Burj Khalifa

Dhisiddii Burj Khalifa kaliya dunida ugama dhignayn inuu noqonayo dhismaha ugu dheer caalamka, sidoo kale waxa uu astaan u yahay awoodda aadamaha iyo fikradihiisa hal-abuur iyo sancooyinkiisa cajiibka ah iyo sida saynisku u yahay waxa ugu weyn ee maanta aadamuhu ku tiirsan yahay. Waxaan halkan kusoo koobay dhowr iskoor oo dhismahaas cajiibka ah dunidu u diiwaan galisay oo illaa hadda aan la la wadaagin. 

Burj Khalifa waa dhismilaha ugu dheer dunida oo gaaraya 828mitir oo dherer ah (tallest building) sidoo kale waa dhismaha ugu dheer ee iskiis u taagan oon wax kale ku tiirsanayn dunida (tallest free-standing structure) si lamida waa dhismihii ama sancaddii ugu dheerayd ee abid basharku hindiso inta la ogyahay taariikhda.

Waxa kale oo u diiwaan gashan inuu leeyahay tirada ugu badan ee dabakhyo ah ee dhisme leeyahay dunida (163 dabakh) si lamida waa dhismaha leh dabakha ugu sarreeya dunida ee dad dadgan yihiin. Waxa kale uu leeyahay meesha ugu sarraysa dunida ee dad intay istaagaan dhulka ka soo eegan (highest observation deck). Sidoo kale waa dhismaha leh wiishka (elevator) jara masaafada ugu dheer ee socdaal oo kor ah dunida, si lamida wiishka shaqeeya ee ugu dheer dunida ayuu leeyahay. 

Xaqiiqooyinka kale ee uu Burj Khalifa leeyahay waxa kamida in agabka lagu dhisay dhismahan sida shubkii lagu dhisay uu gaarayay 110kun oo tan oo dhiganta 100kun oo maroodi wax ka badan. Si lamida almuuniyamta ku dahaaran dhismaha ee lagu naqshadeeyay waxa ay culayskeeda guud u dhigmaa shan diyaaradood oo ah nooca Airbus A380 oo ah diyaaradda ugu weyn ee rakaab qaadda dunida. 

Dhererkiisa oo ah 828mitir ayaa ka dhigaya mid aad u dheer oo ka dhex muuqda guud ahaan magaalada uu dhaco ee Dubai iyo inta ku hareeraysan, waxa uu ka dheer yahay saddex jeer birta dheer ee Baariis (Eiffel Tower)  mararka qaar dhererkiisa xad dhaafka ah waxa uu hoos u soo eegayaa ceeryaamada iyo daruuraha oo mararka qaar ka hoos mara. 

Waxyaabaha cajiibka ah ee Burj Khalifa lagu tilmaamo ayaa ah in fiiqiisa ama muuqiisa laga arki karo masaafo u jirta meesha uu ku yaal 95km. Waa inta ay isu jiraan Hargaysa iyo Wajaale in ka badan ama Muqdisho iyo Jawhar. Taaso ka dhigan in haddii Burj Khalifa ku oolli lahaa Muqdisho in laga arki lahaa figtiisa sare magaalada Jawhar. 

Sannad walba in ku dhow 50milyan oo litir oo biyo ah ayuu Burj Khalifa u isticmaala dhirta kutaal hareerihiisa iyo biyaha ciyaara (dancing water) ee dhismahaasi leeyhaay. Si lamida waxa uu leeyahay wiish aad u dheereeya oo halkii ilbiriqsi jaraya masaafo 10mitir ah taaso ka dhigan in dabakha 124aad uu hal daqiiqo wax ka yar ku gaaro halkii marba. 

Dhisiddiisa halkii maalin waxa ka hawlagalayay 12kun oo shaqaale ah, si loo dhameeyo dhismahan cajiibka ah waxa ay qaadatay in la isticmaalo in ka badan 110kun oo tan oo shub ah iyo 55kun oo tan oo bir ah iyo 22milyan oo saacadood oo ah lixidii sano ee dhismuhu socday. 

Dhismuhu waxa uu leeyahay maqaaxida ku taal meesha ugu sarraysa dunida oo waxa ay dhacdaa dabakha 122aad majirto maqaaxi ka sarraysa dunida. Sidoo kale waa dabakha leh barkadda dabaasha ee labaad ee ugu sarraysa dunida oo ku taal dabakha 77aad. Haddii aad gudihiisa ku jirto waxa aad qorrax soo baxa arki kartaa laba mar oo kala ah haddii aad joogto meesha dhulka laga daawado ee sare iyo dabakha u hooseeya. 

Dhismahan January 2004-tii ayaa dhisidda lagu bilaabay waxaana la dhameeyay 2009-kii iyadoo la furay january 2010. Tan iyo 2009-kii waa dhismaha ugu dheer dunida waxa uu iskoorkaas haystaa muddo 12sano ah waxa uuna kala wareegay dhismaha Teipei101 oo tan iyo 2004-tii ahaa oo isna kala wareegay daraaha mataanaha ah ee Malaysia. 

Waxa iska leh shirkadda dhismaha ee Imaaraatiga ah ee Emmaar. Waxaana loogu magacdaray Sheikh Khalifa oo ah madaxweynaha Imaaraatka. Lacagta ku baxday waa $1.5Bilyan. Waa astaan dunida aad uga caan ah oo kamida sancooyinkii ugu cajiibsanaa ee basharku daah qaado. 

Burj Khalifa waxaa naqshadeeyay Adrian Smith oo ah naqshadyahanka ugu caansna dunida oo dhismayaasha ugu dhaadheer dunida naqshadeeyay waa Maraykan hadda gacanta ku haya dhismaha Jeddah Tower oo la filayo inuu booska kala wareego Burj Khalifa iyo dhismaha isaga kala sii wareegi doona ee Azarbeijan Tower. Naqshadda Burj Khalifa waxa laga matalay sida ubaxa loo yaqaan Spider Lilly ama Hymonocallis flower oo ah ubax sal adag leh. 

Waa goobta qaabisha dalxiisayaasha ugu badan dunida ee Dubai soo booqda. Sannad walba 2milyan oo qof ayaa timaadda dhismahan oo gaara dabakha 124aad iyaga oo dhakada sare ka daawada Dubai.

Kommentare

Beliebte Posts aus diesem Blog

MAXAAD KA OGTAHAY SHIRKADA AIRBUS

DALKA TURKIGA

Waxa uu ahaa wiilyar oo kasoo jeeday qoys beeralay ahaa oo reer miyi ahaa. Waxa uu ahaa mid la dhibaataysan fahmidda casharrada dugsiga. Isaga oo shan jir ah ayuu bilaabay ganacsiga. Aabihii lacag uu hadyad ahaan u siiyay isaga oo yar, ayuu ku aas-aasay shirkad maanta ah tan ugu weyn caalamka ee soosaarta qalabka guryaha, taaso in kabadan 400xarumood caalamka kuleh.IKEA waa shirkad ganacsi oo farsmaysa iibisana agabka guryaha. Waa shirkadda ugu weyn caalamka ee soosaarta agabka guryaha (Furniture). Waxa lagu aas-aasay wadanka Sweden sanaddii 1943-dii. Waxa aas-aasay wiilyar oo 17jir ahaa oo la oran jiray Ingvar Kamprad. Lacagta uu ku sameeyay shirkadda waxa hadyad ahaan u siiyay aabihiis maadaama uu waxbarahada dugsiga hormar ka sameeyay. Ingvar waxa uu qabay xanuunka dyslexia oo ah xanuun haleela caruurta yaryar kaaso ku sababa akhris liidasho casharrada ah iyo fahamdarro. Ingvar gancsigii uu sameeyay waa uu guulaystay. Maanta IKEA waxa ay 433xarumood ku leedahay 52dal oo caalamka ah. Sanaddii 2018-kii IKEA waxa ay iibisay alaab qiimaheedu kor u dhaafayo $45Bilyan. Website-ka IKEA waxa ku jira 12kun oo nooc oo alaab ah. Intii u dhaxaysay September 2015 illaa august 2016 mudadaas sannadka ah weebka IKEA laba bilyan oo qof dad kor u dhaafaya ayaa booqday.IKEA waxa ay isticmaasha alwaaxa ugu badan caalamka maadama ay tahay shirkadda soosaarta agabka ugu badan ee alwaaxa ka samaysan. Sidoo kale cunnooyinka ayay soo saarta. Magaca IKEA waa ereyo la isugu geeyay oo u taagan Ingvar Kamprad oo ahaa ninka aas-aasay iyo Elmtaryd oo ah beeryar oo uu ku dhashay iyo Agunnaryd oo ah tuulo u dhaweyd beerta. Kaaso micnihiisu noqonayo Ingvar Kamprad-kii ka yimid Elmtaryd Agunnard (Ingvar Kamprad from Elmtaryd Agunnaryd)Ingvar waxa uu geeriyooday sannadkii hore bilowgiisii, isaga oo 91jir ah. Majaladda Bloomberg waxa ay sheegtay inuu ahaa shakhsiga 8aad ee caalamka ugu hodansan sannadkaas. Hantidiisu waxa ay dhammayd $58Bilyan. Shirkadda waxa maamula maanta wiilashiisii.Waxa la xusaa Kamprad inuu bilaabay isaga oo shan jir ah ganacsiga, waxa uu alaabta ka iibin jiray xaafadaha isaga oo baaskiil adeegsanaya sida qalimaanta iyo agab kale oo yaryar. Wiilyar oo reer Miyi beero-falato ah ahaa ayaa aabihii lacag yar uu siiyay ku sameeyay shirkad kasoo bilaabay inuu baaskiil alaabta ku geegeeyo maantana ah tan caalamka ugu weyn ee soosaarta agabka guryaha. Dakhliga IKEA waxa uu kor u dhaafaya $44Bilyan. Xarunta ugu weyn shirkaddu waxa ay kutaal Natherlands.Hal-abuurka ganacsigu waa mid horseeda inuu badalo nolosha qof ama bulsho dhan. Wiilkii beerlayda ahaa shirkaddii uu aas-aasay maanta waxa u shaqeeya in ka badan 200kun oo qof kuwaaso qoysas leh kuna tiirsan. Ingvar kaliya noloshiisa ma badalin sidoo kale milaayiin qof ayuu badalay noloshooda Ingvar oraah cajiiba ayuu ka tagay waxa uu yiri "Sunta ugu halista badan waa dareenka guusha ama yool inaad gaartay. Daawada looga hortagi karaa waa fiidwalba ka fikir maxaa berrito la qaban karaa waliba si kafiican hadda."Haddii aad akhrisatay warbixintan la wadaag saaxibadaa #Share-garee sidoo kale #Follow dheh page-ka mahadsanid.