Waxa uu ahaa wiilyar oo kasoo jeeday qoys beeralay ahaa oo reer miyi ahaa. Waxa uu ahaa mid la dhibaataysan fahmidda casharrada dugsiga. Isaga oo shan jir ah ayuu bilaabay ganacsiga. Aabihii lacag uu hadyad ahaan u siiyay isaga oo yar, ayuu ku aas-aasay shirkad maanta ah tan ugu weyn caalamka ee soosaarta qalabka guryaha, taaso in kabadan 400xarumood caalamka kuleh. IKEA waa shirkad ganacsi oo farsmaysa iibisana agabka guryaha. Waa shirkadda ugu weyn caalamka ee soosaarta agabka guryaha (Furniture). Waxa lagu aas-aasay wadanka Sweden sanaddii 1943-dii. Waxa aas-aasay wiilyar oo 17jir ahaa oo la oran jiray Ingvar Kamprad. Lacagta uu ku sameeyay shirkadda waxa hadyad ahaan u siiyay aabihiis maadaama uu waxbarahada dugsiga hormar ka sameeyay. Ingvar waxa uu qabay xanuunka dyslexia oo ah xanuun haleela caruurta yaryar kaaso ku sababa akhris liidasho casharrada ah iyo fahamdarro. Ingvar gancsigii uu sameeyay waa uu guulaystay. Maanta IKEA waxa ay 433xarumood ku leedahay 52dal oo caalam...
Posts
Es werden Posts vom November, 2022 angezeigt.
Wadanka 4aad ee ugu dadka badan dunida. Dalka ugu dhaqaalaha badan wadamada Muslimiintu ku badan yihiin. Dal kamida kooxda 20-ka ah ee warshadaha iyo waxsoosaarka ku hormaray. Dal ka hormaray dhanka dhaqaalaha dalkii gumaystay!Indonesia waa dal dhaca Koonfur-bari qaaradda Eeshiya. Sidoo kale qayb kale oo kamida ayaa katirsan qaaradda Oceana. Waa dal udhaxeeya laba badood oo waaweyn, Badweynta Hindiya iyo Badwenta Baasifigga. Waa dal jasiiradeedka ugu baaxadda weyn dunida, kaaso ka kooban in kabadan 13kun oo jasiiradood!Baaxadda dhulka ee wadanku waa 1.9Milion oo wareeg ah, taaso kadhigaysa dalka 14aad ee ugu baaxadda weyn dunida.Tirada dadka reer Indonesia waxay kor u dhaafaysaa 261Miyan oo qof, taaso kadhigtay dalka 4aad ee ugu dadka badan dunida iyo kan koobaad ee ugu dadka badan koonfur-bari Eeshiya.Indonesia waxay ka koobantahay 34gobol caasimadda wadanku waa Jakarta oo ah magaalada labaad ee ugu dadka badan dunida (by metro population). Java waa jasiiradda ugu dadka badan dunida taaso ay kunool yihiin kala badh dadka reer Insonesia.Wadanku waa kan ay ku nool yihiin Muslimiinta ugu badan caalamka, kuwaaso kor u dhaafaya 230Milyan. In kabadan 300 oo qowmiyadood ayaa kunool Indonesia, Javanese-ku waa kuwa ugu badan wadanka, waxa ayna dhan yihiin 40% tirada guud ee dalka, waana qowmiyadda 4aad ee ugu ballaaran qowmiyadaha Islaamka ah. Sidoo kale in kabadan 700 oo luuqadood ayaa looga hadlaa Indonesia, Bahasa Indonesia ayaa ah luuqadda rasmiga ah.Indonesia waa dalka 16aad ee ugu dhaqaalaha badan caalamka. Waana dalka ugu dhaqaalaha badan wadamada Islaamka ah, ama muslimiintu ku badan yihiin. Waana dalka kaliya ee Islaam ah ee dhaqaalihiisu gaaray Hal Trillion. Sannadkan ayuu dhaqaalaha dalku gaaray $1.1Trillion. Dalka waxaa laga helaa macdanno badan sida Gold, Copper, salliida iyo kuwa kaloo badan. Waxyaabaha ay dibadda udhoofiso waxa kamida Bariiska, Qumbaha, caleen-shaaxa, bunka, shidaalka, daawooyinka dhirta kasamaysan iyo kuwo kale. Wadamda ugu badan ay wax udhoofiso wsxa kamida USA, China, India, Malaysia, Singapore iyo dalal kale oo badan....!Indonesia waxay kamid tahay wadamada kujira ururada waawayn sida UN, G-20, WTO iyo kuwo qaaradda Asia sida Asia summit, South East Asia ururada kadhisan iyo kuwa kale. Waa dal kamida 16-ka dal ee leh ciidamada ugu xoogan dunida. Waana dalka ugu awoodda badan mandaqadda Koonfur-bari Eeshiya!Wadanku waa mid kamida wadamada ka hormaray xagga waxsoosaarka iyo dhaqaalaha wadamdii gumaystay. Natherlands ayay ka qaateen xorriyadda. Maanta iyagaa ka dhaqaalo badan dalkii gumaystay ee Natherlands. Dhanka waxbarashada aad ayuu ugu hormaray. 95% dadka reer Indonesia ee qaangaadhka ah, ayaa wax qora waxna akhriya. Waa mid kamida dalalka ugu sarreeya caalamka.Sawirka: Jakarta, IndonesiaHaddii aad akhrisatay warbixintan, la wadaag saaxibadaa oo #Share-garee nagusoo biir oo #follow dheh page-ka mahadsanid.
- Link abrufen
- X
- Andere Apps
Waxa uu ahaa wiilyar oo kasoo jeeday qoys beeralay ahaa oo reer miyi ahaa. Waxa uu ahaa mid la dhibaataysan fahmidda casharrada dugsiga. Isaga oo shan jir ah ayuu bilaabay ganacsiga. Aabihii lacag uu hadyad ahaan u siiyay isaga oo yar, ayuu ku aas-aasay shirkad maanta ah tan ugu weyn caalamka ee soosaarta qalabka guryaha, taaso in kabadan 400xarumood caalamka kuleh. IKEA waa shirkad ganacsi oo farsmaysa iibisana agabka guryaha. Waa shirkadda ugu weyn caalamka ee soosaarta agabka guryaha (Furniture). Waxa lagu aas-aasay wadanka Sweden sanaddii 1943-dii. Waxa aas-aasay wiilyar oo 17jir ahaa oo la oran jiray Ingvar Kamprad. Lacagta uu ku sameeyay shirkadda waxa hadyad ahaan u siiyay aabihiis maadaama uu waxbarahada dugsiga hormar ka sameeyay. Ingvar waxa uu qabay xanuunka dyslexia oo ah xanuun haleela caruurta yaryar kaaso ku sababa akhris liidasho casharrada ah iyo fahamdarro. Ingvar gancsigii uu sameeyay waa uu guulaystay. Maanta IKEA waxa ay 433xarumood ku leedahay 52dal oo caalam...
Waxa uu ahaa wiilyar oo kasoo jeeday qoys beeralay ahaa oo reer miyi ahaa. Waxa uu ahaa mid la dhibaataysan fahmidda casharrada dugsiga. Isaga oo shan jir ah ayuu bilaabay ganacsiga. Aabihii lacag uu hadyad ahaan u siiyay isaga oo yar, ayuu ku aas-aasay shirkad maanta ah tan ugu weyn caalamka ee soosaarta qalabka guryaha, taaso in kabadan 400xarumood caalamka kuleh.IKEA waa shirkad ganacsi oo farsmaysa iibisana agabka guryaha. Waa shirkadda ugu weyn caalamka ee soosaarta agabka guryaha (Furniture). Waxa lagu aas-aasay wadanka Sweden sanaddii 1943-dii. Waxa aas-aasay wiilyar oo 17jir ahaa oo la oran jiray Ingvar Kamprad. Lacagta uu ku sameeyay shirkadda waxa hadyad ahaan u siiyay aabihiis maadaama uu waxbarahada dugsiga hormar ka sameeyay. Ingvar waxa uu qabay xanuunka dyslexia oo ah xanuun haleela caruurta yaryar kaaso ku sababa akhris liidasho casharrada ah iyo fahamdarro. Ingvar gancsigii uu sameeyay waa uu guulaystay. Maanta IKEA waxa ay 433xarumood ku leedahay 52dal oo caalamka ah. Sanaddii 2018-kii IKEA waxa ay iibisay alaab qiimaheedu kor u dhaafayo $45Bilyan. Website-ka IKEA waxa ku jira 12kun oo nooc oo alaab ah. Intii u dhaxaysay September 2015 illaa august 2016 mudadaas sannadka ah weebka IKEA laba bilyan oo qof dad kor u dhaafaya ayaa booqday.IKEA waxa ay isticmaasha alwaaxa ugu badan caalamka maadama ay tahay shirkadda soosaarta agabka ugu badan ee alwaaxa ka samaysan. Sidoo kale cunnooyinka ayay soo saarta. Magaca IKEA waa ereyo la isugu geeyay oo u taagan Ingvar Kamprad oo ahaa ninka aas-aasay iyo Elmtaryd oo ah beeryar oo uu ku dhashay iyo Agunnaryd oo ah tuulo u dhaweyd beerta. Kaaso micnihiisu noqonayo Ingvar Kamprad-kii ka yimid Elmtaryd Agunnard (Ingvar Kamprad from Elmtaryd Agunnaryd)Ingvar waxa uu geeriyooday sannadkii hore bilowgiisii, isaga oo 91jir ah. Majaladda Bloomberg waxa ay sheegtay inuu ahaa shakhsiga 8aad ee caalamka ugu hodansan sannadkaas. Hantidiisu waxa ay dhammayd $58Bilyan. Shirkadda waxa maamula maanta wiilashiisii.Waxa la xusaa Kamprad inuu bilaabay isaga oo shan jir ah ganacsiga, waxa uu alaabta ka iibin jiray xaafadaha isaga oo baaskiil adeegsanaya sida qalimaanta iyo agab kale oo yaryar. Wiilyar oo reer Miyi beero-falato ah ahaa ayaa aabihii lacag yar uu siiyay ku sameeyay shirkad kasoo bilaabay inuu baaskiil alaabta ku geegeeyo maantana ah tan caalamka ugu weyn ee soosaarta agabka guryaha. Dakhliga IKEA waxa uu kor u dhaafaya $44Bilyan. Xarunta ugu weyn shirkaddu waxa ay kutaal Natherlands.Hal-abuurka ganacsigu waa mid horseeda inuu badalo nolosha qof ama bulsho dhan. Wiilkii beerlayda ahaa shirkaddii uu aas-aasay maanta waxa u shaqeeya in ka badan 200kun oo qof kuwaaso qoysas leh kuna tiirsan. Ingvar kaliya noloshiisa ma badalin sidoo kale milaayiin qof ayuu badalay noloshooda Ingvar oraah cajiiba ayuu ka tagay waxa uu yiri "Sunta ugu halista badan waa dareenka guusha ama yool inaad gaartay. Daawada looga hortagi karaa waa fiidwalba ka fikir maxaa berrito la qaban karaa waliba si kafiican hadda."Haddii aad akhrisatay warbixintan la wadaag saaxibadaa #Share-garee sidoo kale #Follow dheh page-ka mahadsanid.
- Link abrufen
- X
- Andere Apps
Waxa uu ahaa wiilyar oo kasoo jeeday qoys beeralay ahaa oo reer miyi ahaa. Waxa uu ahaa mid la dhibaataysan fahmidda casharrada dugsiga. Isaga oo shan jir ah ayuu bilaabay ganacsiga. Aabihii lacag uu hadyad ahaan u siiyay isaga oo yar, ayuu ku aas-aasay shirkad maanta ah tan ugu weyn caalamka ee soosaarta qalabka guryaha, taaso in kabadan 400xarumood caalamka kuleh. IKEA waa shirkad ganacsi oo farsmaysa iibisana agabka guryaha. Waa shirkadda ugu weyn caalamka ee soosaarta agabka guryaha (Furniture). Waxa lagu aas-aasay wadanka Sweden sanaddii 1943-dii. Waxa aas-aasay wiilyar oo 17jir ahaa oo la oran jiray Ingvar Kamprad. Lacagta uu ku sameeyay shirkadda waxa hadyad ahaan u siiyay aabihiis maadaama uu waxbarahada dugsiga hormar ka sameeyay. Ingvar waxa uu qabay xanuunka dyslexia oo ah xanuun haleela caruurta yaryar kaaso ku sababa akhris liidasho casharrada ah iyo fahamdarro. Ingvar gancsigii uu sameeyay waa uu guulaystay. Maanta IKEA waxa ay 433xarumood ku leedahay 52dal oo caalam...
KALA TAGA WAALIDKA
- Link abrufen
- X
- Andere Apps
![Bild](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEgUoGmxojLKcgms8TnWAHZeAti1b3P3xkz16nEoIuuo21NxyjOrw9ErX5wjw_YIJxLY-LaADP-Jzuos62687ljoSnPtkHLxXf1MVSeirFK85giRt5YOrZwrKKcY_a83GPFjjtu-wNPlQp5U/s1600/1667821305747002-0.png)
Labada waalid hadday kala tagaan inta ay ubadku yaryar yihiin, waa dhib iyo mushkilad runtii furniinkuna hooyada iyo aabbaha uun saamayn maaye xata ubadkooda oo carruurta yar yari dhaawaca iyo burburka kasoo gaadha way la waynaanayan oo ay la korayaan, Aabbuhu haddii uu ubadkiisa ka tago oo cidleeyo kaalintiisi si walba oo ubadkaa loo kaafiyo oo looga haqab-tiro anfaacadoodii iyo biilkooda ogaada marnaba ma jirto cid u buuxin karta kaalintii Aabbonimo. Bulshadeena soomalida badana kaalinta Aabbonimo ayaa bannaan oo raggu ubadkooda way ka baxaan oo ay iskaga tagaan marka ay u baahan yihiin, amba hooyadu ha erido ee balse taas Dan ayaa ku kalifta oo wuu la guursada ama mushkilad kale ayay ku eridaa. Isku soo duuduub oo halka aynu ka keenay qallafsanaanta arxan-darrada iyo jixin-jixi la'aanta waa qoyskeena iyo guriga aynu kusoo barbarnaay. Bulshadu waxa ay kasoo unkataa qoys, qoysas isku tagay ayuunba bulsho sameeya. Qoyskuna waa Waalidka iyo ubadkii, ubadka haddii aan Lasiin w...
NOLOSHII KHARIBNAYD
- Link abrufen
- X
- Andere Apps
![Bild](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEh8SYzDgBIgBAhpbuzeik3CMVVWR_87LNLR1KsD0nnBCngTxas2-tzPe3U2QX0qrGVxKzn2yWYHmSlSaJsBRv8UZ_JHQxAr9sc17J5-Z-WUWfu4yJ572hl20u0KFRB0SsOe_Gtf2yV39mYz/s1600/1667821111833728-0.png)
Noloshii kharibnayd!. Waxa aan ahay ruux qal-foof ahaan nool balse gudahaan dhintay, qalbigayga iyo damiirkayga gudaheed ba way daxalayateen oo ay maaraysteen. Waxa aan ahay qof ruux ahaan u tawafay, wakhtigu imuu saacidin noloshuna iimay hagar-bixin sida ay u wanaagisay asaagay. Ma eersanayo nasiibkayga mar ba hadduu sidan iga noqday. xiligii aan soo koraayay ama yaraantaydii maan helin daryeel dhamaystiran iyo ku barbaarida nolol wanaagsan, magaranaayo noloshayda goor aan farxay ama habbeen aan haqabeel ku seexday. Kamaan helin waalidkay naxariis iyo laab-gelin dhamaystiran, jacayl iyo daryeel carruurnimana hadalkooda daa. Waxa aan garan waayay noloshayda waxa sidan oo dhan u kharibay illaa waynidayda ee aan hal mar xitaa ugu qanci waayay, waxa aan ku qaatay inta badan kelinimo iyo warwareega shaaricyada maggaalada, dadku waxa ay I moodaan ruux aan fiyoobayn balse ma oga in aan raadinayo nolol iyo farxad. Qalbigaygu wuu adkaaday oo waligay maan arag ruux ...
DALKA TURKIGA
- Link abrufen
- X
- Andere Apps
![Bild](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEgBIskFx6PZgWyAOiOasoEjKdxTnpCh7gEcTSVy3ExKFyhjPlSbfhtpEw1ag1XWllfPsHIuowrgNA61O7arbkCtTyVzhiUlZgMJBn3Gy7lfTvzmcWwYgi-JZVoJof2LycLkKVt30bkfgWYk/s1600/1667675946491207-0.png)
Hiigsiga Turkiga ee 2023-da (Turkey Vission 2023). Muddo saddex sano ah ayaa ka xigta Turkiga u dabaal dagidda sannadguuradii 100aad ee kasoo wareegtay aas-aaskii Jamhuuriyadda Turkiga. Markii uu soo idlaaday dagaalkii koobaad ee dunida, xulufadii Britishka ayaa ah kuwii ku adkaaday dagaalka. Xilligaa kooxihii laga adkaaday waxa kamid ahaa dawladdii Cusmaaniyiinta oo dhul baaxad weyn ka talinaysay. Waxa uu ahaa waqtigeedii ugu xumaa 600 oo sano ay maamulaysay mandaqad aad u weyn sanadahaas ayaa ay la kulantay caqabado ay xamili wayday, dadkii daganaa dhulalkii ay maamulaysay, xoogaggii reer Yurub iyo boqortooyooyin kale ayaa wiiqiyay awooddoodii. Waxa abuurmay koox uu hormuud u yahay Mustafa Kamal Ataturk oo u dagaallamayay madaxbannaanida Turkida, kadib markii ay wiiqmatay boqoortooyadu. Dagaallo badan oo ay la galeen Giriiggii iyo Armiiniyiinta iyo isla boqortooyadii Cusmaniyiinta iyo qaybo kamida dalalkii ay boqortooyadu ka talinaysay ayaa kallifay inay noqdaan kuwo jaang...
BOQORTOOYADA SUCUUDIGA
- Link abrufen
- X
- Andere Apps
![Bild](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEgKvIfUD5R_ExeLb1ym4d-k-pijTFjVyxL4_tIDfAocmJko_4yaSaWz4YNGnVOoJt62YQ8R8UexADgc3_goDT56yTUi-3tCtmxTUxDGQziAIs-6mjjsVcxsGXoss_vYF3_u1uvhbg0tfOa5/s1600/1667675857745997-0.png)
Boqortooyada Sacuudigu waa dal dhaca galbeedka Eeshiya ama mandaqadda bariga dhexe ama jasiirad-lamoodka carabta. Waxa uu ku fadhiyaa masaafo 2.1Milyan oo km ah, ku dhawaad afar jeer ayuu ka weyn yahay Sooomaaliya. Waa dalka labaad ee ugu baaxadda weyn wadamada Carbeed, sidoo kale waa dalka ugu weyn galbeedka Eeshiya ama bariga dhexe. Waana dalka 5aad ee Eeshiya ugu weyn ahna kan 12aad ee dunida ugu baaxadda weyn. Wadanku waxa uu xuduud la wadaaga sideed dal oo carbeed oo kala ah Yemen, Cumaan, Imaaraatka, Qatar, Baxrayn, Kuwayt, Ciraaq iyo Urdun. Waa dalka qura ee ay maraan labada badood ee kala ah Badda cas iyo badda biyaha gacanka Beershiya. Ku dhawaad 34Milyan oo qof baa ku nool wadankaas, 38% kuna dhow illaa 13Milyan oo qof waa ajaanib dalka ka shaqayeeya. Boqortooyada Sacuudiga waxa la aas-aasay 88sano kahor, waxaana sameeyay Abdul-Casiis ama Ibnu Sacuud oo ahaa aabaha boqorka maanta maamula dalkaas. Waa dal dhaca mandaqad muhim ah, badankiisna saxare ah balse hodan ah...
DAYAXA
- Link abrufen
- X
- Andere Apps
![Bild](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEjjB9_0iEd2KXQCkCJFudrG2FtquyESQmfuOmSi3lsihEWc6qKPeEkfhD9370KNjzczH4-LBpTARAI_TeHj6WN5u_OrtGC5sEHWBs707l9IHvlLD7-PKmAmdIJl2WjO0DLIRa_E2SPmVGYy/s1600/1667603346376208-0.png)
Dayaxa dhulku waxa uu kamid yahay in ka badan 200 oo dayax oo bah qorraxeedkeenna ku jira. Waa dayaxa qura ee dhulku lee yahay, waana dayaxa shanaad ee ugu weyn dayaxyada la sahamiyay. Taaso ka dhigaysa dhulka meeraha qura ee hal dayax leh. Marka laga reebo Dusaa (Mercury) iyo Waxaraxidh (Vinus) oo aanan dayaxyo lahayn meeryaasha kale oo idil waxa ay leeyihiin laba dayax iyo wax ka badan. Saynisyahannadu waxa ay tibaaxaan dhowr aragtiyo oo sheegaya qaabka uu dayaxu ku samaysmay, aragtida ugu xoogan ayaa ah in muddo laga joogo 4.5Bilyan oo sano uu meere yar uu ku dhacay dhulka taaso sababtay burbur, burburkaas ayaa sababay samaysanka dayaxa maanta. Dayaxu waxa uu dhulka u jiraa masaafo 384kun oo km ah. Waa shayga dabiiciga ah ee ugu dhow dhulka inta la ogyahay. Masaafada uu u jiro dhulka waxa gali kara illaa 30dhul. Ballaciisa ayaa ah 2,159mile. Dayaxu waxa uu nolosha dhulka u yahay mid muhim ah oo jiritaankeeda qayb ka qaata. Muddo 27maalmood ah ayay ku qaadataa inuu ku wareego dhidibk...
Xukunnada qoysaska Carbeed ee wadamada Khaliijka
- Link abrufen
- X
- Andere Apps
![Bild](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEgdSh5_c1T5q1WrIb9VldRBLB0XIy09mB_wm8J4eu1Wzy947kL5uRNMRdoa6S6XQltzP5NR7df6E7L2AOxT2YhhstQdU0rr6x0755NvpAVLPjSUzfdZOn3B6FI32b0n_QBVgXtxsGbVcWA_/s1600/1667603291401072-0.png)
Xukunnada qoysaska Carbeed ee wadamada Khaliijka. --------------------------------------------------------------------- Aala Sacuud waa qoyska xukuma Boqortooyada Sucuudiga, kuwaaso samaystay boqortooyadan 1744-tii waxaana sameeyay Mohamed Ibnu Sacuud oo ahaa wiilkii odayga Al-sacuud ee boqortooyada loogu magacdaray. Qoyskani waxay dhisan yihiin 274sano. Kuwaaso ugu dambayntii sameeyay dal la yiraado Sacuudi Carabiya, sanaddii 1932-dii. Reerkani waa kuwo aad u awood badan, saamayn ballaaranna kuleh dunida khaas ahaan mandaqadda bariga dhexe. Hantidoodu waxa ay kor u dhaafaysaa 1.4Trillion, waa mid kamid qoysaska ugu taajirsan dunida, haddii aysanba ahayn kan koobaad. Waxaana lagu tilmaama boqortooyada ugu hantida badan dunida. Waxa ay ka kooban yihiin illaa 15kun oo qof, balse laba kun oo qof ayaa ah kuwa ugu saamaynta badan oo dalkaas maamula. Aala Nahyan waa mid kamida lixda qoys ee kataliya lixda Imaaradood ee UAE ay ka kooban tahay. Sidoo kale qoyskani waxa ay dheer yihiin shanta k...
Hassanal Bolkiah waa Suldaanka ama boqorka wadanka Brunei Darussalam, oo ah dal jasiiradeed yar oo dhaca Koonfur-bari Eeshiya,
- Link abrufen
- X
- Andere Apps
![Bild](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEiW4pKT_Bm5bsllD4Xl0czefoiFpVHGSz76Tw_QUsIkCl6IJgk7m8HuwD_5I3RbvUWjFJwQ5KTmXc8hsC3IFBVgbNRVCoLvdC7fxTApORrRVB265omgXG5_gz9v9l7JkrtB1pi4r4NylUYC/s1600/1667603225250797-0.png)
Hassanal Bolkiah waa Suldaanka ama boqorka wadanka Brunei Darussalam, oo ah dal jasiiradeed yar oo dhaca Koonfur-bari Eeshiya, sidoo kale waa raysal wasaaraha dalka, ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo ganacsiga, ahna wasiirka maaliyadda, ahna wasiirka gaashaandhigga(difaaca) ahna taliyaha guud ee ciidamada qaranka, ahna taliyaha guud ee ciidamada badda, ahna taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka, ahna madaxa sare ee jaamacadda brunei darussalam( Chancellor of University Brunei Darrusalam), ahna madaxa sare ee jaamacadda Sultan Sharif Ali, ahna madaxa sare ee jaamacadda tiknolojiyadda ee Brunei. Waa 73sano jir, waxa uu maamulayaa dalkaas muddo 53sano ah. Waxa lagu tilmaama mid kamid shakhsiyaadka ugu hadal haynta badan dunida. Waxa uu ahaa qof hantida aad u kharash gareeya oo ku tunta (Playboy) illaa hadana yahay. Sanadihii u dhaxeeyay 1980-1990-kii ayuu ahaa shakhsiga ugu hodansan dunida. Madaxtooyadiisa ama guriga uu dagan yahay waa guriga dunida ugu ballaaran. Buugga dhacdoo...
waxnka baro maskaxda ibnu aadamka
- Link abrufen
- X
- Andere Apps
![Bild](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEjbTwcfF9Se3xUuSlRuujQ7G66a7dVOJPelyYc-PxY-0YX7f7I5FTFy8O1pJrp1Y8YXjoaqBSE49SYaVEzr8L3MJoyyjjomKkaNUieAXqIYrNh7qfQ7tQWngr97x3k3KyM2yvfkDuksS7bP/s1600/1667603146496357-0.png)
Haddii maskaxda aadamuhu ay Kombiyuutar ahaan lahayd waxa ay fulin kari lahayd 38kun oo tirilyan oo hawlgal halkii ilbirisiba, kombiyuutarka ugu awoodda badan dunida ee loo yaqaan Blue Gene waxa uu maamuli kara 0.002% xogtaas. Maskaxda aadamuhu 2% ayay ka tahay jirka banii aadamka. Culayskeedu waa hal kiilo iyo bar. Waxa ay ka kooban tahay 100Bilyan oo dareemayaal ah. Sidoo kale samaysankeeda guud 75% waa biyo. Sannadka koobaad ilmaha maskaxdiisu saddex jeer intii ay ahayd in le'eg ayay kortaa, illaa qofku 18sano kasoo gaaro korriinka way wadaysaa. Riyooyinka waxa la rumaysan yahay inay yihiin isku dhaf mala-awaal, arrimo jir ahaaneed iyo qodobo neerfayaasha la xiriira, waa astaan muujinaysa in maskaxdaadu ay u shaqaynayso si ka badan marka aad soo jeeddo. waxa ayna ka tarjumaysaa xitaa marka aad huruddo in maskaxdaadu shaqaynayso. Maskaxdu waa xubinta ugu duxda badan jirka aadmaaha, 60% wa dux. Maskaxdu marnaba xanuun ma dareento gudaheeda inta la ogyahay sida xubnaha kale ...
wax ka ogow taariikhda china
- Link abrufen
- X
- Andere Apps
![Bild](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEgmlLFOZZDCGHoEGlMypuNIBluNSwyOk1LXXAiQA-o3sbSQHgxmOZAq2DiwWa9W5SVS1WWxSUQL6-sZ64jzlTtae_IrM1Zm6g3OBKzqEp7_28dl7Ub2zTTvl8frXfWvpIpNh3FZQ4ShRnuZ/s1600/1667603033414873-0.png)
Dal heerka uu faqriga ka gaaray aysan xitaa Somalia ka gaarin, dal dagaalladii ugu badnaa ee taariikhda dhaca ay ka dhaceen, dal qarnigii aynu kasoo gudubnay oo qura ku waayay dagaal 100milyan dad ku dhow. Dal ay Somalia kaga horraysay xubinnimada qaramada Midoobay, ayna qayb ka ahayd ololihii uu xubin kaga noqonayay ururkaas. Maantana ah quwadda dunida dhaqaale ahaan iyo aqoon ahaanba hogaaminaysa! Shiinuhu waxa uu dhacaa bariga qaaradda Eeshiya, waa dalka saddexaad ee ugu baaxadda weyn dunida, kaliya Kanada iyo Ruushka ayaa ka baaxad weyn. Waxa uu xuduud la wadaaga 14dal oo Eeshiya dhaca, waa dalka xuduudaha ugu badan la wadaaga dal kale dunida, isaga oo la siman Ruushka. Waxa uu ka kooban yahay 22gobol, afar maamul magaalo oo ay toos dawladdu u xukunto, afar ismaamul gobol oo qowmiyado laga tiro badan yahay leeyihiin iyo laba maamul gobol oo iskood isku maamula awood dheeriyana leh se dawladda dhexe hoostaga. (Hong Kong iyo Macau). Tirada dadka ku nool Shiinaha maanta waa 1.4Bi...
WAX KA BARO TAARIIKHDA WADANKA INDIA
- Link abrufen
- X
- Andere Apps
![Bild](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEibJo1by0JIG2-d4y3fepUob5Vx-GZBh3vnwGrDfDEZZmkb1OzcNK8KfWFBpkZbSDmtcA7XDWjKPX8NUxBq9Mblov8pPaMRmavO_o-CB3CYhTWVBXTNdJNOR6grW74iIvsDm59-wl5LaOrE/s1600/1667602890374700-0.png)
Maalin maalmaha kamida wiil yar oo lagu magacaabay Thomas Alva Edison ayaa yimid gurigooda, waxa uu warqad uu siday u dhiibay hooyadiis, waxa uuna ku yiri "mcallinkayga ayaa warqaddan isoo dhiibay, waxa uuna ii sheegay qofka kaliya ee aan warqadda u dhiibayo inay tahay hooyaday." Hooyadii waxa ay ka qaadday warqaddii si ay u akhrido, isaguna waxa uu soo ag fariistay hooyadii si ay hooyadii ugu sheegto, waxa warqadda ku qoran. Hooyadii markii ay aragtay waxa warqadda ku qoran way ilmaysay, deedna waxa ay bilowday inay u akhrido warqadda. Waxa ay ku bilowday sidatan, "Wiilkaagu waa mid aad u caqli badan oo u aqoon badan, dugsiganna waa mid aad u yar marka isaga loo eego, kamana uu helayo macallimiin aqoontiisa ku hagta oo tababaran, fadlan adigu u noqo macallin oo waxbar." Sanado badan kadib hooyadii waa ay xanuusatay deedna waa ay dhimatay. Thomas waxa uu noqday daahfurihii (inventor) ugu weynaa qarnigiisii, maalin ayuu damcay inuu xasuusihii hooyadiis dib u akhriyo,...
TAARIIKHDA NINKII GULUUBKA SAMEEYEY
- Link abrufen
- X
- Andere Apps
![Bild](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEgOxZaO5NdG0p1zTvkjyL3V6XstzRzGN0BsBZ0k5k7KjoMDAX9pivSPDoXLXppCzCV3Mw1sSKyvKa8UT-HxgGmLh1ZWdHlRpuqya_AhJkKEzwSjs5e6__ZEox08bjn1xikqyR1-nULLEofR/s1600/1667602818915441-0.png)
Maalin maalmaha kamida wiil yar oo lagu magacaabay Thomas Alva Edison ayaa yimid gurigooda, waxa uu warqad uu siday u dhiibay hooyadiis, waxa uuna ku yiri "mcallinkayga ayaa warqaddan isoo dhiibay, waxa uuna ii sheegay qofka kaliya ee aan warqadda u dhiibayo inay tahay hooyaday." Hooyadii waxa ay ka qaadday warqaddii si ay u akhrido, isaguna waxa uu soo ag fariistay hooyadii si ay hooyadii ugu sheegto, waxa warqadda ku qoran. Hooyadii markii ay aragtay waxa warqadda ku qoran way ilmaysay, deedna waxa ay bilowday inay u akhrido warqadda. Waxa ay ku bilowday sidatan, "Wiilkaagu waa mid aad u caqli badan oo u aqoon badan, dugsiganna waa mid aad u yar marka isaga loo eego, kamana uu helayo macallimiin aqoontiisa ku hagta oo tababaran, fadlan adigu u noqo macallin oo waxbar." Sanado badan kadib hooyadii waa ay xanuusatay deedna waa ay dhimatay. Thomas waxa uu noqday daahfurihii (inventor) ugu weynaa qarnigiisii, maalin ayuu damcay inuu xasuusihii hooyadiis dib u akhriyo,...
SIRTA GUUSHA KFC
- Link abrufen
- X
- Andere Apps
![Bild](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEg7_uk5DUkHkKMBGBGitGXFaUW8Rc7kucpMvqlUU6x0SXnTXUpLArd_K9qVOLGwoXDawleJqEc2dIaavR5dzqlpgdPiBLSEtx-D6x5RE-cTqIWtxsmIMOkFA6sIcPzRb0svlcsfk_hONbMV/s1600/1667601329403498-0.png)
Waxa uu ahaa kan u weyn saddex caruur ah oo waalidkii isku dhaleen, waxaa la sheegaa in aabihii uu geeriyooday isaga oo 5jir ah, hooyadiis waxa ay ka shaqayn jirtay warshad yaanayada lagu farsameeyo, muddo maalmo ah ayaysan xaafadda imaan jirin taaso sababtay in uu walaalihii ilaaliyo cunnadana u kariyo maadaama uu xirfad cunna karinta ah lahaa xitaa markii uu yaraa. Markii uu 10jir ahaa ayuu bilaabay inuu ka shaqeeyo beer si uu qoyska u caawiyo. Markii uu ku jiray dugsiga waliba fasalka 7aad ayuu isaga haray si uu u shaqeeyo. Hooyadii xilligaa nin kale ayay is guursadeen oo ninkaas xiriir fiican lama uusan lahayn. Waxa uu ka tagay gurigoodii isaga oo aaday adeerkii oo magaalo kale ou noolaa, adeerkii shaqo ayuu geeyay balse nasiib darro wuu kasoo tagay shaqadii. Waxa uu ku biiray ciidamada isaga oo sheegtay da' uusan jirin maadaama uusan qaangaar ahayn. Sannad kadib waa la ogaaday waana laga saaray ciidamada xilligaa waa 17jir dhowr shaqana waa laga cayriyay. Adeerkii ayuu ...
WAX KA BARO MAGAALADA TOKYO
- Link abrufen
- X
- Andere Apps
![Bild](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEiozlzrhCfk8oQMZuU1sX_n51xDKyPGn2xFSfuwjNNHXwM2kJEBV3rp7gralpAf7Dau68EDaTi3pYXdU7g4L3kdQb-N0oz36zoZCWQqfaSKv0aaFeQJmtuov2ZWYRBm44R0yK7nG4C41_Zm/s1600/1667601207151653-0.png)
Magaaladani waa Tokyo waxa ay ku taal bartamaha Jabaan. Waxa markeedii hore la oran jiray Edo waxa ayna ahayd tuulo yar oo kalluumaysi, qarnigii 15aad ayaa markii ugu horraysay la dagay. Maanta waxa kunool gudaheeda iyo nawaaxigeeda (greater Tokyo) una soo shaqo doonto dad kor u dhaafaya 38Milyan oo qof. Waa magaalada dadka ugu badani ay ku xeeran yihiin dunida. Canada oo ah dalka labaad ee ugu dhul weyn caalamka ayay ka dad badan tahay. Dhaqaalaheedu waxa uu kor u dhaafayaa illaa $2Trillion. Waxa ay ka dhaqaale badan tahay dalal badan oo ay kamid yihiin Ruushka, Turkiga, Sacuudiga, Brazil, Italy, Mexico, Canada, South Korea, Australia iyo Spain. Waa dalalka safka hore kaga jira dhaqaalaha dunida. Marka laga reebo 7 dal inta kale iyadaa ka dhaqaale badan dalalka caalamka. Waxa ay hoy u tahay maanta 36kamida shirkadaha ugu waawayn dunida. Waxa ku yaal gudaheeda suuqa ugu weyn ee kalluun lagu gado dunida oo waxa la sheegaa in maalinkii ku dhawaad 60kun oo qof suuqaas ka ka adeegtaan...
WAX KA BARO AFRIKA
- Link abrufen
- X
- Andere Apps
![Bild](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEjoTyGUWYGvbNt6jBMDUZQiAVuEnUDvkkadz6VjjJ7qbCQ6rg0rRRtQJ4mcSsgwsbpHRDc9mN99DiXUHDjksQcsH182La1WU6qiVcCBnP-OOzQ9So1BLVZ4L7T5YRbNjpgo5k0IVaDAHisy/s1600/1667601149009207-0.png)
Waxa la tilmaama inay Afrika tahay hooyada ama asalka aadamaha meesha uu ka yimid, taariikhyahannadu waxa ay xusaan inay tahay xudunta aadamuhu ka soo uskumay se ka haajiray intiisii badnayd. Waxa ku nool maanta in ka badan 3kun oo qowmiyadood oo ku hadla in ka badan 2,100 luuqadood. Waxaan soo qaadanayna lixda qowmiyadood ee qaaradda ugu dadka badan tiro ahaan. Qowmiyadda Hausa ama Haawsaha ayaa ah qowmiyadda ugu dadka badan guud ahaan qaaradda Afrika, waxa ay tiro ahaan dhan yihiin 80milyan oo qof in kor u dhaafaysa. 65milyan oo kamida tiradaas ayaa dagta dalka Nigeria oo ay ka yihiin 30% kana dhigan kuwa ugu badan. Waxa kale oo ay dagaan dalka Niger oo ay ka yihiin 55% oo dhan illaa 12milyan. Waxa kale oo ay dagaan wadamada Ivory coast, Benin, Chad, Ghana, Cameroon iyo Sudan. 95-98% waa muslimiin ku hadla afkooda iyo af Carabiga. Kaalinta labaad waxa ku jirta qowmiyadda Yoruba oo tiro ahaan dhan 47milyan oo qof waxa ay dagaan intooda badan oo dhan 45milyan dalka Nigeria o...
WAX KA BARO MADAGASCAR
- Link abrufen
- X
- Andere Apps
![Bild](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEiQUN9ZtslHpXYQ3da18La_Bf93MQqD5TZ0JpM_wCCJY5Wt_akS6-CS21cVuxiYiBsUatuGP3zrgnICbWnqy7-_81RufLikBWcrdu4r8Ej3CjSCmnPVPHO1qem24uJ0QeEyGa_oyvJELajA/s1600/1667601070403953-0.png)
Madagascar waa dal jasiiradeed dhaca koonfurta qaaradda Afrika ama bariga dalka Mozambique oo ah bartamaha badweynta Hindiya. Waa dal jasiiradeedka labaad ee ugu weyn dunida. Baaxad ahaan waa dalka 49aad ee ugu baaxadda weyn caalamka, sidoo kale waa dalka ugu xeebta dheer guud ahaan qaaradda Afrika. Dalkan waxa ku nool dad lagu qiyaaso 27malyan oo qof. 95% dadkiisu waa dad ka soo haajiray Eeshiya qarniyo ka hor. Madagascar waxa la tilmaama inay tahay meelihii ugu dambeeyay dunida ee aadamuhu dago. Bilowgii taariikhda miilaadiyada qowmiyadu ka soo haajiray dalka maanta loo yaqaan Indonesia ayaa soo dagay jasiiraddan. Maanta waxa ku nooo dalka 18qawmiyaodood oo ah dadkii ka soo haajiray Indonesia iyo kuwa Carab iyo Afrikaan isku milmay ah iyo dadyow kale. Dalkani waa mid ka duwan wadamada kale deegaan ahaan waxa ay taariikhyahannadu xusaan in jasiiradda Madagascar ay 88milyan oo sano kahor kasoo go'day dhulka loo yaqaan maanta qaarad hoosaadka Hindiya. (Indian subcontinental)....
Burj Khalifa
- Link abrufen
- X
- Andere Apps
![Bild](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEgHiDV6xlapz0c_RwQawJo220X77pFd6XZMqYDdkUhQAIMf9FzOy2fQ5raUpHMcVs177uq2ThOKs9WPurooLtR4knAgh6eqE3alSFKhvfeHG0cNWY-BcxIHNTmq8P4c7MxLufX6O_TKUPWY/s1600/1667600996611005-0.png)
Dhisiddii Burj Khalifa kaliya dunida ugama dhignayn inuu noqonayo dhismaha ugu dheer caalamka, sidoo kale waxa uu astaan u yahay awoodda aadamaha iyo fikradihiisa hal-abuur iyo sancooyinkiisa cajiibka ah iyo sida saynisku u yahay waxa ugu weyn ee maanta aadamuhu ku tiirsan yahay. Waxaan halkan kusoo koobay dhowr iskoor oo dhismahaas cajiibka ah dunidu u diiwaan galisay oo illaa hadda aan la la wadaagin. Burj Khalifa waa dhismilaha ugu dheer dunida oo gaaraya 828mitir oo dherer ah (tallest building) sidoo kale waa dhismaha ugu dheer ee iskiis u taagan oon wax kale ku tiirsanayn dunida (tallest free-standing structure) si lamida waa dhismihii ama sancaddii ugu dheerayd ee abid basharku hindiso inta la ogyahay taariikhda. Waxa kale oo u diiwaan gashan inuu leeyahay tirada ugu badan ee dabakhyo ah ee dhisme leeyahay dunida (163 dabakh) si lamida waa dhismaha leh dabakha ugu sarreeya dunida ee dad dadgan yihiin. Waxa kale uu leeyahay meesha ugu sarraysa dunida ee dad intay istaagaan dh...
Madaxweyne yiri inta aan noolahay anaa dalka ka madaxweyne ah
- Link abrufen
- X
- Andere Apps
![Bild](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEiGbsYHSLXBPk7KzjG4TO4rVNo1mROE2sSkh_CYhFmT_fp9LaMYKJdiUl2KORRz28LkWJYXcaGdksh4pHr6ACsL2ldD6J16DUrhPGvt-srvSqiKmCYEF1odYZVkpZgXWE4500ZD5kIn64zx/s1600/1667600935909371-0.png)
Madaxweyne yiri inta aan noolahay anaa dalka ka madaxweyne ah marka ay ku filnaan wayday intaasna naftiisa isu boqray oo dalkisii Imabaraadoor ka noqday oo boqortooyo aas-aastay. Hilibka dadkana cuni jiray ahaana mid kamida kuwii ugu xumaa ee Afrika taariikhdeeda soo mara. Jean Bedel Bokassa waxa uu ahaa madaxweynihii labaad ee hogaamiya Jamhuuriyadda Afrikada dhexe. Aabihii waxa uu dhintay isaga oo yar, waxaana dilay gumaystihii Faransiiska oo xilligaa maamulayay wadankaas. Hooyadii waxa ay dhimatay isaga oo lix jir waa isbuuc kadib markii aabihii la dilay iyadana waa ay is dishay. Waxa ay ka tagtay 12caruur ah uu isagu ku jiro. Bokassa waxa uu ku biiray 18jirkiisii ciidadmadii Faransiiska isaga oo la dallacsiiyay oo dagaallo badan ka qayb galay xitaa ay dawladda Faransiisku siisay dhalashada dalkeeda. Sanaddii 1966-dii ayuu dalkiisa afgambi millatari kula wareegay talada uuna isu caleema saaray madaxweynaha dalka. Waxa uu ahaa hogaamiye dhiigyacab ah aad u arxan dara...
WAX KA BARO WAX AANAD KA OGAYN DALKA Indonesia!
- Link abrufen
- X
- Andere Apps
![Bild](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEhcey2LUJa_vt05UA0_ZKngwoQGknohRiYyoUiP2D_CXd1rLYcIxN8rzr1qEnfPmRu16upggG0VHo7UC4WH3XXJ-aJT-eP02ap1f7sBqjpxjukI_BIuwCmIrAmVz3gSHF5r5o3lrbY7B8wB/s1600/1667600834140678-0.png)
Indonesia waxa ay kamid tahay dalalka ugu saamaynta badan dunida oo ugu awoodda badan. Waxaana u sabab ah dhaqalaheeda aadka u xoogan iyo tirada dadkeeda oo aad u badan. Waa dal jasiiradeedka ugu baaxadda weyn dunida ahna dalka 14aad ee caalamka ugu baaxadda weyn. Sidoo kale waa dalka afaraad ee ugu dadka badan dunida ahna kan saddexaad ee ugu dadka badan Eeshiya. Tirada dadka ku nool waxa lagu qiyaasaa 270Milyan oo qof waa dal aad u dad badan oo uu korayo tirada dadkiisu. Marka laga yimaado inuu yahay dalka 4aad ee caalamka ugu dadka badan, sidoo kale waa dalka ay ku nool yihiin muslimiinta ugu badan dunida. 225milyan oo muslimiin ah ayaa ku nool dalkaas. Waa dal kala duwanaanshaha isirka, afka, diinta iyo dhaqanka uu aad ugu badan yahay. Waxa la tilmaama qowmiyadaha Indonesia ku nool inay tiro ahaan ka badan yihiin 600 oo qowmiyadood. Loogana hadlo in ka badan 700 oo luuqadood. Balse dalku leeyahay hal luuqad oo nidaamka dalku ku shaqeeyo oo ah luuqadda Indones...
MAXAAD KA OGTAHAY SHIRKADA AIRBUS
- Link abrufen
- X
- Andere Apps
![Bild](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEiUFPv9GNT0Bh3DNdIhvMmysvp0sOzpOAhTujCvBMhOEIOObD15iL6xb2jY8pUat2X2abnZvZpGsghLmfzr_6QIVCdHOC-dWk4u-i_DiUrqWdrB4luhuPXn-8wwvPQBG3XOAQLwRoZSuaol/s1600/1667600696859642-0.png)
Shirkadda diyaaradaha soo saarta ee reer Yurub ee lagu magacaabo Airbus ayaa shaacisay 2019-kii in nooca diyaaradda Airbus A380 ay joojinayso soo saaristeeda sanadka 2021-ka oo ah sannadkan aynu ku jirno. Sababta ayay ku sheegtay in dhaqaale badan galay hadana suuqii loo baahnaa aysan helin. Airbus A380 waa diyaaradda ugu weyn dunida ee rakaab qaadda, waana abid tii ugu weynayd ee bani aadanku hindiso ee rakaab qaadda. Sanaddii 2005-tii ayay markii ugu horraysay hawada u duushay oo tijaabadii ugu horraysay la marsiiyay iyadoo soo gashay shaqada sanadkii 2007-kii. diyaaradda cajiibka ah ayaa leh waxyaabo iyada u khaas ah oo aad u badan oo wayninkeedu sabab u yahay. Marka ay kacayso culayskeedu waxa uu dhan yahay 575tan ama 575kun oo kg, waa in u dhiganta illaa Shan nibiriga buluugaa ah, oo ah xayawaanka ugu weyn ee abid la abuuray. Waxa ay u dhiganta culayskeedu illaa todobo diyaaradood oo ah nooca Boeing 737 ama waxa ay 40% ka weyn tahay diyaaradda labaad ee dunida ugu weyn ...
YAA AAS AASAY TIKTOK?
- Link abrufen
- X
- Andere Apps
![Bild](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEjEaUtLVL1HR16yPjQPW0B1Oikd2-nZmYgHlH5Xqmu4TtatB8xysaqSqsqqMB4_IRC6LcS6ooom5LYKk-bdM4jA053J19Xa-S1lwt1cfzf-AAecKekcXuZUuw1Nt6tyIEZlI5Ot5mcJGRb7/s1600/1667600594003905-0.png)
Zhang Yiming waa hal-abuure iyo ganacsade Chinese ah, waana aas-aasaha shirkadda Byte Dance ee soo saartay app-ka Tiktok sanaddii 2016-kii, laba sano kadib waxa uu noqday Bilyanneer kadib markii Forbes shaacisay inuu haysto hanti $4Billion ah. Saddex sano kadib maanta waxa uu kamid yahay shakhsiyaadka ugu hodansan Shiinaha waxa uuna haystaa $44Billion lacag kor u dhaafaysa. muddo saddex sano ah ayuu ku sameeyay hanti $44Billion ah. Tiktok oo ah mid kamida aaladaha ugu korriinka badan dunida looguna isticmaalka badan yahay ayuu dunida ku soo kordhiyay 2016-kii. Waxa uu shaaciyay bishan inuu ka fariisanayo shaqada oo u bannaynayo xilka, isaga oo ku macneeyay inuu yahay shakhsi aan furfurnayn oo noloshiisu tahay mid daahsoon. Xilka uu ka dagayo kama ay dhigayso inay hantidiisu istaagayso waa mulkiilaha oo isaga oon wax shaqo ah ka hayn ayay bilaayiin doollar sannad walba u kor dhaysaa. Ganacsiga Tiknoolajiyaddu waa kan ugu dhaqaalaha badan dunida uguna faaidada badan, ahna kan ...
kawnkeena
- Link abrufen
- X
- Andere Apps
![Bild](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEgK6wh6UvWKWVKtKbG3lZ0HBl1PdPRlWvzb4aZ9LeMf9prqqrj4yk9zejZND4dQNCKNv1s3oRyA4TNv_Ax7cHWbCetinoIR5hXhogm9VB0SFfNYo2OBH9N84PXQxAJOVdbOw9Iawq6GVY97/s1600/1667600497574981-0.png)
Kawnku (Universe) waa mid cajiib ah oo aadamuhu wali ku foogan yahay ogaalkiisa. Waxa uu ka kooban yahay kawnku isku raranno, xidigo, meerayaal, dayaxyo iyo walax cireedyo kale oo aad u badan. Waa mid aad u weyn oo weynankiisa ay xisaabta dhow ee aadamuhu isticmaalo aysan kaafin karin in lagu ogaado. Saynisyahannadu waxa ay qabaan in uu samaysmay muddo 13Bilyan oo sano kahor ah. Inta la og yahay Kawnku waxa uu ka kooban yahay in ka badan 2Tirilyan oo iskuraran (Galaxy) oo mid kasta oo kamida ay ku jiraan ugu yaraan 100Bilyan oo xidigood, sidoo kale illaa hal bilyan oo tirilyan oo xiddigo ah ayaa ku sii dhexjira iskurrannadaas. Si lamida meerayaasha xiddigahaas ku dhex jira ayaa lagu qiyaasa illaa 10Sabtilyan oo meere. Sidoo kale Saynisyahannadu waxa ay qabaan in Galaxy kasta ay dhex bartamihiisa ku taal god madoobe aad u weyn oo wad ku ah jiritaanka Galaxy-gaas. Innagu waxa aynu ku nool nahay Dhulka oo ah meere yar oo ku wareega xiddig aynu u naqaan qorraxda oo weynank...
Zhou qunfei
- Link abrufen
- X
- Andere Apps
![Bild](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEjtD-Xjn8h365EisZxwZ1yK00eMQm7UlFuLALVoVtvg3nXLDzSd2Y7cqFvly8BzRtHXX37v0fWp-fRGBDqRCSMEVKm7zkh3MWOqX1Agt7mjo8EDim-No-0MDrWgcMIO1H7h4hotc3H-Z9x6/s1600/1667600426529713-0.png)
Haweenaydan waxa lagu magacaabaa Zhou Qunfei waa Chinese, waxa ay ahayd ilmaha u yar saddex caruur ah oo ay dhaleen qoys fuquro ah, aabaheed oo reerka u shaqayn jiray iyada oon dhalan ayuu indhaha beelay qayb faraha kamidana beelay kadib shil ka soo gaaray warshad uu ka shaqaynayay. Hooyadeed iyadoo shan jir ah ayay geeriyootay. Dantu waxa ay ku qasabtay iyada oo ilmo ah inay reerka u shaqayso. Waxa ay xoolaha u raaci jidhay dadka xaafadda si lacagta ka soo xaroota ay qoyska ugu kabto. Isla xilligaa ayay waxbarashadana ku jidhay oo waxa ay ahayd qofka kaliya ee qoyskooda ka tirsan ee waxbarshada dugsiga sare gaaray. Se nasiib darro markii ay 16jir ahayd ayay isaga hartay waxbarashadii maadaama xaaladdu adkaatay. Waxa ay soo aadday magaalada Shenzen si ay uga shaqayso. Magaaladaas oo adeerkeed daganaa ayay warshad kutaal ka shaqayn jirtay, kadib muddo sanado ah, waxa ay aruursatay xoogaa lacag ah iyadoo shirkad u gaar ah samaysatay. Waxa ay samaysay dhowr iskuday oo ganacsi o...
macaamiisha Lama xumeeyo
- Link abrufen
- X
- Andere Apps
![Bild](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEhBPaCHVHnLlyJ6PFbm-SCLaRpXLbNG0GeQf4Y7Yj93typ2z6OIYnOSgpndOrtQ6iq2yr6h5d30E5XPynsPKdXdyuwcjoXCGDGQKi1URoAPUqjdXsi6lN4l52FQQ1w30GNE6f5b5y22deKA/s1600/1667600064099109-0.png)
MACAAMIISHA LAMA XUMEEYO. Nin tuug ah oo waliba nooca la yidhaahdo caadaystaha oo sanadka intiisa baan xabsiga ku dhamaysta oo inta uu banaanka joogaa anay ka badnayn celcelis ahan sanadkii bil ama laba ayaa sanad kaliya 3 jeer la horkeenay Garsoore kaliya. Mar saddexaadkii ayaa garsoorahii oo aqoonsaday ninkii intaanu xukumin su,aalay ninkii "Waar miyaanad ahayn kii aan laba jeer ee hore aan xukumay?" Oo intaanu u jawaabin waydiiyay " Waar hadmaad ka waan toobaysaa tuugada?". Oo isagoo cadhaysan ugu hanjabay inuu lix sanadood xidhi doono si dadku uga raysto, Tuugii ayaa aad u qoslay, Garsoorahii oo la yaaban waxa uu ku qoslayo ayaa su,aalay "Waar maxaad ku qoslaysaa" Tuugii oo weli qoslaya ayaa ku yidhi garsoorahii "waxaan ku qoslaya caqli xumadaada". Garsoorahii oo u qaadan la' hadalka uu ku yidhi ayaa yidhi, "Waar ma aniga caqli xun?". Tuuggii ayaa garsooraha waano ahaan ugu yidhi "Garsoore meheradda ha iska xumeyn, m...