalka saddexaad ee kharashka ugu badan ku baxsha ciidamadiisa. Sannad walba $63Billion ayuu ku baxshaa. Sidoo kale waa dalka ugu hub soo iibsashada badan dunida.
Nidaam ahaan waa dal boqortooya ah oo Islaami ah, waxa maamula dalka hal qoys. Sharciga ugu sarreeya boqorka ayuu gacanta ugu jiraa, in kastoo dhaxal sugaha dalkaas oo wiilkiisa ah uu si rasmi ah dalkaas u mamaulo. Sacuudigu waa dal samaayn ballaaran ku leh mandaqadda uu dhaco iyo guud ahaan wadamada Islaamka. Isuna arka hormuudka wadamada Sunniga ah.
Siyaasadda dibadda ayuu dhaqaale badan ku baxshaa si uu uga muuqdo. Wadamo badan oo Iiraan iyo Turkigu ugu horrreyaan ayay isku hayaan maamulidda bariga dhexe. Sharciyan diin aan Islaamka ahayn inay dadkeedu si rasmi ah macbadyo ugu yeeshaan lama ogola. 85% bulashada dalkaas ee Sacuudiyanka ah waa sunni halka 15% soo haray ay Shiico yihiin.
Dadka wax qora waxna akhriya ee dalkaas kunool ayaa bulshada ka ah 95% halka cimrigoodu gaaro illaa 77sano celcelis ahaan. Sacuudigu waa dalka ugu weyn dunida wadmaada aan wabiyada lahayn. Dhanka waxbarashada dalkaasi jaamcadaha ugu tayada sarreeya Eeshiyaa ayaa kuyaal oo qayb ka ah 100-ka jaamacadood ee dunida.
Kommentare