wax ka ogow taariikhda china
Dal heerka uu faqriga ka gaaray aysan xitaa Somalia ka gaarin, dal dagaalladii ugu badnaa ee taariikhda dhaca ay ka dhaceen, dal qarnigii aynu kasoo gudubnay oo qura ku waayay dagaal 100milyan dad ku dhow. Dal ay Somalia kaga horraysay xubinnimada qaramada Midoobay, ayna qayb ka ahayd ololihii uu xubin kaga noqonayay ururkaas. Maantana ah quwadda dunida dhaqaale ahaan iyo aqoon ahaanba hogaaminaysa!
Shiinuhu waxa uu dhacaa bariga qaaradda Eeshiya, waa dalka saddexaad ee ugu baaxadda weyn dunida, kaliya Kanada iyo Ruushka ayaa ka baaxad weyn. Waxa uu xuduud la wadaaga 14dal oo Eeshiya dhaca, waa dalka xuduudaha ugu badan la wadaaga dal kale dunida, isaga oo la siman Ruushka. Waxa uu ka kooban yahay 22gobol, afar maamul magaalo oo ay toos dawladdu u xukunto, afar ismaamul gobol oo qowmiyado laga tiro badan yahay leeyihiin iyo laba maamul gobol oo iskood isku maamula awood dheeriyana leh se dawladda dhexe hoostaga. (Hong Kong iyo Macau).
Tirada dadka ku nool Shiinaha maanta waa 1.4Bilyan waa dalka ugu dadka badan dunida. Shantii qof ee dunidan ku nool midkood waa Chinese. Muddo laga joogo maanta 70sano ayuu Shiinuhu kala wareegay Hindiya booska koobaad ee tirada dadka. Ku dhawaad 90% bulshada wadanku waxa ay kasoo jeedaan qowmiyadda Han ama loo yaqaan Chinese, waa qowmiyadda ugu ballaaran dunida.
Mao Zedong oo ahaa hogaamiye Shuuci ahaa ayaa aas-aasay xisbiga shuuciga ah ee Shiinaha. Waxa uu dagaal la galay Jamhuuriyaddii Shiinaha ee dalka Maamulaysay isaga oo ka adkaaday, waxa ayna u qaxeen jasiiradda Taiwan. Mao waxa uu ku dhawaaqay Jamhuuriyadda dadka Shiinaha sannadkii 1949-kii isagaana hogaamiye u noqday.
Xilligaa Shiinaha dhibaatadii ugu darnayd baa ka jirtay, faqri, colaado, abaar, nidaam dawladeed oon dalka kawada jirin iyo aqoon la'aan. Illaa laga soo gaaray 1978 oo Shiinuhu qaatay nidaam dhaqaale oo wax badan ka badalay noloshii dadka Shiinaha. Waqtigaas 88% bulshada Shiinuhu waxa ay ahaayeen faqri waa dad kor u dhaafayay 800 oo Milyan.
Xilligaa ma jirin dal xiriir diblomaasiyadeed lalahaa Shiinaha, majirin dal ganacsi la wadaagay oo waxa uu ahaa go'doon aysan cidna aqoonsanayn. Sanadahaas ayuu Shiinuhu nidaamkiisa dhaqaale badalay, taasi waxa ay dhaxalsiisay in dadka wadanku waxsoosar badan sameeyaan.
Sanaddii 1971-dii ayay qaramada midoobay cod u qaadday meesha looga saarayay Jamhuuriyaddii Shiinaha (Taiwan) oo dunidu aqoonsanayd xulufana la ahayd galbeedka, matalaysayna dhammaan dhulka Shiinaha si loogu badalo Jamhuriyadda dadka Shiinaha ama Shiinaha weyn ee maanta, kadib cadaadis badan oo kaga yimid Shiinaha weyn. Sannadkaas ayuu Shiinuhu kamid noqday qaramada Midoobay, noqdayna xubin joogta ah oo golaha ammaanka ah, sidoo kalana yeeshay awoodda diidmada qayaxan, (Vito power).
Sanaddii 1978 dhaqaalaha Shiinuhu waxa uu ahaa $150Bilyan, halka Maraykanka uu ahaa $2Tirilyan. Dhaqaalaha dalku waxa uu ahaa mid aad u liita oo xitaa 20-ka u sarreeya kuma jirin. Halkaas ayuu ka bilaabmay mucjisadii dhaqaale, aqooneed, hormarineed iyo awoodeed ee Shiinaha ka hillaacday. Shiinuhu waxa uu hormariyay waxsoosaarkiisii gudaha iyo ganacsigiisii dibadda.
Sanand walba 6% ayuu dhaqaalihiisu kordhayay, waxa uuna dhaafayay sannad kasta dal cusub oo ka dhaqaale horreeyay. Sanaddii 1995 dhaqaalaha Shiinuhu waxa uu soo gaaray $730Billion halka Maraykanka uu ahaa $7Trillion. Halka Japan ay ahayd xilligaa $5Trillion. Shiinuhu sanaddii 2001-dii buu ku biiray hay'adda ganacsiga aduunka, taaso ka saaacidday inuu dhaqaalihiisa sii hormariyo.
Shiinuhu sanaddii 2010-kii ayuu Japan kala baxay booska dalka labaad ee ugu dhaqaalaha badan dunida. Afar sano kadib Shiinuhu waxa uu noqday dalka ugu dhaqaalaha badan dunida qaybta PPP-ga. Sidoo kale Shiinuhu maanta waa dalka alaabta ugu badan dibadda u dhoofsha, $2.5Trillion alaab kor u dhaafaysa qiime ahaan ayuu sannad walba dibadda u dhoofshaa, si lamida waa dalka alaabta ugu badan la soo daga $2.1Trillion.
Maanta dhaqaalaha Shiinuhu waa $15Trillion waana dalka labaad, sida la rajaynayo shanta illaa lixda sano ee soo socota ayuu kala wareegi doona Maraykanka dhaqaalaha dunida. Sannad walba $505Billion alaab lagu qiyaaso ayuu dhoofiyaa Maraykanka, halka Midowga Yurub u dhoofiyo $316Billion alaab lagu qiyaaso.
Dakhli sanadeedka soogala dadkiisa maanta waa $19kun celcelis ahaan. 40sano kahor waxa soo gali jiray qofka Chinese-ka ah $100doollar wax ka yar sannadkii. Xadddiga faqriga maanta Shiinuhu waxa uu ka hooseeyaa 0.4% dad aad u yar ayaa la nool faqri, halka uu 1981-dii ahaa 88% fuquro dadkiisu. Dadka Shiinaha ee shaqeeya waxa ay kor u dhaafayaan 730milyan oo qof, shaqo la'aantu waxa ay ka hoosaysaa 4%.
Heerka aqoonta dadka Shiinuhu 97% waa dad waxbartay. Tiknoolajiyaddu guri kasta oo shiinaha ah ayay gaartay, sannad walba jaamacadaha Shiinaha oo dunida iyo Eeshiyaba hogaaminaya ayaa soo saara milaayiin arday ah.
Dhanka ganacsiga 500 oo shirkadood ee dunida ugu ballaaran 130kamida Shiinaha ayaa laga leeyahay. Halka bangiyada Shiinuhu ay noqdeen kuwa ay yaallaan kaydka hantiyeed ee caalamka ugu ballaaran, hanti lagu qiyaaso $40Trillion ayay bangiyadaasi maamulaan.
Magaalooyinka Shiinaha waxa ay hogaaminayaan kuwa ugu dhaqaalaha iyo hannaanka nololeed sarreeya dunida. Beijing oo qura ayaa ka dhaqaale badan wadamada Iiraan, Imaaratka, Nigeria, Pakistan, South Africa iyo dalal kale oo badan. Hong Kong oo iyana hoy u ah ku dhawaad 100Bilyanneer ayaa iyana ka dhaqaale badan guud ahaan dalka Masar.
Shiinuhu 10-ka dakadood ee dunida ugu mashquulka badan lix kamida ayuu leeyahay. Magalooyinkiisa ay ku nool yihiin wax ka badan hal milayn oo qof ayaa kor u dhaafay 100magaalo. Shanghai oo qura ayaa ay ku nool yihiin ku dhawaad 30milyan. Magaalada Chongqing ayaa ku fadhida masaafo ka weyn isku darka dalalka Netherlands iyo Switzerland.
Bilyanneerada Shiinaha ku nool maanta waxa ay kor u dhaafayaan 300 oo qof. Shantii maalmood ee kasta qofbaa noqda Bilyanneer gudaha Shiinaha. Sidoo kale shantii maalin ee kasta Shiinaha daar dheer oo cusub ayaa kusoo biirta. Shamiitadii laga isticmaalay Maraykanka guud ahaan qarnigii 20aad ee ynu laga soo gudbay shamiito ka badan ayuu Shiinuhu isticmaalay sanadihii u dhaxeeyay 2011-2013. Taasi waxa ay muujin sida Shiinuhu xawliga ugu dhisayo dalkiisa.
Dhanka awoodda ciidamada Shiinuhu waa dalka ugu ciidamada ballaaran dunida. 2Milyan oo askari ayaa diyaar ah oo daqiiqad kasta dagaal u diyaar ah waa dalka haysta ciidanka diyaarka ah ee ugu badan dunida. Sidoo kale in ka badan 300 oo madax oo nukliyeer ayuu ku hubaysan yahay. Dhaqaalihiisa aadka u ballaaran iyo dadkiisa badan ayaa ka saaciday awooddaas aadka u weyn inuu yeesho.
Sidoo kale Shiinuhu waa dalka leh dalxiisayaasha ugu badan ee dibadda ku dalxiisa, in ka badan 200Milyan oo Chinese ah ayaa sannad walba dibadda u dalxiistaga. Halka ay yimaadan illaa 60milyan oo dalxiisayaal ajaanib ah. Dalkaas aynu kasoo sheekaynay 40sano kahor waxa uu la daalaa dhacayay faqri, dhaqaale xumo iyo colaado, maantana waa awood dunida ku baahday oo shayga uu saasaray laga helayo guri kasta, lagana yaabo adigan akhrinaya inaad waxsoosaarkiisa isticmaalayso.
Kommentare