Burj Khalifa

Dhisiddii Burj Khalifa kaliya dunida ugama dhignayn inuu noqonayo dhismaha ugu dheer caalamka, sidoo kale waxa uu astaan u yahay awoodda aadamaha iyo fikradihiisa hal-abuur iyo sancooyinkiisa cajiibka ah iyo sida saynisku u yahay waxa ugu weyn ee maanta aadamuhu ku tiirsan yahay. Waxaan halkan kusoo koobay dhowr iskoor oo dhismahaas cajiibka ah dunidu u diiwaan galisay oo illaa hadda aan la la wadaagin. 

Burj Khalifa waa dhismilaha ugu dheer dunida oo gaaraya 828mitir oo dherer ah (tallest building) sidoo kale waa dhismaha ugu dheer ee iskiis u taagan oon wax kale ku tiirsanayn dunida (tallest free-standing structure) si lamida waa dhismihii ama sancaddii ugu dheerayd ee abid basharku hindiso inta la ogyahay taariikhda.

Waxa kale oo u diiwaan gashan inuu leeyahay tirada ugu badan ee dabakhyo ah ee dhisme leeyahay dunida (163 dabakh) si lamida waa dhismaha leh dabakha ugu sarreeya dunida ee dad dadgan yihiin. Waxa kale uu leeyahay meesha ugu sarraysa dunida ee dad intay istaagaan dhulka ka soo eegan (highest observation deck). Sidoo kale waa dhismaha leh wiishka (elevator) jara masaafada ugu dheer ee socdaal oo kor ah dunida, si lamida wiishka shaqeeya ee ugu dheer dunida ayuu leeyahay. 

Xaqiiqooyinka kale ee uu Burj Khalifa leeyahay waxa kamida in agabka lagu dhisay dhismahan sida shubkii lagu dhisay uu gaarayay 110kun oo tan oo dhiganta 100kun oo maroodi wax ka badan. Si lamida almuuniyamta ku dahaaran dhismaha ee lagu naqshadeeyay waxa ay culayskeeda guud u dhigmaa shan diyaaradood oo ah nooca Airbus A380 oo ah diyaaradda ugu weyn ee rakaab qaadda dunida. 

Dhererkiisa oo ah 828mitir ayaa ka dhigaya mid aad u dheer oo ka dhex muuqda guud ahaan magaalada uu dhaco ee Dubai iyo inta ku hareeraysan, waxa uu ka dheer yahay saddex jeer birta dheer ee Baariis (Eiffel Tower)  mararka qaar dhererkiisa xad dhaafka ah waxa uu hoos u soo eegayaa ceeryaamada iyo daruuraha oo mararka qaar ka hoos mara. 

Waxyaabaha cajiibka ah ee Burj Khalifa lagu tilmaamo ayaa ah in fiiqiisa ama muuqiisa laga arki karo masaafo u jirta meesha uu ku yaal 95km. Waa inta ay isu jiraan Hargaysa iyo Wajaale in ka badan ama Muqdisho iyo Jawhar. Taaso ka dhigan in haddii Burj Khalifa ku oolli lahaa Muqdisho in laga arki lahaa figtiisa sare magaalada Jawhar. 

Sannad walba in ku dhow 50milyan oo litir oo biyo ah ayuu Burj Khalifa u isticmaala dhirta kutaal hareerihiisa iyo biyaha ciyaara (dancing water) ee dhismahaasi leeyhaay. Si lamida waxa uu leeyahay wiish aad u dheereeya oo halkii ilbiriqsi jaraya masaafo 10mitir ah taaso ka dhigan in dabakha 124aad uu hal daqiiqo wax ka yar ku gaaro halkii marba. 

Dhisiddiisa halkii maalin waxa ka hawlagalayay 12kun oo shaqaale ah, si loo dhameeyo dhismahan cajiibka ah waxa ay qaadatay in la isticmaalo in ka badan 110kun oo tan oo shub ah iyo 55kun oo tan oo bir ah iyo 22milyan oo saacadood oo ah lixidii sano ee dhismuhu socday. 

Dhismuhu waxa uu leeyahay maqaaxida ku taal meesha ugu sarraysa dunida oo waxa ay dhacdaa dabakha 122aad majirto maqaaxi ka sarraysa dunida. Sidoo kale waa dabakha leh barkadda dabaasha ee labaad ee ugu sarraysa dunida oo ku taal dabakha 77aad. Haddii aad gudihiisa ku jirto waxa aad qorrax soo baxa arki kartaa laba mar oo kala ah haddii aad joogto meesha dhulka laga daawado ee sare iyo dabakha u hooseeya. 

Dhismahan January 2004-tii ayaa dhisidda lagu bilaabay waxaana la dhameeyay 2009-kii iyadoo la furay january 2010. Tan iyo 2009-kii waa dhismaha ugu dheer dunida waxa uu iskoorkaas haystaa muddo 12sano ah waxa uuna kala wareegay dhismaha Teipei101 oo tan iyo 2004-tii ahaa oo isna kala wareegay daraaha mataanaha ah ee Malaysia. 

Waxa iska leh shirkadda dhismaha ee Imaaraatiga ah ee Emmaar. Waxaana loogu magacdaray Sheikh Khalifa oo ah madaxweynaha Imaaraatka. Lacagta ku baxday waa $1.5Bilyan. Waa astaan dunida aad uga caan ah oo kamida sancooyinkii ugu cajiibsanaa ee basharku daah qaado. 

Burj Khalifa waxaa naqshadeeyay Adrian Smith oo ah naqshadyahanka ugu caansna dunida oo dhismayaasha ugu dhaadheer dunida naqshadeeyay waa Maraykan hadda gacanta ku haya dhismaha Jeddah Tower oo la filayo inuu booska kala wareego Burj Khalifa iyo dhismaha isaga kala sii wareegi doona ee Azarbeijan Tower. Naqshadda Burj Khalifa waxa laga matalay sida ubaxa loo yaqaan Spider Lilly ama Hymonocallis flower oo ah ubax sal adag leh. 

Waa goobta qaabisha dalxiisayaasha ugu badan dunida ee Dubai soo booqda. Sannad walba 2milyan oo qof ayaa timaadda dhismahan oo gaara dabakha 124aad iyaga oo dhakada sare ka daawada Dubai.

Kommentare

Beliebte Posts aus diesem Blog

WAX KA BARO AFRIKA

MAXAAD KA OGTAHAY SHIRKADA AIRBUS

macaamiisha Lama xumeeyo