WAX KA BARO AFRIKA

Waxa la tilmaama inay Afrika tahay hooyada ama asalka aadamaha meesha uu ka yimid, taariikhyahannadu waxa ay xusaan inay tahay xudunta aadamuhu ka soo uskumay se ka haajiray intiisii badnayd. Waxa ku nool maanta in ka badan 3kun oo qowmiyadood oo ku hadla in ka badan 2,100 luuqadood. Waxaan soo qaadanayna lixda qowmiyadood ee qaaradda ugu dadka badan tiro ahaan. 

Qowmiyadda Hausa ama Haawsaha ayaa ah qowmiyadda ugu dadka badan guud ahaan qaaradda Afrika, waxa ay tiro ahaan dhan yihiin 80milyan oo qof in kor u dhaafaysa. 65milyan oo kamida tiradaas ayaa dagta dalka Nigeria oo ay ka yihiin 30% kana dhigan kuwa ugu badan. Waxa kale oo ay dagaan dalka Niger oo ay ka yihiin 55% oo dhan illaa 12milyan. Waxa kale oo ay dagaan wadamada Ivory coast, Benin, Chad, Ghana, Cameroon iyo Sudan. 95-98% waa muslimiin ku hadla afkooda iyo af Carabiga. 

Kaalinta labaad waxa ku jirta qowmiyadda Yoruba oo tiro ahaan dhan 47milyan oo qof waxa ay dagaan intooda badan oo dhan 45milyan dalka Nigeria oo ay ka yihiin qowmiyadda labaad iyo tiro dhan 21% bulshada wadanka. 80% wax ka badan waa Kiristan sidoo kale waxa ay dagaan Ivory Coast, Benin, Togo iyo Ghana. 

Kaalinta saddexaad waxa ku jira qowmiyadda Igbo oo tiro ahaan dhan 45milyan waxa ayna iyana dagaan dalka Nigeria oo ay ka yihiin 18% oo dhan 40milyan wax ka badan. Waxa kale oo ay dagaan wadamada dariska la ah dalkaas sida Guinea iyo Cameroon.

Qowmiyadda kaalinta afaard ku jirta waa dadka la yiraahdo Fulaaniga (Fula people) oo daga wadamada Mauritania, Ghana,  Senegal, Guinea, the Gambia, Mali, Nigeria, Sierra Leone, Benin, Burkina Faso, Guinea Bissau, Cameroon, Ivory Coast, Niger, Chad, Togo, South Sudan, the Central African Republic, Liberia iyo dalal kale. Waa qowmiyad lagu qiyaaso 35-45milyan oo ah mid aad u saamayn badan, waxa ay dagaan inta ka dhaxaysa bartamaha Afruka illaa xeebta galbeed ee Atalaanytiga. 

Fulaanigu dalalkaas oo idil marka laga reebo Guinea waxa uu ka yahay qowmiyadda labaad ama kuwa minority-ga a hadana waxa ay maamulaan wadamada Nigeria, Senegal, Mali, The Gambia iyo Sierra Leone sidoo kale wadamada kale oo ay ku nool yihiin samaayn ballaaran ayay ku dhex leeyihiin. Waxa tusaale kugu fulilan in Nigeria oo 200milyan ka badan ayna ka yihiin 15milyan kali ah ay ta iyo xorriyadeedii dhowr mar soo maamuleen oo hadda kan xukumaa uu iyaga yahay. 

Qowmiyadda shanaad ee ugu dadka badan qaaradda waa qowmiyadda Oromada oo ah tan ugu dadka badan bariga, bartamaha iyo koonfurta Afrika. Waxa ay dhan tahay 35-40milyan, waxa ayna deegaan ku yihiin Itoobiya oo ay ka yihiin 35% wax ka badan. Waxa kale oo ay dagaan wadamada dariska sida Kenya. 

Qowmiyadda lixaad ee u danbaysa waa Soomaalida waa innaga oo tiro ahaan lagu qiyaaso 25-30milyan. Waxa ay dagaan Soomaaliya iyo Jabuuti oo ay leeyihiin ama mojority ka yihiin, sidoo kale waxa ay dagaan Itoobiya oo ay qowmiyadda sadexaad ka yihiin iyo Kenya oo ay ka yihiin tan lixaad. Sidoo kale waxa ay dagaan Yemen si lamida wadamo badan oo galbeedka ah iyo Eeshiya ayay aad u joogaan..

Tiro ahaan Somaaliya somalida ku nool waxa lagu qiyaasaa illaa 16-17milyan halka Itoobiya illaa 8milyan ay ka yihiin, Kenya 3malyan halka Jabuuti nus malyan ka badan ay ku nooshahay halka Yemen ay dagan yihiin illaa 500 oo kun oo Somalia ah, iyo wadamada kale oo ay ku nool yihiin illaa 1-2malyan oo Somali ah. Sidoo kale Soomaalidu waa qowmiyadda kali ah ee leh dhulka ugu ballaaran ee is haysta ee hal qowmiyadi dagan tahay. Waxa ay ka dhul weyn tahay saddexda u horraysa oo la isku daray dhulkooda. 

Waxa jira qowmiyado fasakhmay oo isku qasmay (mixed) sida Barbariyiinta iyo Carabta sida awgeed tira koobka laguma soo daro oo waa ay isku milmeen waxaana la isku dhahaa Arab-berber. Sidoo kale Amxaarada ayaa 7aad soo gasha oo dhan 19-20malyan. Sawirku waa lixda qaybood ee afafka Afrika loo qaybiyo iyo bahahooda.

Kommentare

Beliebte Posts aus diesem Blog

MAXAAD KA OGTAHAY SHIRKADA AIRBUS

DALKA TURKIGA

Waxa uu ahaa wiilyar oo kasoo jeeday qoys beeralay ahaa oo reer miyi ahaa. Waxa uu ahaa mid la dhibaataysan fahmidda casharrada dugsiga. Isaga oo shan jir ah ayuu bilaabay ganacsiga. Aabihii lacag uu hadyad ahaan u siiyay isaga oo yar, ayuu ku aas-aasay shirkad maanta ah tan ugu weyn caalamka ee soosaarta qalabka guryaha, taaso in kabadan 400xarumood caalamka kuleh.IKEA waa shirkad ganacsi oo farsmaysa iibisana agabka guryaha. Waa shirkadda ugu weyn caalamka ee soosaarta agabka guryaha (Furniture). Waxa lagu aas-aasay wadanka Sweden sanaddii 1943-dii. Waxa aas-aasay wiilyar oo 17jir ahaa oo la oran jiray Ingvar Kamprad. Lacagta uu ku sameeyay shirkadda waxa hadyad ahaan u siiyay aabihiis maadaama uu waxbarahada dugsiga hormar ka sameeyay. Ingvar waxa uu qabay xanuunka dyslexia oo ah xanuun haleela caruurta yaryar kaaso ku sababa akhris liidasho casharrada ah iyo fahamdarro. Ingvar gancsigii uu sameeyay waa uu guulaystay. Maanta IKEA waxa ay 433xarumood ku leedahay 52dal oo caalamka ah. Sanaddii 2018-kii IKEA waxa ay iibisay alaab qiimaheedu kor u dhaafayo $45Bilyan. Website-ka IKEA waxa ku jira 12kun oo nooc oo alaab ah. Intii u dhaxaysay September 2015 illaa august 2016 mudadaas sannadka ah weebka IKEA laba bilyan oo qof dad kor u dhaafaya ayaa booqday.IKEA waxa ay isticmaasha alwaaxa ugu badan caalamka maadama ay tahay shirkadda soosaarta agabka ugu badan ee alwaaxa ka samaysan. Sidoo kale cunnooyinka ayay soo saarta. Magaca IKEA waa ereyo la isugu geeyay oo u taagan Ingvar Kamprad oo ahaa ninka aas-aasay iyo Elmtaryd oo ah beeryar oo uu ku dhashay iyo Agunnaryd oo ah tuulo u dhaweyd beerta. Kaaso micnihiisu noqonayo Ingvar Kamprad-kii ka yimid Elmtaryd Agunnard (Ingvar Kamprad from Elmtaryd Agunnaryd)Ingvar waxa uu geeriyooday sannadkii hore bilowgiisii, isaga oo 91jir ah. Majaladda Bloomberg waxa ay sheegtay inuu ahaa shakhsiga 8aad ee caalamka ugu hodansan sannadkaas. Hantidiisu waxa ay dhammayd $58Bilyan. Shirkadda waxa maamula maanta wiilashiisii.Waxa la xusaa Kamprad inuu bilaabay isaga oo shan jir ah ganacsiga, waxa uu alaabta ka iibin jiray xaafadaha isaga oo baaskiil adeegsanaya sida qalimaanta iyo agab kale oo yaryar. Wiilyar oo reer Miyi beero-falato ah ahaa ayaa aabihii lacag yar uu siiyay ku sameeyay shirkad kasoo bilaabay inuu baaskiil alaabta ku geegeeyo maantana ah tan caalamka ugu weyn ee soosaarta agabka guryaha. Dakhliga IKEA waxa uu kor u dhaafaya $44Bilyan. Xarunta ugu weyn shirkaddu waxa ay kutaal Natherlands.Hal-abuurka ganacsigu waa mid horseeda inuu badalo nolosha qof ama bulsho dhan. Wiilkii beerlayda ahaa shirkaddii uu aas-aasay maanta waxa u shaqeeya in ka badan 200kun oo qof kuwaaso qoysas leh kuna tiirsan. Ingvar kaliya noloshiisa ma badalin sidoo kale milaayiin qof ayuu badalay noloshooda Ingvar oraah cajiiba ayuu ka tagay waxa uu yiri "Sunta ugu halista badan waa dareenka guusha ama yool inaad gaartay. Daawada looga hortagi karaa waa fiidwalba ka fikir maxaa berrito la qaban karaa waliba si kafiican hadda."Haddii aad akhrisatay warbixintan la wadaag saaxibadaa #Share-garee sidoo kale #Follow dheh page-ka mahadsanid.