DALKA TURKIGA

Hiigsiga Turkiga ee 2023-da (Turkey Vission 2023).

Muddo saddex sano ah ayaa ka xigta Turkiga u dabaal dagidda sannadguuradii 100aad ee kasoo wareegtay aas-aaskii Jamhuuriyadda Turkiga. Markii uu soo idlaaday dagaalkii koobaad ee dunida, xulufadii Britishka ayaa ah kuwii ku adkaaday dagaalka. Xilligaa kooxihii laga adkaaday waxa kamid ahaa dawladdii Cusmaaniyiinta oo dhul baaxad weyn ka talinaysay. 

Waxa uu ahaa waqtigeedii ugu xumaa 600 oo sano ay maamulaysay mandaqad aad u weyn sanadahaas ayaa ay la kulantay caqabado ay xamili wayday, dadkii daganaa dhulalkii ay maamulaysay, xoogaggii reer Yurub iyo boqortooyooyin kale ayaa wiiqiyay awooddoodii. Waxa abuurmay koox uu hormuud u yahay Mustafa Kamal Ataturk oo u dagaallamayay madaxbannaanida Turkida, kadib markii ay wiiqmatay boqoortooyadu. 

Dagaallo badan oo ay la galeen Giriiggii iyo Armiiniyiinta iyo isla boqortooyadii Cusmaniyiinta iyo qaybo kamida dalalkii ay boqortooyadu ka talinaysay ayaa kallifay inay noqdaan kuwo jaangooya arrimaha Turkida. Waxa bilaabmay xilligaa xooggaggii reer Yurub heshiis ay la galaan kooxdii Mustafe. Heshiiskaas ayaa dhaliyay in la aas-aaso Jamhuuriyadda Turkida ee maanta jirta.

Heshiiskii xilligaa la galay waxa kamid ahaa, aas-aasidda Jamhuuriyadda Turkida, in meesha laga saaro ama la tiritiro boqortooyadii Cusmaaniyadda, in dhulkii ay maamulaysay ay gacanta ku dhigaan dalalkii dagaalka ku adkaaday sida Britishka iyo Faransiiska. In ay xornimasiiso Armenia, Bulgaria iyo qaybihii Giriigga. In Jamhuuriyadda Turkigu noqoto dhulka ay maanta maamusha uun. 

Waxa kaloo kamid ahaa heshiiska in boqorkii xilligaa ee Cusmaaaniyiinta dalka laga musaafuriyo isaga iyo qoyskiisa, hantidiisana lala wareego. In marinka Istanbul (Bosphorus Starit) ee badda madow oo shan wadan marka Turkiga laga reebo dhacda ku xira badda Marmara halkaasna uga dara badda madatareeniyaanka uu noqdo marin caalami ah oo maraakiibta dalalkaasi si bilaasha ku maraan. Ogowna marinkaas sannad walba 50kun oo maraakiib ganacsi ah baa ka goosha. Waa kan labaad ee dubida ugu mashquulka badan, Turkigana dhexmara hadana uusan wax kharasha ka qaadan.

Aas-aaskii Jamhuuriyaddu waxa ay bilow u ahayd soo noolaanshiyaha jiritaankii bulsho ee Turkida. Dawlado badan oo isaga dambeeyay kadib Erdogan oo Maayar kasoo noqday Istanbul xisbigii uu aas-aasay ayaa ku adkaaday doorashadii dhacday 2002-dii, xilliyadaa Turkigu dhaqaalo xumo baahsan buu la daalaa dhacayay, isla maalinkaas suuqyada sarrifka ee Turkiga ayaa qiime sare gaaray.

Tan iyo xilligaas oo dhaqaalaha Turkigu ahaa kaliya $234Bilyan Erdogan siyaasaddiisu waxa ay ahayd inuu Turkigu maqaamkii uu mudnaa ku celiyo. Dhowr doorasho ayuu ku guulaystay. Sidoo kale dhowr afti ayuu qabtay uu wax kaga badalay siyaasaddii Turkiga uuna guul ka keenay. 11sano oo uu Raysalwasaare ahaa 2014-kii ayuu noqday madaxweynaha dalka maadaama uu doonayay in awoodda raysalwasaaraha iyo maamulkaba madaxweynaha u wareegto. 

Laba sano kadib xilligaa, Turkiga afganbi dhicisoobay baa ka dhacay. Erdogan dalka waxa uu galiyay xaalad dagdaga. Turkiga inta uusan Afgambiga dhicin waxa uu ku jiray heerkiisii ugu sarreeyay xagga dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, amniga, waxsoosaarka iyo tikjoonlajiyaddaba. 

Sannad kadib ayuu Erdogan ku dhawaaqay afti dastuurka wax looga badalayo oo nidaamka Raysalwasaraha iyo dawladda Baarlamaanka hoostagta meesha looga saaarayo oo dalku noqonayo mid hoostaga xukunka madaxwenaha dawlad ahaan iyo qaran ahaanba. Aftidaas waa u ku guulaystay. Isla sannadkii xigay ayaa la qabtay doorashada dalka oo isla isaga loo doortay. 

Sanaddii 2010-kii ayuu Erdogan ku dhawaaqay hiigsiga 2023-da oo la doonayo in Tukigu ku gaaaro guulo waawayn oo ay kamid yihiin kow kamid ahaanshaha 10ka dal ee dunida ugu dhaqaalaha badan, xilligaa kaalinta 16aad buu ku jiray, manatase dalka 18aad weeye iyo gaarsiinta dhaqaalaha dalka 2Trillion, xilligaa $940Billion ayuu ahaa maantase waa $813Blllion. Waxa kaloo kamid ahaa gaarsiinta dakhli sanadeedka dadka Turkida ah $25kun, maantase waa $9kun (per Nominal).

Hiigsiga waxa kamid ah in alaabta Turkigu dibadda u dhoofsho ay gaarto $500Billion. Maanta waa $180Billion. Waxa kaloo kamida in ganacsiga shisheeyaha ee Tukiga gudihiisa uu gaaro Hal Trillion. Maanta waa $390Bilyan. Waxa kaloo kamida dadka shaqeeya e Turkida in ay gaaraan 30Milyan taas waa lagu guulaystay oo maanta waa 32milyan baa shaqaysa. Sidoo kale in xaddiga shaqo la'aanta in la gaarsiiyo 5% oo maanta ah 11%. 

Hiigsiga waxaa kamida oo kale dhisidda xarumo lagu bacramiyo nukliyeerka, tamarta iyo waxyaabo kale. In caymiska caafimaadka dalku 100% wada gaaro wadanka. In tirada dhakhaatiirta Turkida la kordhiyo oo 100kii kun ee Turki ah ay helaan illaa 210dhakhtar maanta 175dhkhtar weeye. Taaso ka dhigaysa dhakhaatiirta Turkida inay kor u dhaafeen 990kun oo dhakhtar. 

Dhisidda wadooyin tareen oo 22kun oo km ah oo nooca tareennada dheereeya oo cusub. Dhisidda waddo 15kun oo km ah oo highway ah. Kordhinta dakadaha dalka iyo ballaarintooda si dakadaha dalku uga mid noqdaan 10ka dakadood ee ugu waawayn caalamka. In warshadahaa dalku soo saaraan diyaarado rakaab iyo baabuur iyo satallaydyo. 

In dalku noqdo dalka 5aad ee dunida ugu dalxiiska badan, sannad walbana ay booqdaan 50milyan oo dalxiisayaal ah. Dakhli $50Billion ahna ka hela. Maanta waa dalka 6aad dhanka dalxiiska waxa booqda 39milyan sannadkii, waxaana kasoo xarooda $30Billion lacag ah. 

Caqabado dhowr ah ayaa is hor istaagay hiigsigaas waxa kamid ahaa afgambigii dhicisoobay iyo hoos u dhicii lacagtii liirada ee 2018-kii. Taaso kalliftay in hiigsiga qaybtiis uu rajo yareeyo. Balse imika Turkigu wuu kasoo kabtay. Sidoo kale waxaan meesha ka marnayn in Tukigu siyaasadda dibadda saamayn ballaaran ku yeeshay. Waxaan kala caddayn in heshiisyadii la galay 100sano kahor uu Tukigu masixi doono 100sano guuradiisa iyo in kale.

Qalinkii: Mahamud Dahir

Kommentare

Fuaad hat gesagt…
Hore u soco
Fuaad hat gesagt…
Maasha Allah

Beliebte Posts aus diesem Blog

MAXAAD KA OGTAHAY SHIRKADA AIRBUS

Waxa uu ahaa wiilyar oo kasoo jeeday qoys beeralay ahaa oo reer miyi ahaa. Waxa uu ahaa mid la dhibaataysan fahmidda casharrada dugsiga. Isaga oo shan jir ah ayuu bilaabay ganacsiga. Aabihii lacag uu hadyad ahaan u siiyay isaga oo yar, ayuu ku aas-aasay shirkad maanta ah tan ugu weyn caalamka ee soosaarta qalabka guryaha, taaso in kabadan 400xarumood caalamka kuleh.IKEA waa shirkad ganacsi oo farsmaysa iibisana agabka guryaha. Waa shirkadda ugu weyn caalamka ee soosaarta agabka guryaha (Furniture). Waxa lagu aas-aasay wadanka Sweden sanaddii 1943-dii. Waxa aas-aasay wiilyar oo 17jir ahaa oo la oran jiray Ingvar Kamprad. Lacagta uu ku sameeyay shirkadda waxa hadyad ahaan u siiyay aabihiis maadaama uu waxbarahada dugsiga hormar ka sameeyay. Ingvar waxa uu qabay xanuunka dyslexia oo ah xanuun haleela caruurta yaryar kaaso ku sababa akhris liidasho casharrada ah iyo fahamdarro. Ingvar gancsigii uu sameeyay waa uu guulaystay. Maanta IKEA waxa ay 433xarumood ku leedahay 52dal oo caalamka ah. Sanaddii 2018-kii IKEA waxa ay iibisay alaab qiimaheedu kor u dhaafayo $45Bilyan. Website-ka IKEA waxa ku jira 12kun oo nooc oo alaab ah. Intii u dhaxaysay September 2015 illaa august 2016 mudadaas sannadka ah weebka IKEA laba bilyan oo qof dad kor u dhaafaya ayaa booqday.IKEA waxa ay isticmaasha alwaaxa ugu badan caalamka maadama ay tahay shirkadda soosaarta agabka ugu badan ee alwaaxa ka samaysan. Sidoo kale cunnooyinka ayay soo saarta. Magaca IKEA waa ereyo la isugu geeyay oo u taagan Ingvar Kamprad oo ahaa ninka aas-aasay iyo Elmtaryd oo ah beeryar oo uu ku dhashay iyo Agunnaryd oo ah tuulo u dhaweyd beerta. Kaaso micnihiisu noqonayo Ingvar Kamprad-kii ka yimid Elmtaryd Agunnard (Ingvar Kamprad from Elmtaryd Agunnaryd)Ingvar waxa uu geeriyooday sannadkii hore bilowgiisii, isaga oo 91jir ah. Majaladda Bloomberg waxa ay sheegtay inuu ahaa shakhsiga 8aad ee caalamka ugu hodansan sannadkaas. Hantidiisu waxa ay dhammayd $58Bilyan. Shirkadda waxa maamula maanta wiilashiisii.Waxa la xusaa Kamprad inuu bilaabay isaga oo shan jir ah ganacsiga, waxa uu alaabta ka iibin jiray xaafadaha isaga oo baaskiil adeegsanaya sida qalimaanta iyo agab kale oo yaryar. Wiilyar oo reer Miyi beero-falato ah ahaa ayaa aabihii lacag yar uu siiyay ku sameeyay shirkad kasoo bilaabay inuu baaskiil alaabta ku geegeeyo maantana ah tan caalamka ugu weyn ee soosaarta agabka guryaha. Dakhliga IKEA waxa uu kor u dhaafaya $44Bilyan. Xarunta ugu weyn shirkaddu waxa ay kutaal Natherlands.Hal-abuurka ganacsigu waa mid horseeda inuu badalo nolosha qof ama bulsho dhan. Wiilkii beerlayda ahaa shirkaddii uu aas-aasay maanta waxa u shaqeeya in ka badan 200kun oo qof kuwaaso qoysas leh kuna tiirsan. Ingvar kaliya noloshiisa ma badalin sidoo kale milaayiin qof ayuu badalay noloshooda Ingvar oraah cajiiba ayuu ka tagay waxa uu yiri "Sunta ugu halista badan waa dareenka guusha ama yool inaad gaartay. Daawada looga hortagi karaa waa fiidwalba ka fikir maxaa berrito la qaban karaa waliba si kafiican hadda."Haddii aad akhrisatay warbixintan la wadaag saaxibadaa #Share-garee sidoo kale #Follow dheh page-ka mahadsanid.