DALKA TURKIGA
Hiigsiga Turkiga ee 2023-da (Turkey Vission 2023).
Muddo saddex sano ah ayaa ka xigta Turkiga u dabaal dagidda sannadguuradii 100aad ee kasoo wareegtay aas-aaskii Jamhuuriyadda Turkiga. Markii uu soo idlaaday dagaalkii koobaad ee dunida, xulufadii Britishka ayaa ah kuwii ku adkaaday dagaalka. Xilligaa kooxihii laga adkaaday waxa kamid ahaa dawladdii Cusmaaniyiinta oo dhul baaxad weyn ka talinaysay.
Waxa uu ahaa waqtigeedii ugu xumaa 600 oo sano ay maamulaysay mandaqad aad u weyn sanadahaas ayaa ay la kulantay caqabado ay xamili wayday, dadkii daganaa dhulalkii ay maamulaysay, xoogaggii reer Yurub iyo boqortooyooyin kale ayaa wiiqiyay awooddoodii. Waxa abuurmay koox uu hormuud u yahay Mustafa Kamal Ataturk oo u dagaallamayay madaxbannaanida Turkida, kadib markii ay wiiqmatay boqoortooyadu.
Dagaallo badan oo ay la galeen Giriiggii iyo Armiiniyiinta iyo isla boqortooyadii Cusmaniyiinta iyo qaybo kamida dalalkii ay boqortooyadu ka talinaysay ayaa kallifay inay noqdaan kuwo jaangooya arrimaha Turkida. Waxa bilaabmay xilligaa xooggaggii reer Yurub heshiis ay la galaan kooxdii Mustafe. Heshiiskaas ayaa dhaliyay in la aas-aaso Jamhuuriyadda Turkida ee maanta jirta.
Heshiiskii xilligaa la galay waxa kamid ahaa, aas-aasidda Jamhuuriyadda Turkida, in meesha laga saaro ama la tiritiro boqortooyadii Cusmaaniyadda, in dhulkii ay maamulaysay ay gacanta ku dhigaan dalalkii dagaalka ku adkaaday sida Britishka iyo Faransiiska. In ay xornimasiiso Armenia, Bulgaria iyo qaybihii Giriigga. In Jamhuuriyadda Turkigu noqoto dhulka ay maanta maamusha uun.
Waxa kaloo kamid ahaa heshiiska in boqorkii xilligaa ee Cusmaaaniyiinta dalka laga musaafuriyo isaga iyo qoyskiisa, hantidiisana lala wareego. In marinka Istanbul (Bosphorus Starit) ee badda madow oo shan wadan marka Turkiga laga reebo dhacda ku xira badda Marmara halkaasna uga dara badda madatareeniyaanka uu noqdo marin caalami ah oo maraakiibta dalalkaasi si bilaasha ku maraan. Ogowna marinkaas sannad walba 50kun oo maraakiib ganacsi ah baa ka goosha. Waa kan labaad ee dubida ugu mashquulka badan, Turkigana dhexmara hadana uusan wax kharasha ka qaadan.
Aas-aaskii Jamhuuriyaddu waxa ay bilow u ahayd soo noolaanshiyaha jiritaankii bulsho ee Turkida. Dawlado badan oo isaga dambeeyay kadib Erdogan oo Maayar kasoo noqday Istanbul xisbigii uu aas-aasay ayaa ku adkaaday doorashadii dhacday 2002-dii, xilliyadaa Turkigu dhaqaalo xumo baahsan buu la daalaa dhacayay, isla maalinkaas suuqyada sarrifka ee Turkiga ayaa qiime sare gaaray.
Tan iyo xilligaas oo dhaqaalaha Turkigu ahaa kaliya $234Bilyan Erdogan siyaasaddiisu waxa ay ahayd inuu Turkigu maqaamkii uu mudnaa ku celiyo. Dhowr doorasho ayuu ku guulaystay. Sidoo kale dhowr afti ayuu qabtay uu wax kaga badalay siyaasaddii Turkiga uuna guul ka keenay. 11sano oo uu Raysalwasaare ahaa 2014-kii ayuu noqday madaxweynaha dalka maadaama uu doonayay in awoodda raysalwasaaraha iyo maamulkaba madaxweynaha u wareegto.
Laba sano kadib xilligaa, Turkiga afganbi dhicisoobay baa ka dhacay. Erdogan dalka waxa uu galiyay xaalad dagdaga. Turkiga inta uusan Afgambiga dhicin waxa uu ku jiray heerkiisii ugu sarreeyay xagga dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, amniga, waxsoosaarka iyo tikjoonlajiyaddaba.
Sannad kadib ayuu Erdogan ku dhawaaqay afti dastuurka wax looga badalayo oo nidaamka Raysalwasaraha iyo dawladda Baarlamaanka hoostagta meesha looga saaarayo oo dalku noqonayo mid hoostaga xukunka madaxwenaha dawlad ahaan iyo qaran ahaanba. Aftidaas waa u ku guulaystay. Isla sannadkii xigay ayaa la qabtay doorashada dalka oo isla isaga loo doortay.
Sanaddii 2010-kii ayuu Erdogan ku dhawaaqay hiigsiga 2023-da oo la doonayo in Tukigu ku gaaaro guulo waawayn oo ay kamid yihiin kow kamid ahaanshaha 10ka dal ee dunida ugu dhaqaalaha badan, xilligaa kaalinta 16aad buu ku jiray, manatase dalka 18aad weeye iyo gaarsiinta dhaqaalaha dalka 2Trillion, xilligaa $940Billion ayuu ahaa maantase waa $813Blllion. Waxa kaloo kamid ahaa gaarsiinta dakhli sanadeedka dadka Turkida ah $25kun, maantase waa $9kun (per Nominal).
Hiigsiga waxa kamid ah in alaabta Turkigu dibadda u dhoofsho ay gaarto $500Billion. Maanta waa $180Billion. Waxa kaloo kamida in ganacsiga shisheeyaha ee Tukiga gudihiisa uu gaaro Hal Trillion. Maanta waa $390Bilyan. Waxa kaloo kamida dadka shaqeeya e Turkida in ay gaaraan 30Milyan taas waa lagu guulaystay oo maanta waa 32milyan baa shaqaysa. Sidoo kale in xaddiga shaqo la'aanta in la gaarsiiyo 5% oo maanta ah 11%.
Hiigsiga waxaa kamida oo kale dhisidda xarumo lagu bacramiyo nukliyeerka, tamarta iyo waxyaabo kale. In caymiska caafimaadka dalku 100% wada gaaro wadanka. In tirada dhakhaatiirta Turkida la kordhiyo oo 100kii kun ee Turki ah ay helaan illaa 210dhakhtar maanta 175dhkhtar weeye. Taaso ka dhigaysa dhakhaatiirta Turkida inay kor u dhaafeen 990kun oo dhakhtar.
Dhisidda wadooyin tareen oo 22kun oo km ah oo nooca tareennada dheereeya oo cusub. Dhisidda waddo 15kun oo km ah oo highway ah. Kordhinta dakadaha dalka iyo ballaarintooda si dakadaha dalku uga mid noqdaan 10ka dakadood ee ugu waawayn caalamka. In warshadahaa dalku soo saaraan diyaarado rakaab iyo baabuur iyo satallaydyo.
In dalku noqdo dalka 5aad ee dunida ugu dalxiiska badan, sannad walbana ay booqdaan 50milyan oo dalxiisayaal ah. Dakhli $50Billion ahna ka hela. Maanta waa dalka 6aad dhanka dalxiiska waxa booqda 39milyan sannadkii, waxaana kasoo xarooda $30Billion lacag ah.
Caqabado dhowr ah ayaa is hor istaagay hiigsigaas waxa kamid ahaa afgambigii dhicisoobay iyo hoos u dhicii lacagtii liirada ee 2018-kii. Taaso kalliftay in hiigsiga qaybtiis uu rajo yareeyo. Balse imika Turkigu wuu kasoo kabtay. Sidoo kale waxaan meesha ka marnayn in Tukigu siyaasadda dibadda saamayn ballaaran ku yeeshay. Waxaan kala caddayn in heshiisyadii la galay 100sano kahor uu Tukigu masixi doono 100sano guuradiisa iyo in kale.
Kommentare